< Yashuuca 21 >

1 Markaasaa madaxdii reer Laawi waxay u soo dhowaadeen wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii.
بزرگان قبیلهٔ لاوی به شیلوه آمدند و به العازار کاهن، یوشع و بقیهٔ رهبران قبایل گفتند: «خداوند به موسی فرمود که شهرهایی برای سکونت و چراگاههایی برای گله‌ها به قبیلهٔ ما داده شود.»
2 Wayna kula hadleen, iyagoo jooga Shiiloh oo ku taal dalkii reer Kancaan, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu noogu amray Muuse in nala siiyo magaalooyin aan degno iyo agagaarkoodii ay xoolahayagu daaqaan.
3 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.
پس بنی‌اسرائیل طبق فرمان خداوند از ملک خود شهرهایی را با چراگاههای اطرافشان به قبیلهٔ لاوی دادند.
4 Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo.
خاندان قهات نخستین گروه از قبیلهٔ لاوی بودند که قرعه به نامشان درآمد. به آن دسته از قهاتی‌ها که از نسل هارون و کاهن بودند، سیزده شهر از شهرهای قبایل یهودا، شمعون و بنیامین داده شد.
5 Oo reer Qohaad intoodii hadhay waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Efrayim, iyo reer Daan, iyo reer Manaseh badhkood toban magaalo.
به بقیهٔ خاندان قهات، ده شهر از شهرهای افرایم، دان و نصف قبیلهٔ منسی داده شد.
6 Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo.
به خاندان جرشون، سیزده شهر از شهرهای قبایل یساکار، اشیر، نفتالی و نصف قبیلهٔ منسی که در باشان قرار داشت، داده شد.
7 Oo reer Meraariina sidii ay reerahoodii ahaayeen waxay ka heleen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Sebulun laba iyo toban magaalo.
به خاندان مراری، دوازده شهر از شهرهای قبایل رئوبین، جاد و زبولون داده شد.
8 Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse.
بدین ترتیب آنچه که خداوند به موسی فرموده بود، انجام پذیرفت و شهرها و چراگاهها برای قبیلهٔ لاوی به حکم قرعه تعیین گردید.
9 Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.
این است اسامی شهرهایی که از ملک قبایل یهودا و شمعون به نسل هارون که از طایفهٔ قهات (پسر لاوی) بودند، داده شد (طایفهٔ قهات نخستین گروهی بودند که قرعه به نامشان درآمد):
10 Oo waxaa iska lahaa reerkii Haaruun ee ahaa qolooyinkii reer Qohaad, kuwaasoo ka mid ahaa reer Laawi; maxaa yeelay, iyagaa saamiga hore lahaa.
11 Oo waxaa la siiyey Qiryad Arbac, oo Arbacna wuxuu ahaa Canaaq aabbihiis (oo taasuna waa Xebroon), oo waxay ku tiil dalka buuraha leh ee reer Yahuudah, iyada iyo agagaarkeeda ku wareegsanba.
شهر حبرون که همان قریهٔ اربع باشد (اربع پدر عناق بود) در کوهستان یهودا با چراگاههای اطرافش به ایشان تعلق گرفت.
12 Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxay siiyeen Kaaleeb ina Yefunneh inuu hanti ahaan u qaato.
(مزارع و روستاهای اطراف آن، قبلاً به کالیب پسر یفنه داده شده بود.)
13 Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii waxay siiyeen Xebroon iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Libnaah iyo agagaarkeedii,
علاوه بر شهر حبرون که از شهرهای پناهگاه بود، این شهرها نیز به نسل هارون که کاهن بودند داده شد: لبنه،
14 iyo Yatiir iyo agagaarkeedii, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,
یتیر، اشتموع،
15 iyo Xolon iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,
حولون، دبیر،
16 iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo.
عین، یوطه و بیت‌شمس، جمعاً نه شهر با چراگاههای اطراف از قبیلهٔ یهودا و شمعون.
17 Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,
از ملک قبیلهٔ بنیامین، این چهار شهر با چراگاههای اطراف داده شد: جبعون، جبع، عناتوت و علمون.
18 iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo.
19 Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii.
پس جمعاً سیزده شهر با چراگاههای اطراف، به نسل هارون که کاهن بودند تعلق گرفت.
20 Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim.
از طرف قبیلهٔ افرایم، چهار شهر و چراگاههای اطراف آنها به بقیهٔ خاندان قهاتی از لاویان، داده شد. این شهرها عبارت بودند از: شکیم (یکی از شهرهای پناهگاه که در کوهستان افرایم واقع بود)، جازر، قبصایم و بیت‌حورون.
21 Oo waxay iyagii siiyeen Shekem iyo agagaarkeedii, oo waxay ku tiil dalka reer Efrayim oo buuraha leh, oo waxayna ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Geser iyo agagaarkeedii,
22 iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
23 Oo qabiilkii reer Daanna waxay ka heleen Elteqaah iyo agagaarkeedii, iyo Gibbetoon iyo agagaarkeedii,
از طرف قبیلهٔ دان چهار شهر با چراگاههای اطراف آنها به ایشان بخشیده شد. این شهرها عبارت بودند از: التقی، جِبَتون، اَیَلون و جَت‌رِمون.
24 iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
25 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.
نصف قبیلهٔ منسی، شهرهای تعنک، جت‌رمون و چراگاههای اطراف آنها را به ایشان بخشید.
26 Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii.
به این ترتیب، جمعاً ده شهر با چراگاههای اطراف آنها به باقیماندهٔ خاندان قهات داده شد.
27 Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.
به خاندان جرشون نیز که یکی دیگر از گروه‌های قبیله لاوی بود این شهرها داده شد: از طرف نصف قبیلهٔ منسی، جولان در باشان (یکی از شهرهای پناهگاه) و بَعَشتره، جمعاً دو شهر با چراگاههای اطراف.
28 Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,
از طرف قبیلهٔ یساکار؛ شهرهای قشیون، دابره،
29 iyo Yarmuud iyo agagaarkeedii, iyo Ceyn Ganniim iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
یرموت و عین‌جنیم، جمعاً چهار شهر با چراگاههای اطراف.
30 Oo waxay qabiilkii reer Aasheerna ka heleen Mishaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,
از قبیلهٔ اشیر؛ شهرهای مش‌آل، عبدون،
31 iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
حلقات و رحوب، جمعاً چهار شهر با چراگاههای اطراف.
32 Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.
از قبیلهٔ نفتالی؛ شهرهای قادش در جلیل (یکی از شهرهای پناهگاه)، حموت دُر و قرتان، جمعاً سه شهر با چراگاههای اطراف.
33 Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.
پس سیزده شهر با چراگاههای اطراف آنها به خاندان جرشون داده شد.
34 Oo qolooyinkii reer Meraarii oo ahaa intii ka hadhay reer Laawi waxay qabiilkii reer Sebulun ka heleen Yoqnecaam iyo agagaarkeedii, iyo Qartaah iyo agagaarkeedii,
به بقیهٔ قبیله لاوی که خاندان مراری را تشکیل می‌دادند، این شهرها داده شد: از قبیلهٔ زبولون؛ شهرهای یُقنعام، قَرته،
35 iyo Dimnaah iyo agagaarkeedii, iyo Nahalaal iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
دمنه و نحلال، جمعاً چهار شهر با چراگاههای اطراف.
36 Oo waxay qabiilkii reer Ruubeenna ka heleen Beser iyo agagaarkeedii, iyo Yahas iyo agagaarkeedii,
از قبیلهٔ رئوبین؛ شهرهای باصر، یهصه،
37 iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
قدیموت و میفعت، چهار شهر با چراگاههای اطراف.
38 Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,
از قبیلهٔ جاد؛ شهرهای راموت در جلعاد (یکی از شهرهای پناهگاه)، محنایم،
39 iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yaser iyo agagaarkeedii, oo intaasu dhammaantood waxay ahaayeen afar magaalo.
حشبون و یعزیر، چهار شهر با چراگاههای اطراف.
40 Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyinkii qolooyinkii reer Meraarii iyo xataa reer Laawi intoodii hadhay, oo qaybtoodii waxay ahayd laba iyo toban magaalo.
روی‌هم‌رفته دوازده شهر به حکم قرعه به خاندان مراری که بقیهٔ قبیله لاوی را تشکیل می‌دادند، داده شد.
41 Oo reer Laawi magaalooyinkoodii ay qaybta u heleen ee ku dhex yiil dalkii hantida u ahaa reer binu Israa'iil kulligood waxay ahaayeen siddeed iyo afartan magaalo iyo agagaarkoodii.
بدین ترتیب از سرزمینی که متعلق به بنی‌اسرائیل بود چهل و هشت شهر با چراگاههای اطراف آنها به قبیلهٔ لاوی داده شد.
42 Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.
43 Sidaasuu Rabbigu reer binu Israa'iil u siiyey dhulkii u awowayaashood ugu dhaartay inuu siiyo oo dhan, oo iyana way hantiyeen, wayna iska degeen.
پس خداوند، تمام سرزمینی را که به اجداد قوم اسرائیل وعده فرموده بود به بنی‌اسرائیل بخشید و ایشان آن را تصرف نموده، در آن ساکن شدند.
44 Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka nasiyey dadkii ku wareegsanaa, siduu awowayaashood ugu dhaartay oo dhan: oo nin cadaawayaashoodii oo dhan ka mid ihi hortooda isma taagin, oo Rabbigu cadaawayaashoodii oo dhan gacantuu u soo geliyey.
خداوند چنانکه به اجداد آنها وعده داده بود در سرزمین اسرائیل صلح برقرار نمود و کسی را یارای مقاومت با آنها نبود. خداوند ایشان را یاری نمود تا دشمنان خود را نابود کنند.
45 Oo waxba kama baaqan innaba wixii wanaagsanaa oo Rabbigu u sheegay reer binu Israa'iil; laakiinse kulli way wada ahaadeen.
او به تمام وعده‌های نیکویی که به قوم اسرائیل داده بود وفا کرد.

< Yashuuca 21 >