< Yooxanaa 6 >
1 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.
After these things Jesus went beyond the Sea of Galilee, of Tiberias.
2 Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.
And a great multitude followed Him, because they saw the miracles He was doing in behalf of the sick.
3 Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay.
And Jesus came into the mountain; and was sitting there with His disciples.
4 Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.
And the passover, the feast of the Jews, was nigh.
5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?
Therefore Jesus lifting up His eyes, and seeing that a great multitude is coming to Him, He says to Philip, Whence can we purchase bread, that these may eat?
6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa.
He spoke this testing him; for He knew what He was about to do.
7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
Philip responded to Him, The loaves of two hundred denaria are not sufficient for these, that each one may receive a little.
8 Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi,
And one of His disciples, Andrew, the brother of Peter, says to Him,
9 Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?
There is a lad here who has five barley loaves and two fishes: but what are these among so many?
10 Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.
And Jesus said, Make the people sit down. And there was much grass in the place. However the men sat down in number about five thousand.
11 Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.
And Jesus took the bread; and gave thanks, and gave it to the disciples, and the disciples to the people sitting down; and likewise also of the fishes so much as they wished.
12 Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.
And when they were filled, He says to His disciples, Gather up the remaining fragments, that nothing may be lost.
13 Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.
Then they gathered them up, and filled twelve baskets from the live barley loaves, which remained to those having eaten.
14 Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.
Then the people, seeing the miracle which Jesus did, were saying, that, This is truly the prophet who is coming into the world.
15 Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.
And Jesus knowing that they are about to come and take Him, that they may make Him king, departs again into the mountain Himself alone.
16 Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.
And when it was evening, His disciples went down to the sea;
17 Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.
and embarking in the ship, they were going to the other side of the sea into Capernaum. And it was already dark, and Jesus had not come to them;
18 Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.
and the sea wrought, a great wind blowing.
19 Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.
Then having gone about twenty-five or thirty furlongs, they see Jesus walking on the sea, and being near the ship; and were terrified.
20 Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.
And He says to them, I am here; fear not.
21 Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.
Then they wished to receive Him into the ship, and immediately the ship was at the land to which they were going.
22 Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.
On the following day the multitude standing beyond the sea saw that there was no other ship there, except one, and that Jesus did not go along with His disciples into the ship, but His disciples went away alone
23 Laakiin waxaa Tiberiyas ka yimid doonniyo, wayna u soo dhowaadeen meeshii kibistii lagu cunay markuu Rabbigu mahadnaqay dabadeed.
(other ships came from Tiberias near the place where they ate the bread, the Lord having given thanks).
24 Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.
And when the multitude saw that Jesus was not there, nor His disciples, they went into ships, and came into Capernaum, seeking Jesus.
25 Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
And having found Him beyond the sea, they said to Him, Master, when did you come hither?
26 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed.
Jesus responded to them and said, Truly, truly, I say unto you, You seek me not because you saw the miracles, but because you ate of the loaves, and were filled.
27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey. (aiōnios )
Labor not for the food that perishes, but the food that abideth unto eternal life, which the Son of man gives to you: for this God the Father hath sealed. (aiōnios )
28 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?
Then they said to Him, What must we do, that we may work the works of God?
29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
Jesus responded and said to them, This is the work of God, that you may believe on Him whom He hath sent.
30 Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?
Then they said to Him, Then what miracle do you perform, that we may see, and believe you, what you may do?
31 Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.
Our fathers ate manna in the wilderness; as has been written, He gave them bread from heaven to eat.
32 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.
Then Jesus said to them, Truly, truly, I say unto you, Moses did not give you the bread from heaven; but my Father gives you the true bread from heaven.
33 Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
For the bread of God is the One coming down from heaven, and giving life to the world.
34 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.
Then they said to Him, Lord, evermore give to us this bread.
35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
Then Jesus said to them, I am the bread of life; the one coming unto me can never hunger, and the one believing on me shall never thirst.
36 Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.
But I said unto you, That you have seen, and you do not believe.
37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
Everything which the Father giveth unto me shall come to me; and him that cometh unto me I will in no wise cast out.
38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
Because I have come down from heaven, not that I may do my own will, but the will of Him that sent me.
39 Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo.
And this is the will of the One having sent me, that everything that the Father has given unto me I shall lose nothing of it, but I shall raise it up in the last day.
40 Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. (aiōnios )
For this is the will of my Father, that every one seeing the Son, and believing on Him, may have eternal life; and I will raise him up in the last day. (aiōnios )
41 Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.
Then the Jews were murmuring concerning Him, because He said, I am the bread having come down from heaven,
42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
and they continued to say, Is this not Jesus, the son of Joseph, whose father and mother we know? how does He now say; I have come down from heaven?
43 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna.
Jesus responded and said to them, Murmur not with one another.
44 Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
No one is able to come unto me, unless the Father who sent me may draw him: and I will raise him up in the last day.
45 Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.
It is written in the prophets, They shall all be taught of God; every one hearing and learning from the Father, comes to me.
46 Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
No one has seen the Father, except the One who is with God, He hath seen God.
47 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah. (aiōnios )
Truly, truly, I say unto you, the one believing has eternal life. (aiōnios )
48 Anigu waxaan ahay kibista nolosha.
I am the bread of life.
49 Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen.
Your fathers ate the manna in the wilderness, and died;
50 Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman.
this is the bread coming down from heaven, that any one may eat of it, and not die.
51 Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed. (aiōn )
I am the living bread, having come down from heaven; if any one may eat of me the bread, he will live forever: and the bread which I will give for the life of the world is my flesh. (aiōn )
52 Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno?
Then the Jews were contending with one another, saying, How is this One able to give unto us His flesh to eat?
53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.
Then Jesus said unto them, Truly, truly, I say unto you, Unless you may eat the flesh of the Son of man and drink His blood, you have no life in you.
54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. (aiōnios )
The one eating my flesh and drinking my blood has eternal life; and I will raise him up in the last day. (aiōnios )
55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo.
For my flesh is the true food, and my blood is the true drink.
56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga.
The one eating my flesh and drinking my blood abides in me, and I in him.
57 Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday.
As the living Father sent me, and I live through the Father; truly the one eating me, shall also live through me.
58 Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis wuu noolaan doonaa. (aiōn )
He is the bread having come down from heaven: not as the fathers ate, and died: the one eating this bread shall live forever. (aiōn )
59 Waxyaalahaas ayuu sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.
And He spoke these things in the synagogue, teaching in Capernaum.
60 Sidaa aawadeed xertiisii badidood markay maqleen, waxay yidhaahdeen, Hadalkaasu waa adag yahay. Yaa maqli kara?
Then many of His disciples, hearing, said, This is a hard sermon; who is able to hear it?
61 Laakiin Ciise qudhiisu wuu ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin?
And Jesus knowing in Himself that His disciples are murmuring concerning it, said to them, Does this offend you?
62 Haddaba maxay noqon haddaad aragtaan Wiilka Aadanaha oo kor ugu baxaya meeshuu markii hore joogi jiray?
If then you may see the Son of man ascending up, where He was formerly?
63 Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.
The Spirit is the One who creates life; the flesh profits nothing; the words which I have spoken unto you are spirit and life.
64 Laakiin waxaa dhexdiina jira qaar idinka mid ah oo aan rumaysan. Waayo, tan iyo bilowgii Ciise waa garanayay kuway ahaayeen kuwa aan rumaysan iyo kuu ahaa kii gacangelin lahaa.
But there are certain ones of you who do not believe. For Jesus knew from the beginning that there are certain ones not believing, and there is one going to betray Him.
65 Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.
And He said, Therefore I have said unto you, that no one is able to come unto me, unless it may have been given unto him of the Father.
66 Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon.
Moreover from this many of His disciples went back, and walked with Him no more.
67 Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?
Then Jesus said to the twelve, Do you also wish to go away?
68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe. (aiōnios )
Simon Peter responded to Him, Lord, to whom shall we go away? thou hast the words of eternal life; (aiōnios )
69 Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
we have believed and we know that thou art the Holy One of God.
70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid.
Jesus responded to them, Have I not chosen you twelve, and one of you is devilish?
71 Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.
But He spoke of Judas Iscariot the son of Simon, for he was going to betray Him, being one of the twelve.