< Yashuuca 3 >

1 Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.
Adeɛ kyee anɔpahema no, Yosua ne Israelfoɔ no nyinaa tu firii Sitim kɔduruu Asubɔnten Yordan nsunoa, baabi a wɔtenaa nna kakra ansa na wɔretwa.
2 Oo saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen,
Nnansa akyi no, Israelfoɔ ntuanofoɔ no faa atenaeɛ hɔ nyinaa
3 oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.
maa nnipa no akwankyerɛ sɛ, “Sɛ mohunu sɛ Lewifoɔ asɔfoɔ no so Awurade, mo Onyankopɔn Apam Adaka no a, monni wɔn akyi.
4 Oo weliba waa in meel bannaan oo qiyaasteedu dhan tahay laba kun oo dhudhun idiin dhexaysaa idinka iyo sanduuqa. Ha u soo dhowaanina isaga, si aad u ogaataan jidkii aad mari lahaydeen; waayo, idinku hadda ka hor ma aydaan marin jidkan.
Esiane sɛ momfaa ha da no enti, wɔbɛkyerɛ mo ɛkwan. Momma akwansini fa nna mo ne wɔn ntam, na moammɛn Apam Adaka no. Monhwɛ na moammɛn ho.”
5 Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Quduus iska dhiga, waayo, berri Rabbigu wuxuu dhexdiinna ku samayn doonaa waxyaalo yaab leh.
Yosua ka kyerɛɛ nkurɔfoɔ no sɛ, “Monnwira mo ho, ɛfiri sɛ, ɔkyena Awurade bɛyɛ anwanwadeɛ wɔ mo mu.”
6 Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.
Anɔpa no, Yosua ka kyerɛɛ asɔfoɔ no sɛ, “Mompagya Apam Adaka no na momfa nni nnipa no anim ntwa asubɔnten no.” Ɛno enti wɔsiim.
7 Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.
Awurade ka kyerɛɛ Yosua sɛ, “Ɛnnɛ, mɛhyɛ aseɛ ayɛ wo kɛseɛ wɔ Israelfoɔ no nyinaa ani so. Na ɛbɛma wɔahunu sɛ, meka wo ho sɛdeɛ na meka Mose ho no.
8 Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.
Fa saa akwankyerɛ yi ma asɔfoɔ a wɔso Apam Adaka no: ‘Sɛ moduru Asubɔnten Yordan nsunoa hɔ a, monnante nkɔ nsuo no mu kakra na monnyina.’”
9 Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.
Na Yosua ka kyerɛɛ Israelfoɔ no sɛ, “Mommra mmɛtie asɛm a Awurade, mo Onyankopɔn aka.
10 Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.
Ɛnnɛ mobɛhunu sɛ Onyankopɔn teasefoɔ no ka mo ho. Ampa ara ɔbɛpam Kanaanfoɔ, Hetifoɔ, Hewifoɔ, Perisifoɔ, Girgasifoɔ, Amorifoɔ ne Yebusifoɔ.
11 Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.
Monnwene ho! Apam Adaka a ɛyɛ Awurade a asase nyinaa yɛ ne dea no bɛdi mo anim de mo atware Asubɔnten Yordan.
12 Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.
Afei, monyiyi nnipa dumienu a ɔbaako biara firi mmusuakuo dumienu no mu.
13 Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.
Asɔfoɔ no bɛsoa Awurade a ɔyɛ asase nyinaa wura no Adaka no. Sɛ wɔn nan nya si nsuo no mu ara pɛ, asuo no bɛtwa afiri atifi ama ano aboa wɔ hɔ.”
14 Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,
Ɛberɛ a nnipa no sɔree sɛ wɔrekɔtwa Yordan no, asɔfoɔ a na wɔso Apam Adaka no dii wɔn anim.
15 oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)
Na ɛyɛ otwaberɛ mu enti na Yordan no ayiri aba nsunoa. Nanso, asɔfoɔ a wɔso Adaka no nan sii asuo no ano pɛ,
16 ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo.
asuo no ano hyɛɛ aseɛ boaa wɔ nʼatifi fam, baabi a wɔfrɛ hɔ Adam a ɛbɛn Saretan. Na asuo a ɛwɔ anafoɔ no nso tene kɔguu Nkyene Ɛpo no mu kɔsii sɛ asuo no subɔnhwa no weeɛ. Enti, nnipa no nyinaa twaa wɔ beaeɛ bi a ɛbɛn Yeriko kuropɔn no.
17 Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.
Saa ɛberɛ no mu, asɔfoɔ a wɔso Awurade Apam Adaka no gyinaa asase kesee so wɔ subɔnhwa no mfimfini ma nnipa no nyinaa twaa mu. Wɔtwɛnee wɔ hɔ kɔsii sɛ obiara faa asase kesee so twaa Yordan.

< Yashuuca 3 >