< Yashuuca 10 >
1 Oo boqorkii Yeruusaalem oo Adonii Sedeq ahaa markuu maqlay siduu Yashuuca Aacii u qabsaday, oo uu dhammaanteed u baabbi'iyey, iyo siduu Yerixoo iyo boqorkeediiba ku sameeyey, oo uu haddana sidaas oo kale ku sameeyey Aacii iyo boqorkeediiba, iyo siday dadkii Gibecoon degganaa oo ku dhex jiray ula nabdeen reer binu Israa'iil,
Yerusalemhene Adoni-Sedek tee sɛ Yosua afa Ai na wasɛe no pasaa, akum ɛhɔ ɔhene, sɛdeɛ wasɛe Yeriko kuropɔn akum ɛhɔ ɔhene no. Ɔtee nso sɛ Gibeonfoɔ ne Israelfoɔ ayɛ asomdwoeɛ apam, na wɔayɛ baako.
2 ayuu aad u cabsaday, maxaa yeelay, Gibecoon waxay ahayd magaalo weyn sida mid ka mid ah magaalooyinka boqorrada, waayo, way ka sii weynayd Aacii, oo dadkeeda oo dhammuna waa xoog badnaayeen.
Ɛno enti, ɔne ne nkurɔfoɔ bo tuu yie, ɛfiri sɛ, Gibeon yɛ kuropɔn kɛseɛ te sɛ ahemman no nkuropɔn no bi a ɛso sene Ai. Na Gibeon mmarima no nyinaa nso yɛ akofoɔ a wɔyɛ dene.
3 Sidaas daraaddeed boqorkii Yeruusaalem oo ahaa Adonii Sedeq wuxuu u cid diray boqorkii Xebroon oo ahaa Hoohaam, iyo boqorkii Yarmuud oo ahaa Firaam, iyo boqorkii Laakiish oo ahaa Yaafiica, iyo boqorkii Cegloon oo ahaa Debiir, oo wuxuu ku yidhi,
Enti, Yerusalemhene Adoni-Sedek soma ma wɔkɔɔ ahemfo afoforɔ bebree nkyɛn: Hebronhene Hoham ne Yarmuthene Piram ne Lakishene Yafia ne Eglonhene Debir kɔka kyerɛɛ wɔn sɛ,
4 Ii kaalaya, oo i caawiya, oo ina keena aynu Gibecoon baabbi'innee; waayo, waxay la nabadday Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.
“Mommra mmɛboa me na yɛnsɛe Gibeon, ɛfiri sɛ, wɔne Yosua ne Israelfoɔ ayɛ asomdwoeɛ apam.”
5 Sidaas daraaddeed shantii boqor oo reer Amor waa iswada urursadeen, oo kuwaasu waxay ahaayeen boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon; iyaga iyo ciidammadooda oo dhammu kor bay u bixiyeen oo waxay hor degeen Gibecoon oo dagaal ku qaadeen.
Enti, Amorifoɔ ahemfo baanum no de wɔn akodɔm bɔɔ mu maa ɔko. Wɔde wɔn akodɔm no gyinagyinaeɛ, na afei wɔto hyɛɛ Gibeon so.
6 Oo dadkii reer Gibecoon waxay u cid dirteen Yashuuca oo joogay xeradii Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen, Gacantaadu yay ka raagin addoommadaada, noo soo dhaqso, oo na badbaadi, oo na caawi: maxaa yeelay, boqorradii reer Amor oo buuraha degganaa oo dhammu way isu kaayo urursadeen.
Na Gibeonfoɔ no soma kɔɔ Yosua nkyɛn wɔ Gilgal. Wɔkɔka kyerɛɛ no sɛ, “Nnyaa wʼasomfoɔ. Bra yɛn nkyɛn ntɛm bɛgye yɛn nkwa! Bɛboa yɛn, ɛfiri sɛ, Amorifoɔ ahemfo a wɔte mmepɔ so de wɔn akodɔm rebɛko atia yɛn.”
7 Sidaas daraaddeed Yashuuca wuxuu ka tegey Gilgaal isagoo ay la socdaan dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuba.
Enti, Yosua ne Israel akodɔm nyinaa firii Gilgal sɛ wɔrekoboa Gibeonfoɔ.
8 Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.
Awurade ka kyerɛɛ Yosua sɛ, “Nnsuro wɔn; mɛma woadi wɔn so nkonim. Wɔn mu biara rentumi ne wo nnyina.”
9 Oo sidaas daraaddeed Yashuuca ayaa ku soo kediyey iyagii, waayo, habeenkii oo dhan buu ka soo guuraynayay Gilgaal.
Yosua nantee anadwo mu no nyinaa firii Gilgal kɔfuu Amorifoɔ akodɔm no mu.
10 Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah.
Awurade ma wɔbɔɔ hu wɔ Israelfoɔ no anim, na wɔkunkumm wɔn mu bebree wɔ Gibeon. Israelfoɔ no taa atamfoɔ no faa ɛkwan a ɛkɔ Bet-Horon no, na wɔto hyɛɛ wɔn so kunkumm wɔn wɔ Aseka ne Makeda.
11 Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.
Ɛberɛ a Amorifoɔ redwane wɔ ɛkwan a ɛkɔ Bet-Horon so no, Awurade himm aboɔ akɛseɛ guu wɔn so kɔsii sɛ wɔduruu Aseka. Aboɔ no kunkumm wɔn mu bebree sene dodoɔ a Israelfoɔ de akofena kunkumm wɔn no.
12 Markaasaa Yashuuca Rabbiga la hadlay maalintii Rabbigu reer Amor u dhiibay reer binu Israa'iil, oo wuxuu reer binu Israa'iil hortooda ka yidhi, Qorraxday, istaag Gibecoon korkeeda, Adiguna, Dayaxow, waxaad kor istaagtaa dooxada Ayaaloon.
Ɛda a Awurade de Amorifoɔ no hyɛɛ Israelfoɔ no nsa no, Yosua bɔɔ Awurade mpaeɛ wɔ Israelfoɔ no anim sɛ, “Ma owia nnyina dinn wɔ Gibeon so na ɔsrane nso ntae wɔ Ayalon bɔnhwa mu.”
13 Oo markaasaa qorraxdii istaagtay; dayaxiina waa joogsaday, Ilaa ay quruuntii ka aarsatay cadaawayaashoodii. Tanu miyaanay ku qornayn kitaabkii Yaashaar? Oo qorraxdii waxay ku joogsatay samada dhexdeeda, umana ay degdegin inay hoos u dhacdo maalin dhan.
Na owia ne ɔsrane gyinaa dinn, kɔsii sɛ Israelfoɔ dii atamfoɔ no so. Wɔntwerɛɛ saa nsɛm yi wɔ Teefoɔ Nwoma no mu anaa? Owia gyinaeɛ wɔ ewiem mfimfini na ankɔtɔ sɛdeɛ ɛyɛ daa no.
14 Oo maalintaas maalin la mid ahu kamana horrayn, kamana dambayn, ee uu Rabbigu maqlay nin codkiis: waayo, Rabbigu wuxuu u diriray reer binu Israa'iil.
Awurade ko maa Israel ɛda no. Ebi nsii saa da na ebi rensi da sɛ saa da no a Awurade tiee abisadeɛ sei firii onipa nkyɛn.
15 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.
Na Yosua ne Israel akodɔm no sane kɔɔ Gilgal atenaeɛ hɔ.
16 Kolkaasaa shantii boqor carartay, oo waxay ku dhuunteen godkii ku yiil Maqeedaah.
Ɔko no mu, ahemfo baanum no dwane kɔhyɛɛ Makeda ɔbodan mu.
17 Oo markaasaa Yashuuca loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Shantii boqor waxaa la helay iyagoo ku qarsoon god ku yaal Maqeedaah.
Yosua tee sɛ wɔahunu wɔn no,
18 Markaasuu Yashuuca yidhi, Dhagaxyo waaweyn ku giringiriya godka afiisa, oo rag dhawrana ag taaga;
ɔhyɛɛ sɛ, “Momfa abotan akɛseɛ nsi ɔbodan no ano kwan, na momma awɛmfoɔ no nnwɛn ano na ahemfo no nhyɛ mu.
19 laakiinse intiinna kale ha joogsanina; ee cadaawayaashiinna eryada, oo laaya intooda ugu dambaysa, oo ha u oggolaanina inay galaan magaalooyinkooda; waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iyaga gacanta idiin geliyey.
Mo a moaka no nso, montaa atamfoɔ no na monkunkum wɔn mfiri akyire. Mommma wɔnnkɔ wɔn nkuro so, ɛfiri sɛ, Awurade, mo Onyankopɔn bɛma mo adi wɔn so nkonim.”
20 Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ay dhammeeyeen layntii weynayd ee ay raggii laayeen, ilaa ay wada baabbi'iyeen oo firxadkii ka soo hadhayna ay galeen magaalooyinkii deyrarka lahaa,
Enti, Yosua ne Israel akodɔm toaa so kunkumm wɔn, tɔree akodɔm enum no ase ma ɛkaa ɛdɔm no kakra bi a wɔtumi dwane kɔɔ wɔn nkuropɔn a wɔabɔ ho ban no mu.
21 ayaa dadkii oo dhammu nabdoonaan ku soo noqdeen Yashuuca oo joogay xeradii ku tiil Maqeedaah, oo mid qudh ahu afka uma kala qaadin reer binu Israa'iil.
Afei, Israelfoɔ no sane baa Yosua nkyɛn asomdwoeɛ mu wɔ Makeda. Ɛno akyi, obiara suroo sɛ ɔbɛkasa atia Israel.
22 Oo markaasuu Yashuuca yidhi, Godka afkiisa banneeya oo shantii boqor ka soo bixiya godkii oo ii keena.
Afei, Yosua kaa sɛ, “Monyiyi abotan a ɛkata ɔbodan no ano no na momfa ahemfo baanum no mmrɛ me.”
23 Kolkaasay sidii yeeleen, oo waxay isagii u keeneen shantii boqor oo ay ka soo bixiyeen godkii, kuwaas oo ahaa boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon.
Enti, wɔkɔyii ahemfo baanum no firi ɔbodan no mu baeɛ: Yerusalemhene, Hebronhene, Yarmuthene, Lakishene ne Eglonhene.
24 Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen.
Yosua ka kyerɛɛ nʼakodɔm asahene no sɛ, “Mommra mmɛtiatia ahemfo no kɔn so.” Na wɔyɛɛ sɛdeɛ wɔkyerɛɛ wɔn no.
25 Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.
Yosua ka kyerɛɛ nʼasraafoɔ no sɛ, “Monnsuro na mommma mo abamu mmu da. Monyɛ den na mo bo nyɛ duru, ɛfiri sɛ, Awurade rebɛyɛ yei atia mo atamfoɔ nyinaa.”
26 Oo markaas dabadeed ayuu Yashuuca wada laayay, oo uu shan geed ka soo deldelay, oo waxay geedihii ka soo laalaadeen ilaa fiidkii.
Yosua kunkumm ahemfo baanum no mmaako mmaako de wɔn sensɛn nnua enum so kɔsii anwummerɛ.
27 Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.
Owia rekɔtɔ no, Yosua hyɛɛ sɛ wɔnyiyi ahemfo no amu no mfiri nnua no so na wɔnkɔto wɔn ngu ɔbodan a wɔkɔtetɛɛ mu no mu. Afei, wɔde abotan akɛseɛ mmoano sii ɔbodan no ano a ɛda so wɔ hɔ bɛsi ɛnnɛ.
28 Oo Yashuuca maalintaasuu qabsaday Maqeedaah, oo wuxuu dadkeedii ku laayay seef, iyo xataa boqorkeedii; oo dadkii ku jiray oo dhan wuu wada baabbi'iyey, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkii Maqeedaah wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.
Ɛda no ara, Yosua sɛee Makeda kuropɔn no pasaa, kumm obiara a ɔwɔ mu ne ɛhɔ ɔhene no. Onipa baako koraa anka wɔ kuropɔn no mu. Ɔkumm Makedahene te sɛ deɛ ɔkumm Yerikohene no.
29 Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Maqeedaah oo waxay tageen Libnaah, oo la dirireen reer Libnaah;
Afei, Yosua ne Israelfoɔ no kɔɔ Libna kɔto hyɛɛ wɔn so.
30 oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.
Ɛhɔ nso, Awurade de kuropɔn no ne ɛhɔ ɔhene no maa wɔn. Wɔkunkumm obiara a ɔwɔ kuropɔn no mu a anka ɔteasefoɔ fua po. Na Yosua kumm Libnahene sɛdeɛ ɔkumm Yerikohene no.
31 Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Libnaah, oo waxay tageen Laakiish, kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda oo dagaal ku qaadeen;
Yosua ne Israelfoɔ no firi Libna no, wɔkɔɔ Lakis kɔto hyɛɛ wɔn so.
32 oo Rabbigu wuxuu Laakiish geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyana qabsaday maalintii labaad, oo dadkii ku jiray oo dhan wuxuu ku laayay seef, oo wuxuu u galay sidii uu Libnaah u galay oo kale.
Na ne nnanu so no, Awurade de Lakis maa Israelfoɔ. Ɛhɔ nso, wɔkunkumm kuropɔn no mu nnipa nyinaa sɛdeɛ wɔyɛɛ Libna no.
33 Markaasaa Laakiish waxaa u soo hiiliyey boqorkii Geser oo ahaa Horaam, kolkaasaa Yashuuca laayay isagii iyo dadkiisiiba, ilaa uusan waxba ka reebin.
Wɔto hyɛɛ Lakis so no, Geserhene Horam de nʼakodɔm baa sɛ wɔrebɛboa abɔ kuropɔn no ho ban. Nanso Yosua mmarima no kumm no sɛee nʼakodɔm no nyinaa.
34 Markaasay Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu dhaafeen Laakiish oo waxay tageen Cegloon; kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda, oo dagaal ku qaadeen;
Ɛnna Yosua ne ne Israel akodɔm no kɔɔ Eglon kɔto hyɛɛ so.
35 oo maalintaasay iyana qabsadeen oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, oo maalintaasuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey Laakiish oo kale.
Wɔde ɛda koro faa kuro no dommum na ɛhɔ nso, wɔkumm obiara wɔ kuropɔn no mu sɛdeɛ wɔyɛɛ Lakis.
36 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Cegloon oo waxay tageen Xebroon, wayna la dirireen,
Wɔfiri Eglon no, wɔkɔto hyɛɛ Hebron so,
37 oo iyana way qabsadeen, oo waxay ku wada laayeen seef dadkeedii iyo boqorkeedii iyo magaalooyinkeedii oo dhan iyo dadkii ku jiray oo dhanba; waxba kama reebin, sidii uu Cegloon ku sameeyey oo kale, laakiinse wuu wada baabbi'iyey iyadii iyo dadkii ku jiray oo dhanba.
faa hɔ ne nkuro a atwa ho ahyia no nyinaa nnommum. Na sɛdeɛ wɔyɛɛ Eglon no, wɔkunkumm ɛhɔ nnipa nyinaa. Onipa baako koraa anka.
38 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen Debiir, oo dagaal bay ku qaadeen.
Afei, wɔsane wɔn akyi kɔto hyɛɛ Debir so.
39 Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba.
Wɔfaa kuropɔn no, wɔn ɔhene ne nkuraa a atwa ho ahyia no nyinaa nnommum. Na wɔkumm obiara a ɔwɔ mu a anka ɔbaako mpo. Wɔsɛee Debir pasaa sɛdeɛ wɔsɛee Libna ne Hebron no.
40 Sidaasuu Yashuuca u wada laayay dadkii dalkii oo dhan, kaas oo ahaa waddankii buuraha ahaa, iyo xaggii Koonfureed, iyo dooxooyinkii, iyo dhaadhacyadii, iyo xataa boqorradoodii oo dhan, oo waxba kama uu reebin; laakiinse wuu wada baabbi'iyey intii neefsanaysay oo dhan, sidii uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ku amray.
Na Yosua dii ɔmantam no nyinaa so. Ɔdii ahemfo no, nnipa a wɔte mmepɔ ɔman no so, Negeb, atɔeɛ fam nkokoɔ ne wɔn a wɔte mmepɔ nsianeɛ so no nyinaa so. Ɔsɛee wɔn nyinaa pasaa a anka ɔteasefoɔ fua mpo sɛdeɛ Awurade, Israel Onyankopɔn, hyɛɛ no.
41 Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon.
Yosua kunkumm wɔn firi Kades-Barnea kɔsii Gasa, de firii Gosen kɔduruu Gibeon.
42 Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.
Akodie baako mu no, Yosua dii ahemfo yi nyinaa so faa wɔn asase, ɛfiri sɛ, na Awurade, Israel Onyankopɔn, reko ma ne manfoɔ.
43 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.
Afei, Yosua ne Israel akodɔm no sane kɔɔ wɔn atenaeɛ wɔ Gilgal.