< Yashuuca 13 >
1 Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.
约书亚年纪老迈,耶和华对他说:“你年纪老迈了,还有许多未得之地,
2 Oo dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan,
就是非利士人的全境和基述人的全地。
3 tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon,
从埃及前的西曷河往北,直到以革伦的境界,就算属迦南人之地。有非利士人五个首领所管的迦萨人、亚实突人、亚实基伦人、迦特人、以革伦人之地,并有南方亚卫人之地。
4 iyo xataa reer Caw oo xagga koonfureed xiga, iyo dalka reer Kancaan oo dhan, iyo Mecaaraah tan ay reer Siidoon leeyihiin, iyo ilaa Afeeq, iyo tan iyo soohdinta reer Amor,
又有迦南人的全地,并属西顿人的米亚拉到亚弗,直到亚摩利人的境界。
5 iyo dalka reer Gebal iyo Lubnaan oo dhan, xagga qorrax ka soo baxa, inta laga bilaabo Bacal Gaad tan ku taal Buur Xermoon hoosteeda, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
还有迦巴勒人之地,并向日出的全黎巴嫩,就是从黑门山根的巴力·迦得,直到哈马口。
6 Dadka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray.
山地的一切居民,从黎巴嫩直到米斯利弗·玛音,就是所有的西顿人,我必在以色列人面前赶出他们去。你只管照我所吩咐的,将这地拈阄分给以色列人为业。
7 Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,
现在你要把这地分给九个支派和玛拿西半个支派为业。”
8 Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,
玛拿西那半支派和吕便、迦得二支派已经受了产业,就是耶和华的仆人摩西在约旦河东所赐给他们的:
9 tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon,
是从亚嫩谷边的亚罗珥和谷中的城,并米底巴的全平原,直到底本,
10 iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon,
和在希实本作王亚摩利王西宏的诸城,直到亚扪人的境界;
11 iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,
又有基列地、基述人、玛迦人的地界,并黑门全山、巴珊全地,直到撒迦;
12 iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay.
又有巴珊王噩的全国—他在亚斯他录和以得来作王(利乏音人所存留的只剩下他)。这些地的人都是摩西所击杀、所赶逐的。
13 Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo.
以色列人却没有赶逐基述人、玛迦人;这些人仍住在以色列中,直到今日。
14 Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
只是利未支派,摩西没有把产业分给他们。他们的产业乃是献与耶和华—以色列 神的火祭,正如耶和华所应许他们的。
15 Oo Muuse wuxuu reer Ruubeen qabiilkoodii wax u siiyey sidii reerahoodu ahaayeen.
摩西按着吕便支派的宗族分给他们产业。
16 Oo xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan,
他们的境界是亚嫩谷边的亚罗珥和谷中的城,靠近米底巴的全平原;
17 iyo Xeshboon, iyo kulli magaalooyinkeeda banka ku yaal oo dhan, kuwaasoo ah, Diibon iyo Baamood Bacal, iyo Beyd Bacal Mecoon,
希实本并属希实本平原的各城,底本、巴末·巴力、伯·巴力·勉、
18 iyo Yahas, iyo Qedemood, iyo Mefacad,
雅杂、基底莫、米法押、
19 iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada,
基列亭、西比玛、谷中山的细列·哈沙辖、
20 iyo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood,
伯·毗珥、毗斯迦山坡、伯·耶西末;
21 iyo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa.
平原的各城,并亚摩利王西宏的全国。这西宏曾在希实本作王,摩西把他和米甸的族长以未、利金、苏珥、户珥、利巴击杀了;这都是住那地属西宏为首领的。
22 Weliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen.
那时以色列人在所杀的人中,也用刀杀了比珥的儿子术士巴兰。
23 Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.
吕便人的境界就是约旦河与靠近约旦河的地。以上是吕便人按着宗族所得为业的诸城,并属城的村庄。
24 Oo Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen.
摩西按着迦得支派的宗族分给他们产业。
25 Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,
他们的境界是雅谢和基列的各城,并亚扪人的一半地,直到拉巴前的亚罗珥;
26 iyo ilaa Xeshboon iyo tan iyo Raamad-misfaah, iyo Betoniim, iyo tan iyo Maxanayim iyo ilaa soohdinta Debiir,
从希实本到拉抹·米斯巴和比多宁,又从玛哈念到底璧的境界,
27 iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.
并谷中的伯·亚兰、伯·宁拉、疏割、撒分,就是希实本王西宏国中的余地,以及约旦河与靠近约旦河的地,直到基尼烈海的极边,都在约旦河东。
28 Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.
以上是迦得人按着宗族所得为业的诸城,并属城的村庄。
29 Oo Muusena wuxuu dhaxal siiyey qabiilkii reer Manaseh badhkiis. Wuxuu u ahaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis sidii reerahoodu ahaayeen.
摩西把产业分给玛拿西半支派,是按着玛拿西半支派的宗族所分的。
30 Oo xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo;
他们的境界是从玛哈念起,包括巴珊全地,就是巴珊王噩的全国,并在巴珊、睚珥的一切城邑,共六十个。
31 iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.
基列的一半,并亚斯他录、以得来,就是属巴珊王噩国的二城,是按着宗族给玛拿西的儿子玛吉的一半子孙。
32 Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.
以上是摩西在约旦河东对着耶利哥的摩押平原所分给他们的产业。
33 Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.
只是利未支派,摩西没有把产业分给他们。耶和华—以色列的 神是他们的产业,正如耶和华所应许他们的。