< Yoonis 3 >
1 Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,
Men HERRENs Ord kom for anden gang til Jonas således:
2 Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,
"Stå op og gå til Nineve, den store Stad, og udråb over den, hvad jeg tilsiger dig!"
3 Sidaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo.
Så stod Jonas op og gik til Nineve efter HERRENs Ord. Men Nineve var selv for Gud en stor By, tre Dagsrejser stor.
4 Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.
Da nu Jonas var gået den første dagsrejse ind i Byen, råbte han: "Om fyrretyve Dage skal Nineve styrtes i Grus!"
5 Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.
Da troede Folkene i Nineve på Gud, og de udråbte en Faste og klædte sig i Sæk, både store og små;
6 Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.
og da Sagen kom Nineves Konge for Øre, stod han op fra sin Trone, tog Kappen af, klædte sig i Sæk og satte sig i Støvet,
7 Oo wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin.
og han lod udråbe i Nineve: "Kongen og hans Stormænd gør vitterligt: Hverken Folk eller Fæ, Hornkvæg eller Småkvæg, må nyde noget, græsse eller drikke Vand;
8 Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.
men Folk og Fæ skal klædes i Sæk og opløfte et vældigt Skrig til Gud og omvende sig, hver fra sin onde Vej og den Uret, som hænger ved deres Hænder.
9 Bal yaa og in Ilaah ka noqon doono oo cadhadiisa kulul ka jeesan doono iyo in kale, si aynaan u halligmin?
Måske vil Gud da angre og holde sin glødende Vrede tilbage, så vi ikke omkommer."
10 Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.
Da Gud så, hvad de gjorde, hvorledes de omvendte sig fra deres onde Vej, angrede han den Ulykke, han havde truet med at føre over dem, og gjorde ikke Alvor deraf.