< Yashuuca 22 >

1 Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,
Kwa wakati huo, Yoshua aliwaita Warubeni, Wagadi, na nusu ya kabila la Manase.
2 oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.
Aliwaambia, “Mmefanya kila kitu ambacho Musa mtumishi wa Yahweh aliwaagiza ninyi. Mmeitii sauti yangu katika yote niliyowaagiza.
3 Oo waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
Bado hamjawaacha ndugu zenu hawa kwa siku zote hizi, mpaka siku hii ya leo. Na mmetimiza wajibu unaotakiwa na amri za Yahweh Mungu wenu.
4 Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.
Sasa Yahweh Mungu wenu amewapa pumziko ndugu zenu, kama alivyowaahidi. Hivyo basi, rudini na mwende katika hema zenu katika nchi mnayoimiliki, ambayo Musa mtumishi wa Yahweh aliwapeni katika upande mwingine wa Yordani.
5 Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.
Lakini zingatieni kuzishika amri na sheria ambazo Musa mtumishi wa Yahweh aliwaagiza ninyi, kumpenda Yahweh Mungu wenu, kutembea katika njia zake, kuzitunza amri zake, na kuambatana naye na kumwabudu yeye kwa moyo wenu wote na kwa roho zenu zote.
6 Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.
Basi Yoshua akawabariki na kisha akawaacha waende zao, nao wakarudi katika hema zao.
7 Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,
Na kwa nusu ya kabila la Manase, Musa alikuwa amewapa urithi katika Bashani, lakini kwa nusu ya kabila hilo, Yoshua aliwapa urithi karibu na ndugu zao katika nchi magharibi mwa Yordani. Yoshua aliwaaga waende katika hema zao; aliwabarikia,
8 oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.
na kisha akawaambia, “Rudini katika hema zenu mkiwa na pesa nyingi, na mkiwa na mifugo mingi, pamoja na na fedha, na dhahabu, na shaba na chuma, na nguo nyingi. Gawaneni na ndugu zenu nyara mlizochukua kutoka kwa maadui zenu.
9 Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.
Hivyo, wazawa wa Rubeni, wazawa wa Gadi na nusu ya kabila la Manase walirudi nyumbani, waliwaacha watu wa Isaeli hapo Shilo, ambayo imo ndani ya nchi ya Kanaani. Waliondoka wakaenda katika mkoa wa Gileadi, katika nchi yao, ambayo wao wenyewe waliimiliki, katika utiifu wa amri za Yahweh, kwa mkono wa Musa.
10 Oo markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.
Nao walipofika hapo Yordani iliyo katika nchi ya Kanaani, Warubeni na Wagadi na nusu ya kabila la Manase walijenga madhabahu karibu na Yordani, madhabahu kubwa na iliyotokeza na mashuhuri.
11 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.
Watu wa Israeli walisikia habari hizo na wakaseam, “Tazama! Watu wa Rubeni, Gadi na nusu ya kabila la Manase wamejenga madhabahu mbele ya nchi ya Kanaani, huko Gelilothi, katika mkoa karibu na Yordani, katika upande ambao ni miliki ya watu wa Israeli.”
12 Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.
Wakati watu wa Israeli waliposikia hivyo, kusanyiko lote la watu wa Israeli walikusanyika kwa pamoja huko Shilo ili wapande kupigana vita nao.
13 Oo reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.
Kisha watu wa Israeli walituma wajumbe kwa Warubeni, Wagadi na nusu ya kabila la Manase, katika nchi ya Gileadi. Walimtuma pia Finehasi mwana wa Eliezari, kuhani,
14 Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.
na viongozi kumi pamoja naye, mmoja kutoka katika familia za mababa wa Israeli, na kila mmoja wao alikuwa ni kiongozi wa ukoo miongoni mwa watu wa Israeli.
15 Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,
Walienda kwa watu wa Rubeni, Gadi, na nusu ya kabila la Manase, katika nchi ya Gileadi, na wakawaambia:
16 Shirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?
“Kusanyiko lote la Yahweh linasema kuwa, ' Ni jambo gani hili lisilo la uaminifu ambalo mmelitenda kinyume na Mungu wa Israeli, kwa kugeuka badala ya kumfuata Yahweh siku hii na kujijengea wenyewe madhabahu katika uasi kinyume na Yahweh katika siku hii?
17 Miyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,
Je dhambi zetu huko Peori hazikututosha? Bado hata sasa hatujajitakasa wenyewe kwa dhambi hiyo. Kwa ajili ya dhambi ile lilikuja pigo kwa kusanyiko lote la Yahweh.
18 inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
Je, nanyi leo pia mwageuka na kuacha kumfuata Yahweh? Kama mtaasi kinyume na Yahweh leo, kesho atakuwa na hasira na kusanyiko lote la Israeli.
19 Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.
Na kama nchi ambayo mnaimiliki imetiwa unajisi, basi mwaweza kuvuka katika nchi ambayo Sanduku la Yahweh lasimama na mjichukulie kwa ajili yenu umiliki miongoni mwetu. Hamtakiwi kuasi kinyume na Yahweh tu, wala kuasi kinyume chetu kwa kujenga madhabahu kwa ajili yenu wenyewe badala ya madhabahu ya Yahweh Mungu wa wetu.
20 Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.
Je hakuwa Akani mwana wa Zera aliyeivunja imani kwa vitu vile ambavyo vilikuwa vimetunzwa kwa ajili ya Mungu? Na je ghadhabu ya Mungu haikushuka kwa watu wote wa Israeli? Mtu yule hakuangamia peke yake kwa uovu wake.
21 Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,
Kisha makabila ya Rubeni, Gadi na nusu ya kabila la Manase wakawajibu wazee wa koo za Israeli:
22 Rabbiga ah Ilaaha ilaahyada, Rabbiga ah Ilaaha ilaahyadu wuu og yahay, oo reer binu Israa'iilna waa inuu ogaadaa, haddii taasu caasinimo tahay, ama xadgudub Rabbiga ka gees ah (maanta ha na badbaadin),
“Yahweh, Mungu Mwenye nguvu! Yahweh, Mungu Mwenye nguvu! Yeye anajua, na Israeli naijue yenyewe! Kama ilikuwa ni katika uasi au katika kuvunja imani kinyume na Yahweh, msituache hai katika siku hii ya leo
23 iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;
kwa ajili ya kujenga madhabahu ili tugeuka na kuacha kumfuata Yahweh. Kama tumejenga madhabahu hii ili kutoa juu yake sadaka ya kuteketezwa, sadaka ya nafaka, au sadaka ya amani, basi Yahweh na atuadhibu.
24 oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?
La hasha, tulifanya hivyo kwa sababu ya hofu kwamba katika siku zijazo watoto wenu wanaweza kuwaambia watoto wetu, ' Mna nini ninyi na Yahweh, Mungu wa Israeli?
25 Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.
Kwa kuwa Yahweh ameifanya Yordani kuwa mpaka kati yetu na ninyi. Ninyi watu wa Rubeni na watu wa Gadi, hamna kitu chochote naYahweh.' Na kwa hali hiyo, watoto wenu wanaweza kuwafanya watoto wetu waacha kumwabudu Yahweh.
26 Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,
Basi tukasema, 'Hebu na tujenge sasa madhabahu, si kwa ajili ya sadaka ya kuteketezwa wala si kwa sadaka yoyote ile,
27 laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.
ila iwe ni ushahidi kati yetu na ninyi, na kati ya kizazi chetu baada yetu, kwamba tutafanya ibada ya Yahweh mbele yake, pamoja na sadaka zetu za kuteketezwa na dhabihu zetu na sadaka zetu za amani, ili kwamba watoto wenu wasiweze kuwaambia watoto wetu katika siku zijazo kuwa, “Hamna sehemu katika Yahweh.”'
28 Sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Markay sidaas waa dambe inagu yidhaahdaan innaga ama farcankeenna, waxay noqon doontaa oo aannu ku odhan doonnaa, Bal eega, hannaankii meeshii allabariga oo Rabbiga, ee ay awowayaasheen dhiseen oo aan lagu bixin qurbaanno la gubo ama allabari, laakiinse waa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka.
Hivyo tukasema, 'kama hili litasemwa kwa kwetu au kwa watoto wetu katika siku zijazo, tutasema, “Tazama! Huu ni mfano wa madhabahu ya Yahweh, ambayo mababu zetu waliifanya, si kwa ajili ya sadaka za kuteketezwa, wala si kwa dhabihu, bali kwa ajili ya ushahidi kati yetu ninyi.”
29 Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.
Na iwe mbali nasi kwamba tunataka kugeuka kinyume na Yahweh, na kuacha kumfuata yeye kwa kujenga madhabahu kwa ajili sadaka ya kuteketezwa, na kwa sadaka ya nafaka, au kwa dhabihu, badala ya madhabahu ya Yahweh Mungu wetu ambayo iko mbele ya hema la kukutania.'”
30 Oo wadaadkii Fiinexaas ahaa iyo amiirradii shirka, oo ahaa madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil oo isaga la socday, kolkay maqleen warkii ay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ku hadleen ayay aad ugu farxeen.
Finehasi kuhani na viongozi wa watu, ambao ni wakuu wa koo za Waisraeli ambao walikuwa pamoja naye, waliposikia maneno amabayo watu wa Rubeni, Gadi na nusu ya kabila la Manase, kwamba yalikuwa ni mazuri machoni pao.
31 Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar wuxuu ku yidhi reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh, Maanta waannu og nahay in Rabbigu ina dhex joogo, maxaa yeelay, idinku xadgudubkan kuma aydnaan samayn Rabbiga. Haddaba idinku waxaad reer binu Israa'iil ka samatabbixiseen gacantii Rabbiga.
Finehasi mwana wa Eliazeri kuhani aliwaambia watu wa Rubeni, Gadi na Manase, “Leo tumejua kwambaYahweh yuko miongoni mwetu, kwa kuwa hamjatenda uvunjaji wa imani kinyume naye. Sasa, mmewaokoa watu wa Israeli kutoka katika mkono wa Yahweh.”
32 Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar, iyo amiirradii waxay ka noqdeen reer Ruubeen iyo reer Gaad oo joogay dalkii Gilecaad, oo waxay tageen dalkii reer Kancaan, oo reer binu Israa'iil ayay warkii u sheegeen.
Kisha Finehasi mwana wa Eliazeri kuhani, na viongozi walirudi kutoka kwa Warubeni na Wagadi, kutoka katika nchi ya Gileadi, na kurudi katika nchi ya Kanaani, kwa watu wa Israeli, na waliwaletea taarifa.
33 Oo reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.
Taarifa yao ilikuwa nzuri katika macho ya watu wa Israeli. Watu wa Israeli walimbarikia Mungu na hawakuendelea kusema tena juu ya kuinua vita dhidi ya Warubeni na Wagadi, ili kuiharibu nchi ambayo walikuwa wanaishi.
34 Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.
Warubeni na Wagadi waliita ile madhabahu “Ushahidi,” kwa kuwa walisema, “Ni ushahidi miongoni mwetu kuwa Yahweh ni Mungu.”

< Yashuuca 22 >