< Yashuuca 20 >

1 Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
And the LORD spake unto Joshua, saying,
2 La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,
Speak to the children of Israel, saying, Assign you the cities of refuge, whereof I spake unto you by the hand of Moses:
3 in gacankudhiiglihii qof dilaa, isagoo aan u kasayn oo aan badheedh u samayn, uu halkaas u cararo; oo waxay idiin noqonayaan meeshaad ka magangeli lahaydeen kan dhiigga ka aarsada.
that the manslayer that killeth any person unwittingly [and] unawares may flee thither: and they shall be unto you for a refuge from the avenger of blood.
4 Oo magaalooyinkaas middood waa inuu u cararaa, oo waa inuu istaagaa iridda magaalada laga soo galo, oo xaalkiisa waa inuu u caddeeyaa odayaasha magaalada, oo iyana waa inay magaalada soo geliyaan, oo meel siiyaan inuu la degganaado.
And he shall flee unto one of those cities, and shall stand at the entering of the gate of the city, and declare his cause in the ears of the elders of that city; and they shall take him into the city unto them, and give him a place, that he may dwell among them.
5 Oo haddii kan dhiigga ka aarsadaa uu soo eryado, markaas waa inaanay gacankudhiiglihii gacantiisa gelin, maxaa yeelay, kaasu wuxuu deriskiisa ku dilay kama' oo horena ma uu nebcaan jirin.
And if the avenger of blood pursue after him, then they shall not deliver up the manslayer into his hand; because he smote his neighbour unawares, and hated him not beforetime.
6 Oo magaaladaas waa inuu degganaadaa ilaa uu xukun isu hor taago shirka, iyo ilaa uu ka dhinto wadaadka sare oo jiri doona waayahaas, oo markaas ka dib gacankudhiigluhu waa inuu noqdaa, oo waa inuu magaaladiisii yimaadaa, iyo gurigiisii, ilaa magaaladii uu markii hore ka cararay.
And he shall dwell in that city, until he stand before the congregation for judgment, until the death of the high priest that shall be in those days: then shall the manslayer return, and come unto his own city, and unto his own house, unto the city from whence he fled.
7 Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.
And they set apart Kedesh in Galilee in the hill country of Naphtali, and Shechem in the hill country of Ephraim, and Kiriath-arba (the same is Hebron) in the hill country of Judah.
8 Oo Webi Urdun shishadiisa meel Yerixoo u dhow oo bari ka xigta waxay ka sooceen Beser oo ku tiil cidladii ku tiil bannaankii qabiilka reer Ruubeen, iyo Raamod oo ku tiil Gilecaad oo ay qabiilkii reer Gaad lahaayeen, iyo Goolaan oo ku tiil Baashaan oo ay qabiilkii reer Manaseh lahaayeen.
And beyond the Jordan at Jericho eastward, they assigned Bezer in the wilderness in the plain out of the tribe of Reuben, and Ramoth in Gilead out of the tribe of Gad, and Golan in Bashan out of the tribe of Manasseh.
9 Intaasu waa magaalooyinkii loo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo qariibkii dhexdooda degganaa, in ku alla kii qof dilaa, isagoo aan u kasayn, uu halkaas ku carari karo inaanu ku dhiman gacanta kan dhiigga ka aarsada, ilaa uu hor istaago shirka.
These were the appointed cities for all the children of Israel, and for the stranger that sojourneth among them, that whosoever killeth any person unwittingly might flee thither, and not die by the hand of the avenger of blood, until he stood before the congregation.

< Yashuuca 20 >