< Yooxanaa 14 >
1 Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta.
你們心裏不要煩亂;你們要信賴天主,也要信賴我。
2 Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.
在我父的家裏,有許多住處。我去,原是為給你們預備地方;如不然,我早就告訴了你們。
3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.
我去了,為你們預備了地方以後,我必再來你們到我那裏去,為的是我在那裏,你們也在那裏。
4 Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin.
我去的地方,你們知道往那裏去的路。」
5 Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka?
多默說: 「主!我們不知道你往那裏去,怎麼會知道那條路呢?」
6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
耶穌回答說:「我是道路、真理、生命,除非經過我,誰也不能到父那裡去。
7 Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.
你們若認識我,也就必然認識我父;現在你們已認識他,並且已經看見他。」
8 Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay.
斐理伯對他說: 「主!把父顯示給我們,我們就心滿意足了。」
9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?
耶穌回答說: 「斐理伯!這麼長久的時候,我和你們在一起,而你還不認識我嗎?誰看見了我,就是看見了父;你怎麼說: 把父顯示給我們呢?
10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.
你不信我在父內,父在我內嗎?我對你們所說的話,不是憑我自己講的;而是住在我內的父,作他自己的事業。
11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.
你們要相信我: 我在父內,父也在我內;若不然,你們至少該因那些事業而相信。」
12 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa.
我實實在在告訴你們: 凡信我的,我所做的事業,他也要做,並且還要做比這還大的事業,因為我往父那裏去。
13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.
你們因我的名無論求父什麼,我必要踐行,為叫父在子身上獲得光榮。
14 Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.
你們若因我的名向我求什麼,我必要踐行。」
15 Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan.
如果你們愛我,就要遵守我的命令;
16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, (aiōn )
我也要求父,他必會賜給你們另一位護慰者,使他永遠與你們同在; (aiōn )
17 waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa.
他是世界所不能領受的真理之神,因為世界看不見他,也不認識他;你們卻認識他,因為他與你們同在,並在你們內。」
18 Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa.
我必不留下你們為孤兒;我要回到你們這裏來。
19 In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.
不久以後,世界就再看不見我,你們卻要看見我,因為我生活,你們也要生活。
20 Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro.
到那一天,你們便知道我在我父內,你們在我內,我也在你們內。
21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga.
接受我的命令而遵守的,便是愛我的人;誰愛我,我父也必愛他,我也要愛他,並將我自己顯示給他。」
22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?
猶達斯──不是那個依斯加略人──遂問他說:「主,究竟為了什麼你要將你自己顯示給我們,而不顯示給世界呢?」
23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.
耶穌回答說: 「誰愛我,必遵守我的話,我父也必愛他,我們要到他那裏去,並要在他那裏作我們的住所;
24 Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.
那不愛我的,就不遵守我的話;你們所聽到的話,並不是我的,而是派遣我來的父的話。
25 Waxyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay,
我還與你們同在的時候,給你們講論了這些事;
26 laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi.
但那護慰者,就是父因我的名所要派遣來的聖神,他必要教訓你們一切,也要使你們想起,我對你們所說的一切。」
27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.
我把平安留給你們,我將我的平安賜給你們;我所賜給你們的,不像世界所賜的一樣。你心裏不要煩亂,也不要膽怯。
28 Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.
你們聽見我給你們說過: 我去;但我還要回到你們這裏來。如果你們愛我,就該喜歡我往父那裏去,因為比我大。
29 Haatan waxaan idiinku sheegay intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan.
如今在事發生前,我就告訴了你們,為叫你們當事發內生時能相信我。
30 Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha.
我不再同你們多談了,因為世界的領袖就要來到;他在我身上一無所能,
31 Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.
但為叫世界知道我愛父,並且父怎樣命令我,我就照樣去行;起來,我們從這裏走罷! 」