< Yoonis 3 >
1 Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,
Neno la Bwana likamjia Yona mara ya pili, akisema,
2 Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,
“Ondoka, uende Ninawi, mji ule mkubwa, na uhubiri ujumbe ule ambao nitakuagiza.”
3 Sidaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo.
Basi Yona akaondoka akaenda Niniawi kwa kutii neno la Bwana. Sasa Ninawi ilikuwa mji mkubwa sana, ilikuwa safari ya siku tatu.
4 Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.
Yona akaanza kuingia ndani ya mji, na baada ya safari ya siku, akapaza sauti, akasema, “Katika siku arobaini Ninawi itaangamizwa.”
5 Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.
Watu wa Ninawi walimwamini Mungu na wakatangaza kufunga. Wote hwakavaa nguo za magunia, kutoka aliyemkubwa hata mdogo.
6 Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.
Mapema habari zilimfikia mfalme wa Ninawi. Akasimama kutoka kiti chake cha enzi, akavua vazi lake, akajivika magunia, akaketi katika majivu.
7 Oo wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin.
Alitoa tangazo ambalo lilsemalo, “katika mji wa Ninawi, kwa mamlaka ya mfalme na wakuu wake, msiruhusu mtu wala mnyama, ng'ombe wala kundi, asionje kitu chochote. Wao wasile wala kunywe maji.
8 Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.
Lakini watu na wanyama wawe wamefunikwa kwa magunia na walie kwa sauti kubwa kwa Mungu. Kila mtu ageuke na kuacha njia yake mbaya na kutoka katika udhalimu uliyopo mikononi mwake.
9 Bal yaa og in Ilaah ka noqon doono oo cadhadiisa kulul ka jeesan doono iyo in kale, si aynaan u halligmin?
Nani anajua? Mungu anaweza kurejea na kubadili mawazo yake na kuacha ghadhabu yake kali ili tusiangamie.”
10 Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.
Mungu akaona yale waliyoyafanya, wakaziacha njia zao mbaya. Kwa hiyo Mungu alibadili mawazo yake juu ya adhabu aliyowaambia angewafanyia, nae hakufanya hivyo.