< Yooxanaa 4 >

1 Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa
و چون خداوند دانست که فریسیان مطلع شده‌اند که عیسی بیشتر از یحیی شاگردپیدا کرده، تعمید می‌دهد،۱
2 (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),
با اینکه خود عیسی تعمید نمی داد بلکه شاگردانش،۲
3 ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
یهودیه راگذارده، باز به‌جانب جلیل رفت.۳
4 Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.
و لازم بود که از سامره عبور کند۴
5 Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.
پس به شهری از سامره که سوخار نام داشت، نزدیک به آن موضعی که یعقوب به پسر خود یوسف داده بود رسید.۵
6 Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.
و در آنجا چاه یعقوب بود. پس عیسی از سفر خسته شده، همچنین بر سر چاه نشسته بود و قریب به ساعت ششم بود.۶
7 Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.
که زنی سامری بجهت آب کشیدن آمد. عیسی بدو گفت: «جرعه‌ای آب به من بنوشان.»۷
8 Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.
زیرا شاگردانش بجهت خریدن خوراک به شهر رفته بودند.۸
9 Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)
زن سامری بدو گفت: «چگونه تو که یهود هستی ازمن آب می‌خواهی و حال آنکه زن سامری می‌باشم؟» زیرا که یهود با سامریان معاشرت ندارند.۹
10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
عیسی در جواب او گفت: «اگر بخشش خدا را می‌دانستی و کیست که به تو می‌گوید آب به من بده، هرآینه تو از او خواهش می‌کردی و به تو آب زنده عطا می‌کرد.۱۰
11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?
زن بدو گفت: «ای آقادلو نداری و چاه عمیق است. پس از کجا آب زنده داری؟۱۱
12 Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba?
آیا تو از پدر ما یعقوب بزرگترهستی که چاه را به ما داد و خود و پسران و مواشی او از آن می‌آشامیدند؟»۱۲
13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,
عیسی در جواب اوگفت: «هر‌که از این آب بنوشد باز تشنه گردد،۱۳
14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. (aiōn g165, aiōnios g166)
لیکن کسی‌که از آبی که من به او می‌دهم بنوشد، ابد تشنه نخواهد شد، بلکه آن آبی که به او می‌دهم در او چشمه آبی گردد که تا حیات جاودانی می‌جوشد.» (aiōn g165, aiōnios g166)۱۴
15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.
زن بدو گفت: «ای آقا آن آب را به من بده تا دیگر تشنه نگردم و به اینجابجهت آب کشیدن نیایم.»۱۵
16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay.
عیسی به او گفت: «برو و شوهر خود رابخوان و در اینجا بیا.»۱۶
17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi.
زن در جواب گفت: «شوهر ندارم.» عیسی بدو گفت: «نیکو گفتی که شوهر نداری!۱۷
18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.
زیرا که پنج شوهر داشتی وآنکه الان داری شوهر تو نیست! این سخن راراست گفتی!»۱۸
19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay.
زن بدو گفت: «ای آقا می‌بینم که تو نبی هستی!۱۹
20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.
پدران ما در این کوه پرستش می‌کردند و شما می‌گویید که در اورشلیم جایی است که در آن عبادت باید نمود.»۲۰
21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.
عیسی بدوگفت: «ای زن مرا تصدیق کن که ساعتی می‌آید که نه در این کوه و نه در اورشلیم پدر را پرستش خواهید کرد.۲۱
22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.
شما آنچه را که نمی دانیدمی پرستید اما ما آنچه را که می‌دانیم عبادت می‌کنیم زیرا نجات از یهود است.۲۲
23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.
لیکن ساعتی می‌آید بلکه الان است که در آن پرستندگان حقیقی پدر را به روح و راستی پرستش خواهندکرد زیرا که پدر مثل این پرستندگان خود را طالب است.۲۳
24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
خدا روح است و هر‌که او را پرستش کند می‌باید به روح و راستی بپرستد.»۲۴
25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.
زن بدو گفت: «می‌دانم که مسیح یعنی کرستس می‌آید. پس هنگامی که او آید از هر چیزبه ما خبر‌خواهد داد.»۲۵
26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
عیسی بدو گفت: «من که با تو سخن می‌گویم همانم.»۲۶
27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?
و در همان وقت شاگردانش آمده، تعجب کردند که با زنی سخن می‌گوید و لکن هیچ‌کس نگفت که چه می‌طلبی یا برای چه با او حرف می‌زنی.۲۷
28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii,
آنگاه زن سبوی خود را گذارده، به شهر رفت و مردم را گفت:۲۸
29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
«بیایید و کسی راببینید که هرآنچه کرده بودم به من گفت. آیا این مسیح نیست؟»۲۹
30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.
پس از شهر بیرون شده، نزد اومی آمدند.۳۰
31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.
و در اثنا آن شاگردان او خواهش نموده، گفتند: «ای استاد بخور.»۳۱
32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.
بدیشان گفت: «من غذایی دارم که بخورم و شما آن را نمی دانید.»۳۲
33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?
شاگردان به یکدیگر گفتند: «مگر کسی برای اوخوراکی آورده باشد!»۳۳
34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
عیسی بدیشان گفت: «خوراک من آن است که خواهش فرستنده خودرا به عمل آورم و کار او را به انجام رسانم.۳۴
35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska.
آیاشما نمی گویید که چهار ماه دیگر موسم درواست؟ اینک به شما می‌گویم چشمان خود را بالاافکنید و مزرعه‌ها را ببینید زیرا که الان بجهت درو سفید شده است.۳۵
36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. (aiōnios g166)
و دروگر اجرت می‌گیردو ثمری بجهت حیات جاودانی جمع می‌کند تاکارنده و درو‌کننده هر دو با هم خشنود گردند. (aiōnios g166)۳۶
37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.
زیرا این کلام در اینجا راست است که یکی می‌کارد و دیگری درو می‌کند.۳۷
38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.
من شما رافرستادم تا چیزی را که در آن رنج نبرده‌اید دروکنید. دیگران محنت کشیدند و شما در محنت ایشان داخل شده‌اید.»۳۸
39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.
پس در آن شهر بسیاری از سامریان بواسطه سخن آن زن که شهادت داد که هر‌آنچه کرده بودم به من باز‌گفت بدو ایمان آوردند.۳۹
40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.
و چون سامریان نزد او آمدند، از او خواهش کردند که نزدایشان بماند و دو روز در آنجا بماند.۴۰
41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,
و بسیاری دیگر بواسطه کلام او ایمان آوردند.۴۱
42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.
و به زن گفتند که «بعد از این بواسطه سخن تو ایمان نمی آوریم زیرا خود شنیده و دانسته‌ایم که او درحقیقت مسیح و نجات‌دهنده عالم است.»۴۲
43 Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.
اما بعد از دو روز از آنجا بیرون آمده، به سوی جلیل روانه شد.۴۳
44 Oo Ciise ayaa ka marag kacay inaan nebi waddankiis murwad ku lahayn.
زیرا خود عیسی شهادت داد که هیچ نبی را در وطن خود حرمت نیست.۴۴
45 Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.
پس چون به جلیل آمد، جلیلیان او راپذیرفتند زیرا هر‌چه در اورشلیم در عید کرده بود، دیدند، چونکه ایشان نیز در عید رفته بودند.۴۵
46 Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna'um.
پس عیسی به قانای جلیل آنجایی که آب را شراب ساخته بود، بازآمد. و یکی از سرهنگان ملک بود که پسر او در کفرناحوم مریض بود.۴۶
47 Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.
وچون شنید که عیسی از یهودیه به جلیل آمده است، نزد او آمده، خواهش کرد که فرود بیاید وپسر او را شفا دهد، زیرا که مشرف به موت بود.۴۷
48 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.
عیسی بدو گفت: «اگر آیات و معجزات نبینید، همانا ایمان نیاورید.»۴۸
49 Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman.
سرهنگ بدو گفت: «ای آقا قبل از آنکه پسرم بمیرد فرود بیا.»۴۹
50 Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday.
عیسی بدو گفت: «برو که پسرت زنده است.» آن شخص به سخنی که عیسی بدو گفت، ایمان آورده، روانه شد.۵۰
51 Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay.
و در وقتی که او می‌رفت، غلامانش او راستقبال نموده، مژده دادند و گفتند که پسر توزنده است.۵۱
52 Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay.
پس از ایشان پرسید که در چه ساعت عافیت یافت. گفتند: «دیروز، در ساعت هفتم تب از او زایل گشت.»۵۲
53 Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.
آنگاه پدر فهمیدکه در همان ساعت عیسی گفته بود: «پسر تو زنده است.» پس او و تمام اهل خانه او ایمان آوردند.۵۳
54 Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.
و این نیز معجزه دوم بود که از عیسی در وقتی که از یهودیه به جلیل آمد، به ظهور رسید.۵۴

< Yooxanaa 4 >