< Yashuuca 16 >

1 Oo reer Yuusuf qaybtoodiina wuxuu ka bilaabmay Webi Urdun oo Yerixoo ku ag yaal, biyaha Yerixoo dhankooda bari, taasoo ah xagga cidlada, iyo markii laga tago Yerixoo oo la dhex maro dalka buuraha leh ilaa Beytel,
約瑟的子孫拈鬮所得之地是從靠近耶利哥的約旦河起,以耶利哥東邊的水為界:從耶利哥上去,通過山地的曠野,到伯特利;
2 oo wuxuu ka baxay Beytel ilaa Luus, oo wuxuu sii maray ilaa soohdinta reer Arkii iyo ilaa Cataarood;
又從伯特利到路斯,接連到亞基人的境界,至亞他綠;
3 oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.
又往西下到押利提人的境界,到下伯‧和崙的境界,直到基色,通到海為止。
4 Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.
約瑟的兒子瑪拿西、以法蓮就得了他們的地業。
5 Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;
以法蓮子孫的境界,按着宗族所得的,記在下面:他們地業的東界是亞他綠‧亞達到上伯‧和崙;
6 oo soohdintu waxay galbeed ka mari jirtay Mikmetaah tan ku taal xagga woqooyi, oo soohdintu waxay ka soo wareegtay oo bari ka martay Ta'anad Shiloh, oo waxay bari ka martay Yaanooxaah;
往西通到北邊的密米他,又向東繞到他納‧示羅,又接連到雅挪哈的東邊;
7 oo intay Yaanooxaah ka tagto ayay sii martay Cataarood, iyo ilaa Nacaraah, oo waxay gaadhay Yerixoo, markaasay ka sii baxday Webi Urdun.
從雅挪哈下到亞他綠,又到拿拉,達到耶利哥,通到約旦河為止;
8 Oo xagga Tafuu'axna soohdintu waxay galbeed ka sii martay durdurka reer Qaanaah; oo waxaa dhammaadkeedu ahaa xagga badda. Intaasu waa dhaxalkii reer Efrayim qabiilkoodii u heleen sidii reerahoodii ay ahaayeen,
從他普亞往西,到加拿河,直通到海為止。這就是以法蓮支派按着宗族所得的地業。
9 iyo xataa kulli magaalooyinkii loo soocay reer Efrayim ee ku dhex yiil dhaxalkii reer Manaseh, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii oo dhan iyo tuulooyinkoodii.
另外在瑪拿西人地業中得了些城邑和屬城的村莊。這都是分給以法蓮子孫的。
10 Oo ma ay eryin reer Kancaankii degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan waxay dhex degganaayeen reer Efrayim ilaa maantadan la joogo, oo waxay u noqdeen addoommo u hawshooda.
他們沒有趕出住基色的迦南人;迦南人卻住在以法蓮人中間,成為做苦工的僕人,直到今日。

< Yashuuca 16 >