< Yooxanaa 4 >
1 Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa
Basi Yesu alipofahamu kuwa Mafarisayo wamesikia kuwa Yesu alikuwa anafuasa na kuwabatiza zaidi ya Yohana,
2 (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),
(ingawa Yesu mwenyewe alikuwa habatizi ila wanafunzi wake),
3 ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
alitoka Judea na akaenda Galilaya.
4 Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.
Hivyo ilikuwa muhimu kupitia Samaria.
5 Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.
Na akafika kwenye mji wa Samaria, unaoitwa Sikari, karibu na eneo ambalo Yakobo alimpa mwanae Yusufu.
6 Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.
Na kisima cha Yakobo kilikuwa hapo. Yesu alikuwa amechoka kwa ajili ya safari na akakaa karibu na kisima. Ilikuwa muda wa mchana.
7 Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.
Mwanamke Msamaria alikuja kuteka maji, na Yesu akamwambia, “Nipe maji ninywe.”
8 Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.
Kwa sababu wanafunzi wake walikuwa wameenda zao mjini kununua chakula.
9 Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)
Yule mwanamke akamwambia, “Inakuaje wewe Myahudi, kuniomba mimi mwanamke Msamaria, kitu cha kunywa?” Kwa sababu Wayahudi hawachangamani na Wasamaria.
10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
Yesu akamjibu, “Kama ungelijua karama ya Mungu, na yule anayekuambia 'Nipe maji, ' ungelimwomba, na angelikupa maji ya uzima.”
11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?
Mwanamke akajibu, “Bwana hauna ndoo ya kuchotea, na kisima ni kirefu. Utayapata wapi Maji ya Uzima?
12 Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba?
Je wewe ni mkuu, kuliko baba yetu Yakobo, ambaye alitupa kisima hiki, na yeye mwenyewe na watoto wake pamoja na mifugo yake wakanywa maji ya kisima hiki?”
13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,
Yesu akajibu, “Yeyote anywae maji haya atapata kiu tena,
14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. (aiōn , aiōnios )
lakini yeye atakaye kunywa maji nitakayompa hatapata kiu tena. Badala yake maji nitakayompa yatakuwa chemchemi inayobubujika hata milele.” (aiōn , aiōnios )
15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.
Yule mwanamke akamwambia, “Bwana, nayaomba maji hayo ili nisipate kiu, na nisihangaike kuja hapa kuchota maji.”
16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay.
Yesu akamwambia, “Nenda kamwite mumeo, kisha urudi.”
17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi.
Mwanamke akamwambia, “Sina mume.” Yesu akajibu, “Umesema vyema, 'Sina mume;'
18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.
kwa maana umekuwa na wanaume watano, na mmoja ambaye unaye sasa sio mume wako. Katika hili umesema kweli!”
19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay.
Mwanamke akamwambia, “Bwana naona yakuwa wewe ni nabii.
20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.
Baba zetu waliabudu katika mlima huu. Lakini ninyi mwasema ya kuwa Yerusalemu ndiyo sehemu ambayo watu wanapaswa kuabudu.”
21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.
Yesu akamjibu, “Mwanamke, niamini, wakati unakuja ambapo hamtamwabudu Baba katika mlima huu au Yerusalemu.
22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.
Ninyi watu mwaabudu kile msichokijua, lakini sisi twaabudu tunachokijua, kwa sababu wokovu watoka kwa Wayahudi.”
23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.
Hatahivyo, wakati unakuja, na sasa upo hapa, wakati waabuduo kweli watamwabudu Baba katika roho na kweli, kwa sababu Baba anawatafuta watu wa namna hiyo kuwa watu wake wanao mwabudu.
24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
Mungu ni Roho, na wale wanaomwabudu wanapaswa kumwabudu kwa roho na kweli.”
25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.
Mwanamke akamwambia, “Ninajua kuwa Masihi anakuja, (aitwaye Kristo). Huyo atakapokuja atatwambia yote.”
26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
Yesu akamwambia, “Mimi unayesema nami ndiye.”
27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?
Wakati huo huo wanafunzi wake wakarudi. Nao walishangaa kwa nini alikuwa akizungumza na mwanamke, lakini hakuna aliyethubutu kumuuliza, “Unataka nini?” au “Kwa nini unazungumza naye?”
28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii,
Hivyo mwanamke akauacha mtungi wake na akaenda mjini na akawambia watu,
29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
“Njooni mwone mtu aliyeniambia mambo yangu yote niliyoyatenda, je yawezekana akawa ndiye Kristo?”
30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.
Wakatoka mjini wakaja kwake.
31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.
Wakati wa mchana wanafunzi wake walimsihi wakisema, “Rabi kula chakula.”
32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.
lakini yeye aliwambia, “Mimi ninacho chakula msichokijua ninyi.”
33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?
Wanafunzi wakaambizana, hakuna aliyemletea kitu chochotekula,”Je walileta?”
34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
Yesu akawambia, “Chakula changu ni kufanya mapenzi yake yeye aliyenituma na kutimiza kazi yake.
35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska.
Je, hamsemi, 'Bado miezi mitano na mavuno yatakuwa tayari?' Ninawambieni tazameni mashamba yalivyo tayari kwa mavuno!
36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. (aiōnios )
Yeye avunaye hupokea mishahara na kukusanya matunda kwa ajili ya uzima wa milele, ili kwamba yeye apandaye naye avunaye wafurahi pamoja. (aiōnios )
37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.
Kwa kuwa msemo huu ni wa kweli, 'Mmoja apanda na mwingine avuna.'
38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.
Niliwatuma kuvuna ambacho hamkukihangaikia, Wengine wamefanya kazi na ninyi mmeingia katika furaha ya kazi yao.”
39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.
Wasamaria wengi katika mji ule walimwani kwa sababu ya taarifa ya yule mwanamke aliyekuwa akishuhudia, “Aliyeniambia mambo yote niliyoyafanya.”
40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.
Hivyo Wasamaria walipokuja walimsihi akae pamoja nao na akakaa kwao kwa siku mbili.
41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,
Na wengi zaidi wakamwamini kwa sababu ya neno lake.
42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.
Wakamwambia yule mwanamke, “Tunaamini sio tu kwa maneno yako, kwa sababu sisi wenyewe tumesikia, na sasa twafahamu kuwa hakika yeye ni mwokozi wa ulimwengu.”
43 Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.
Baada ya siku hizo mbili, akaondoka na kuelekea Galilaya.
44 Oo Ciise ayaa ka marag kacay inaan nebi waddankiis murwad ku lahayn.
Kwa sababu yeye mwenyewe alikuwa ametangaza kuwa nabii hana heshima katika nchi yake mwenyewe.
45 Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.
Alipokuja kutoka Galilaya, Wagalilaya walimkaribisha. Walikuwa wameona mambo yote aliyoyafanya Yerusalemu kwenye sikukuu, kwa sababu na wao pia walikuwa wamehudhuria kwenye sikukuu.
46 Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna'um.
Alikuja tena Kana ya Galilaya huko alikoyabadilisha maji kuwa divai. Palikuwa na ofisa ambaye mwana wake alikuwa ni mgonjwa huko Kapernaumu.
47 Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.
Aliposikia kuwa Yesu alitoka Judea na kwenda Galilaya, alienda kwa Yesu na kumsihi atelemke amponye mwanawe, ambaye alikuwa karibu kufa.
48 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.
Ndipo Yesu akamwambia, “Ninyi msipoona ishara na maajabu hamwezi kuamini.
49 Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman.
Kiongozi akasema, “Bwana shuka chini kabla mwanangu hajafa.”
50 Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday.
Yesu akamwambia, “Nenda mwanao ni mzima.” Yule mtu akaamini neno alilolisema Yesu na akaenda zake.
51 Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay.
Alipokuwa akishuka, watumishi wake walimpokea na kumwambia mwana wake alikuwa mzima.
52 Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay.
Hivyo akawauliza ni muda gani alipata nafuu. Wakajibu, “Jana muda wa saa saba homa ilipomwacha.”
53 Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.
Ndipo baba yake akatambua kuwa ni muda ule ule Yesu aliosema, “Mwana wako ni mzima.” Hivyo yeye na familia yake wakaamini.
54 Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.
Hii ilikuwa ni ishara ya pili aliyoifanya Yesu alipotoka Yudea kwenda Galilaya.