< Yashuuca 24 >

1 Markaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.
Tsono Yoswa anasonkhanitsa mafuko onse a Israeli ku Sekemu. Iye anayitanitsa akuluakulu, atsogoleri, oweruza, ndi akuluakulu a boma la Israeli, ndipo iwo anafika pamaso pa Mulungu.
2 Oo Yashuuca wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Awowayaashiin waxay waa hore degganaan jireen Webigii shishadiisa, oo waxaa ka mid ahaa Terax oo ahaa aabbihii Ibraahim iyo Naaxoor; waxayna u adeegi jireen ilaahyo kale.
Yoswa anati kwa anthu onse, “Yehova Mulungu wa Israeli akuti, ‘Kalekale makolo anu, kuphatikiza Tera, abambo a Abrahamu ndi Nahori ankakhala kutsidya kwa Mtsinje ndipo ankapembedza milungu ina.
3 Markaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.
Koma ine ndinatenga kholo lanu Abrahamu kumuchotsa ku dziko la kutsidya kwa mtsinje wa Yufurate ndipo ndinamutsogolera kupita ku dziko la Kanaani. Ndinamupatsa zidzukulu zambiri. Ndinamupatsa Isake,
4 Isxaaqna waxaan siiyey Yacquub iyo Ceesaw; Ceesawna waxaan Buur Seciir u siiyey inuu hantiyo, oo Yacquub iyo carruurtiisiina waxay ku dhaadhaceen xagga dalka Masar.
ndipo Isake ndinamupatsa Yakobo ndi Esau. Ndinapereka dziko la mapiri la Seiri kwa Esau, koma Yakobo ndi ana ake anapita ku Igupto.
5 Oo markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.
“‘Kenaka ndinatuma Mose ndi Aaroni, ndipo ine ndinazunza Aigupto. Pambuyo pake ndinakutulutsani.
6 Oo awowayaashiin waxaan ka soo saaray Masar, oo markaasaad timaadeen badda; oo Masriyiintiina awowayaashiin ayay ku sii eryadeen gaadhifardood, iyo fardooley, ilaa ay yimaadeen Badda Cas.
Nditatulutsa makolo anu ku Igupto ndinafika nawo ku Nyanja Yofiira. Aigupto anawathamangira ndi magaleta ndi okwera pa akavalo mpaka ku Nyanja Yofiira.
7 Oo markay Rabbiga u qayshadeen ayuu gudcur kala dhex dhigay idinka iyo Masriyiintii, oo badduu ku soo daayay oo ku daboolay; oo indhihiinnaad ku aragteen wixii aan ku sameeyey Masar; oo idinna maalmo badan ayaad cidlada degganaydeen.
Tsono makolo anuwo anapemphera kwa Ine kuti ndiwathandize, ndipo ndinayika mtambo wakuda pakati pawo ndi Aiguptowo, ndipo Nyanja inamiza Aigupto aja. Inu munaona ndi maso anu zimene ndinachita kwa Aiguptowo ndipo inu munakhala mʼchipululu nthawi yayitali.
8 Oo markaasaan idin keenay dalkii reer Amor, kuwaasoo degganaa Webi Urdun shishadiisa, oo iyana way idinla dirireen; kolkaasaan gacanta idiin geliyey, oo dalkoodiina waad hantideen, iyagiina hortiinna waan ka baabbi'iyey.
“‘Pambuyo pake Ine ndinabwera nanu ku dziko la Aamori amene amakhala kummawa kwa Yorodani. Iwo anamenyana nanu koma ndinawapereka mʼdzanja lanu. Ndinawawononga pamaso panu, ndipo inu munalanda dziko lawo.
9 Dabadeedna waxaa kacay boqorkii Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor, oo wuxuu la diriray reer binu Israa'iil, markaasuu u yeedhay oo idiinku soo diray inuu idin habaaro Balcaam ina Becoor.
Balaki mwana wa Zipori, mfumu ya Mowabu, analimbana ndi Israeli. Iye anayitanitsa Balaamu mwana wa Beori kuti akutemberereni.
10 Laakiinse anigu Balcaam ma aanan dhegaysan; sidaas daraaddeed weliba wuu idiin sii duceeyey; oo sidaasaan gacantiisii idiinka samatabbixiyey.
Koma ine sindinamvere Balaamu, kotero iye anakudalitsani mowirikiza ndipo ndinakulanditsani mʼdzanja lake.
11 Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.
“‘Ndipo inu munawoloka Yorodani ndi kufika ku Yeriko. Anthu a ku Yeriko analimbana nanu pamodzi ndi Aamori, Aperezi, Akanaani, Ahiti, Agirigasi, Ahivi ndi Ayebusi. Koma Ine ndinawapereka mʼdzanja lanu.
12 Oo waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.
Ine ndinatumiza mavu amene anapirikitsa mafumu awiri Aamori aja pamaso panu. Inu simunachite izi ndi lupanga ndi uta wanu.
13 Oo waxaan idin siiyey dal aydnaan u hawshoon, iyo magaalooyin aydnaan dhisan, oo waad iska dhex degtaan, oo waxaad ka cuntaan canab iyo saytuun aydnaan beeran.
Motero ndinakupatsani dziko limene simunalivutikire ndiponso mizinda imene simunamange. Inu mukukhala mʼmenemo ndi kumadya zipatso za mʼmunda wamphesa ndi kuthyola zipatso mʼmitengo ya olivi zimene simunadzale.’
14 Haddaba Rabbiga ka cabsada, oo daacad iyo run ugu adeega; oo iska fogeeya ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, iyo dalka Masar dhexdiisa, oo idinku waxaad u adeegtaan Rabbiga.
“Ndipo tsopano wopani Yehova ndi kumutumikira Iye mokhulupirika ndi moona. Chotsani milungu imene makolo anu ankapembedza kutsidya kwa mtsinje wa Yufurate ndi ku Igupto ndipo tumikirani Yehova.
15 Oo hadday shar idinla tahay inaad Rabbiga u adeegtaan, haddaba maanta doorta kii aad u adeegi doontaan, ama ha noqoto ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, ama ilaahyada reer Amor, kuwaas oo aad dalkoodii deggan tihiin; laakiinse aniga iyo reerkayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.
Koma ngati kutumikira Yehova kukuyipirani, sankhani lero amene mudzamutumikire, kapena milungu imene makolo anu ankayitumikira kutsidya kwa mtsinje wa Yufurate, kapena milungu ya Aamori, amene mukukhala mʼdziko lawo. Koma ine ndi banja langa, tidzatumikira Yehova.”
16 Kolkaasaa dadkii waxay ugu jawaabeen, Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ka tagno oo aannu u adeegno ilaahyo kale;
Ndipo anthu anayankha, “Sizingatheke kuti timusiye Yehova ndi kutumikira milungu ina!
17 waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.
Yehova Mulungu wathu ndiye amene anatitulutsa ife ndi makolo athu mu ukapolo, mʼdziko la Igupto. Tinaona ndi maso athu zizindikiro zozizwitsa zimene anachita. Iye anatiteteza pa ulendo wathu wonse ndi pakati pa mitundu yonse imene tinkakumana nayo.
18 Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo.
Ife tikufika Iye anapirikitsa anthu onse pamodzi ndi Aamori amene ankakhala mʼdzikoli. Ifenso tidzatumikira Yehova chifukwa Iye ndiye Mulungu.”
19 Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Rabbiga uma aad adeegi kartaan; waayo, isagu waa Ilaah quduus ah; oo waa Ilaah masayr ah, oo isagu idinkama cafiyi doono xadgudubkiinna iyo dembiyadiinna toona.
Koma Yoswa anati kwa anthuwo, “Inutu simungathe kutumikira Yehova. Iye ndi Mulungu woyera, salola kupikisana naye. Sadzakukhululukirani ngati mumuwukira ndi kumuchimwira.
20 Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.
Ngati inu musiya Yehova ndi kutumikira milungu yachilendo, adzakufulatirani. Iye adzakulangani ndi kukuwonongani ngakhale kuti poyamba anakuchitirani zabwino.”
21 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse annagu Rabbiga waannu u adeegi doonnaa.
Koma anthuwo anati kwa Yoswa, “Ayi! Ife tidzatumikira Yehova.”
22 Yashuucana wuxuu dadkii ku yidhi, Idinka qudhiinnaa isku marag furaya inaad doorateen Rabbiga oo aad isaga u adeegaysaan. Kolkaasay yidhaahdeen, Annagaa ka marag ah.
Kenaka Yoswa anati, “Inu mukudzichitira nokha umboni kuti mwasankha kutumikira Yehova.” Iwo anayankha kuti, “Inde ife ndife mboni.”
23 Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Yoswa anati, “Tsono chotsani milungu yachilendo imene ili pakati panu ndipo perekani mitima yanu kwa Yehova Mulungu wa Israeli.”
24 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa.
Ndipo anthuwo anati kwa Yoswa, “Ife tidzatumikira Yehova Mulungu wathu ndi kumvera Iye.”
25 Taas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar.
Choncho pa tsiku limenelo Yoswa anachita pangano mʼmalo mwa anthuwo, ndipo pa Sekemu pomwepo iye anapereka malamulo ndi malangizo kwa anthu aja.
26 Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.
Ndipo Yoswa analemba zinthu izi mʼbuku la malamulo a Mulungu. Kenaka iye anatenga mwala waukulu nawuyimika pansi pa mtengo wa thundu pa malo wopatulika a Yehova.
27 Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.
Yoswa anati kwa anthu onse, “Tamvani! Mwala uwu udzakhala mboni yotitsutsa. Mwalawu wamva mawu onse amene Yehova wayankhula kwa ife. Udzakhala mboni yotitsutsa ngati mukhala osakhulupirika kwa Mulungu wanu.”
28 Markaasaa Yashuuca dadkii kala diray oo nin waluba wuxuu tegey dalkii dhaxalkiisa ahaa.
Kenaka Yoswa analola anthu kuti apite, aliyense ku dera lake.
29 Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.
Zitatha zinthu izi, Yoswa mwana wa Nuni, mtumiki wa Yehova, anamwalira ali ndi zaka 110,
30 Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
ndipo anamuyika mʼmanda mʼdziko lake, ku Timnati-Sera dziko lamapiri la ku Efereimu, kumpoto kwa phiri la Gaasi.
31 Reer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.
Israeli anatumikira Yehova pa nthawi yonse imene Yoswa anali ndi moyo ndiponso pa nthawi ya akuluakulu amene anali moyo Yoswa atamwalira, anthu amene ankadziwa zonse zimene Yehova anachitira Israeli.
32 Oo lafihii Yuusuf oo reer binu Israa'iil ka soo saareen Masar, waxay ku aaseen Shekem taasoo ah dhulkii yaraa oo Yacquub ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis oo uu ka siistay boqol gogo' oo lacag ah; oo meeshaasu waxay dhaxal u noqotay reer Yuusuf.
Ndipo mafupa a Yosefe amene Aisraeli anawatulutsa ku Igupto anawayika mʼmanda a ku Sekemu pa malo amene Yakobo anagula ndi ndalama zasiliva 100 kwa ana a Hamori, abambo a Sekemu. Malo awa anakhala cholowa cha adzukulu a Yosefe.
33 Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
Ndipo Eliezara mwana wa Aaroni anamwalira ndipo anayikidwa mʼmanda ku Gibeya, malo amene anapatsidwa kwa Finehasi mwana wake, mʼdziko lamapiri la Efereimu.

< Yashuuca 24 >