< Yooxanaa 13 >
1 Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.
ⲁ̅ϩⲁ ⲑⲏ ⲇⲉ ⲙⲡϣⲁ ⲙⲡⲡⲁⲥⲭⲁ ⲉϥⲥⲟⲟⲩⲛ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ϫⲉ ⲁⲧⲉϥⲟⲩⲛⲟⲩ ⲉⲓ ϫⲉ ⲉϥⲉⲡⲱⲱⲛⲉ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ ⲡⲉⲓⲕⲟⲥⲙⲟⲥ ⲛϥⲃⲱⲕ ϣⲁ ⲡⲓⲱⲧ ⲉⲁϥⲙⲉⲣⲉ ⲛⲉⲧⲉⲛⲟⲩϥ ⲛⲉ ⲉⲧϩⲙ ⲡⲕⲟⲥⲙⲟⲥ ⲁϥⲙⲉⲣⲓⲧⲟⲩ ϣⲁⲃⲟⲗ
2 Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.
ⲃ̅ⲁⲩⲱ ⲛⲧⲉⲣⲉⲟⲩⲇⲓⲡⲛⲟⲛ ϣⲱⲡⲉ ⲉⲁⲡⲇⲓⲁⲃⲟⲗⲟⲥ ⲟⲩⲱ ⲉϥⲛⲟⲩϫⲉ ⲙⲙⲟⲥ ⲉⲡϩⲏⲧ ⲛⲓⲟⲩⲇⲁⲥ ⲡϣⲏⲣⲉ ⲛⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲓⲥⲕⲁⲣⲓⲱⲧⲏⲥ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉϥⲉⲡⲁⲣⲁⲇⲓⲇⲟⲩ ⲙⲙⲟϥ
3 Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,
ⲅ̅ⲉϥⲥⲟⲟⲩⲛ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ϫⲉ ⲁⲡⲓⲱⲧ ϯ ⲛⲕⲁ ⲛⲓⲙ ⲉⲛⲉϥϭⲓϫ ⲁⲩⲱ ϫⲉ ⲛⲧⲁϥⲉⲓ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲁⲩⲱ ⲉϥⲛⲁ ⲉⲣⲁⲧϥ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ
4 ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday.
ⲇ̅ⲁϥⲧⲱⲟⲩⲛϥ ϩⲙ ⲡⲇⲉⲓⲡⲛⲟⲛ ⲁϥⲕⲁ ⲛⲉϥϩⲟⲓⲧⲉ ⲉϩⲣⲁⲓ ⲁϥϫⲓ ⲛⲟⲩⲗⲉⲛⲧⲓⲟⲛ ⲁϥⲙⲟⲣϥ ⲙⲙⲟϥ
5 Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.
ⲉ̅ⲁⲩⲱ ⲁϥⲛⲉϫ ⲙⲟⲟⲩ ⲉⲧⲗⲉⲕⲁⲛⲏ ⲁϥⲁⲣⲭⲓ ⲛⲉⲓⲱ ⲛⲟⲩⲉⲣⲏⲧⲉ ⲛⲙⲙⲁⲑⲏⲧⲏⲥ ⲁⲩⲱ ⲉϥⲟⲧⲟⲩ ⲙⲡⲗⲉⲛⲧⲓⲟⲛ ⲉⲧⲙⲏⲣ ⲙⲙⲟϥ
6 Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?
ⲋ̅ⲁϥⲉⲓ ϭⲉ ϣⲁ ⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ⲡⲉϫⲉ ⲡⲏ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲛⲧⲟⲕ ⲡⲉⲧⲛⲁⲉⲓⲁ ⲛⲁⲟⲩⲉⲣⲏⲧⲉ
7 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.
ⲍ̅ⲁⲓⲥ ⲟⲩⲱϣⲃ ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ ⲛⲧⲟⲕ ⲛⲅⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙⲙⲟϥ ⲁⲛ ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲙⲛⲛⲥⲱⲥ ⲇⲉ ⲕⲛⲁⲉⲓⲙⲉ ⲉⲣⲟϥ
8 Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid. (aiōn )
ⲏ̅ⲡⲉϫⲉ ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⲛⲛⲁⲕⲁⲁⲕ ⲉⲉⲓⲁ ⲣⲁⲧ ⲉⲛⲉϩ ⲁⲓⲥ ⲟⲩⲱϣⲃ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⲉⲓⲧⲙⲉⲓⲁ ⲣⲁⲧⲕ ⲙⲛⲧⲕ ⲙⲉⲣⲟⲥ ⲛⲙⲙⲁⲓ (aiōn )
9 Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh.
ⲑ̅ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁϥ ⲛϭⲓ ⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ϫⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲟⲩ ⲙⲟⲛⲟⲛ ⲛⲁⲟⲩⲉⲣⲏⲧⲉ ⲁⲗⲗⲁ ⲉⲓⲁ ⲛⲁⲕⲉϭⲓϫ ⲙⲛ ⲧⲁⲁⲡⲉ
10 Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha.
ⲓ̅ⲡⲉϫⲉ ⲓⲥ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⲡⲉⲛⲧⲁϥϫⲱⲕⲙ ⲛϥⲣ ⲭⲣⲓⲁ ⲁⲛ ⲉⲓⲙⲏⲧⲓ ⲉⲓⲁ ⲛⲉϥⲟⲩⲉⲣⲏⲧⲉ ⲁⲗⲗⲁ ϥⲧⲃⲃⲏⲩ ⲧⲏⲣϥ ⲛⲧⲱⲧⲛ ϩⲱⲧⲧⲏⲩⲧⲛ ⲧⲉⲧⲛⲧⲃⲃⲏⲩ ⲁⲗⲗⲁ ⲛⲧⲏⲣⲧⲛ ⲁⲛ
11 Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.
ⲓ̅ⲁ̅ⲛⲉϥⲥⲟⲟⲩⲛ ⲅⲁⲣ ⲙⲡⲉⲧⲛⲁⲡⲁⲣⲁⲇⲓⲇⲟⲩ ⲙⲙⲟϥ ⲉⲧⲃⲉ ⲡⲁⲓ ⲁϥϫⲟⲟⲥ ϫⲉ ⲛⲧⲉⲧⲛⲧⲃⲃⲏⲩ ⲁⲛ ⲧⲏⲣⲧⲛ
12 Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?
ⲓ̅ⲃ̅ⲛⲧⲉⲣⲉϥⲟⲩⲱ ϭⲉ ⲉϥⲉⲓⲱ ⲛⲛⲉϥⲟⲩⲉⲣⲏⲧⲉ ⲁϥϫⲓ ⲛⲉϥϩⲟⲓⲧⲉ ⲁϥⲛⲟϫϥ ⲟⲛ ⲁⲩⲱ ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁⲩ ϫⲉ ⲧⲉⲧⲛⲥⲟⲟⲩⲛ ϫⲉ ⲟⲩ ⲡⲉ ⲛⲧⲁⲓⲁⲁϥ ⲛⲏⲧⲛ
13 Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay.
ⲓ̅ⲅ̅ⲛⲧⲱⲧⲛ ⲧⲉⲧⲛⲙⲟⲩⲧⲉ ⲉⲣⲟⲉⲓ ϫⲉ ⲡⲥⲁϩ ⲁⲩⲱ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲁⲩⲱ ⲕⲁⲗⲱⲥ ⲧⲉⲧⲛϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲁⲛⲟⲕ ⲅⲁⲣ ⲡⲉ
14 Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan.
ⲓ̅ⲇ̅ⲉϣϫⲉ ⲁⲛⲟⲕ ϭⲉ ⲁⲓⲁ ⲛⲉⲧⲛⲟⲩⲉⲣⲏⲧⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲁⲩⲱ ⲡⲥⲁϩ ⲛⲧⲱⲧⲛ ϩⲱⲧⲧⲏⲩⲧⲛ ϣϣⲉ ⲉⲣⲱⲧⲛ ⲉⲉⲓⲁ ⲣⲁⲧⲟⲩ ⲛⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ
15 Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.
ⲓ̅ⲉ̅ⲟⲩⲥⲙⲟⲧ ⲅⲁⲣ ⲡⲉ ⲛⲧⲁⲓⲧⲁⲁϥ ⲛⲏⲧⲛ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲕⲁⲧⲁ ⲑⲉ ⲉⲛⲧⲁⲓⲁⲁⲥ ⲛⲏⲧⲛ ⲉⲧⲉⲧⲛⲉⲁⲁⲥ ϩⲱⲧⲧⲏⲩⲧⲛ
16 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray.
ⲓ̅ⲋ̅ϩⲁⲙⲏⲛ ϩⲁⲙⲏⲛ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲏⲧⲛ ϫⲉ ⲙⲛ ϩⲙϩⲁⲗ ⲉⲛⲁⲁⲁϥ ⲉⲡⲉϥϫⲟⲉⲓⲥ ⲟⲩⲇⲉ ⲙⲛⲁⲡⲟⲥⲧⲟⲗⲟⲥ ⲉⲛⲁⲁⲁϥ ⲉⲡⲉⲛⲧⲁϥⲧⲁⲟⲩⲟϥ
17 Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.
ⲓ̅ⲍ̅ⲉϣϫⲉ ⲧⲉⲧⲛⲥⲟⲟⲩⲛ ⲛⲛⲁⲓ ⲛⲁⲓⲁⲧⲧⲏⲩⲧⲛ ⲉⲧⲉⲧⲛϣⲁⲁⲁⲩ
18 Dhammaantiin ka hadli maayo; waan garanayaa kuwaan doortay. Laakiin Qorniinka leh, Kan kibistayda cuna ayaa cedhibtiisa ii qaaday, waa inuu ahaado.
ⲓ̅ⲏ̅ⲛⲉⲉⲓϫⲉⲣⲱⲧⲛ ⲧⲏⲣⲧⲛ ⲁⲛ ⲁⲛⲟⲕ ⲉⲧⲥⲟⲟⲩⲛ ⲛⲛⲉⲛⲧⲁⲓⲥⲟⲧⲡⲟⲩ ⲁⲗⲗⲁ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉⲣⲉⲧⲉⲅⲣⲁⲫⲏ ϫⲱⲕ ⲉⲃⲟⲗ ϫⲉ ⲡⲉⲧⲟⲩⲱⲙ ⲙⲡⲁⲟⲓⲕ ⲁϥϥⲓ ⲡⲉϥϯⲃⲥ ⲉϩⲣⲁⲓ ⲉϫⲱⲉⲓ
19 Hadda dabadeed waxaas ayaan idiin sheegayaa intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan inaan ahay isagii.
ⲓ̅ⲑ̅ϫⲓⲛ ⲧⲉⲛⲟⲩ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲏⲧⲛ ⲉⲙⲡⲁⲧϥϣⲱⲡⲉ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉⲧⲉⲧⲛⲉⲡⲓⲥⲧⲉⲩⲉ ⲉϥϣⲁⲛϣⲱⲡⲉ ϫⲉ ⲁⲛⲟⲕ ⲡⲉ
20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.
ⲕ̅ϩⲁⲙⲏⲛ ϩⲁⲙⲏⲛ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲏⲧⲛ ϫⲉ ⲡⲉⲧϫⲓ ⲙⲡⲉϯⲛⲁⲧⲛⲛⲟⲟⲩϥ ⲉϥϫⲓ ⲙⲙⲟⲉⲓ ⲡⲉⲧϫⲓ ⲇⲉ ⲙⲙⲟⲓ ⲉϥϫⲓ ⲙⲡⲉⲛⲧⲁϥⲧⲁⲟⲩⲟⲓ
21 Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.
ⲕ̅ⲁ̅ⲛⲁⲓ ⲛⲧⲉⲣⲉϥϫⲟⲟⲩ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ⲁϥϣⲧⲟⲣⲧⲣ ϩⲙ ⲡⲉⲡⲛⲁ ⲁⲩⲱ ⲁϥⲣ ⲙⲛⲧⲣⲉ ⲉϥϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ϩⲁⲙⲏⲛ ϩⲁⲙⲏⲛ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲏⲧⲛ ϫⲉ ⲟⲩⲁ ⲉⲃⲟⲗ ⲛϩⲏⲧⲧⲏⲩⲧⲛ ⲡⲉⲧⲛⲁⲡⲁⲣⲁⲇⲓⲇⲟⲩ ⲙⲙⲟⲓ
22 Markaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii uu ka hadlayay.
ⲕ̅ⲃ̅ⲛⲉⲩϭⲱϣⲧ ϭⲉ ⲉϩⲟⲩⲛ ϩⲛ ⲛⲉⲩⲉⲣⲏⲩ ⲛϭⲓ ⲙⲙⲁⲑⲏⲧⲏⲥ ⲉⲩⲁⲡⲟⲣⲓ ϫⲉ ⲉϥϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲉⲧⲃⲉ ⲛⲓⲙ
23 Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.
ⲕ̅ⲅ̅ⲛⲉⲩⲛ ⲟⲩⲁ ⲇⲉ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ ⲛⲉϥⲙⲁⲑⲏⲧⲏⲥ ⲉϥⲛⲏϫ ⲉⲕⲟⲩⲛϥ ⲛⲓⲥ ⲡⲉⲧⲉⲣⲉⲓⲥ ⲙⲉ ⲙⲙⲟϥ
24 Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.
ⲕ̅ⲇ̅ⲁϥϫⲱⲣⲙ ϭⲉ ⲟⲩⲃⲉ ⲡⲁⲓ ⲛϭⲓ ⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ⲉϫⲛⲟⲩϥ ϫⲉ ⲛⲓⲙ ⲡⲉⲧϥϣⲁϫⲉ ⲉⲣⲟϥ
25 Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?
ⲕ̅ⲉ̅ⲁⲡⲏ ϭⲉ ⲛⲟϫϥ ⲉϫⲛ ⲧⲙⲉⲥⲑⲏⲧ ⲛⲓⲥ ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲛⲓⲙ ⲡⲉ
26 Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.
ⲕ̅ⲋ̅ⲁϥⲟⲩⲱϣⲃ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ϫⲉ ⲡⲉϯⲛⲁⲥⲉⲡ ⲡⲟⲉⲓⲕ ⲧⲁⲧⲁⲁϥ ⲛⲁϥ ⲡⲉⲧⲙⲙⲁⲩ ⲡⲉ ⲛⲧⲉⲣⲉϥⲥⲉⲡ ⲡⲟⲓⲕ ⲇⲉ ⲁϥⲧⲁⲁϥ ⲛⲓⲟⲩⲇⲁⲥ ⲡϣⲏⲣⲉ ⲛⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲓⲥⲕⲁⲣⲓⲱⲧⲏⲥ
27 Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.
ⲕ̅ⲍ̅ⲁⲩⲱ ⲙⲛⲛⲥⲁ ⲧⲣⲉϥϫⲓ ⲡⲟⲓⲕ ⲁⲡⲥⲁⲧⲁⲛⲁⲥ ⲃⲱⲕ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲉⲣⲟϥ ⲡⲉϫⲁϥ ϭⲉ ⲛⲁϥ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ϫⲉ ⲡⲉⲧⲕⲛⲁⲁⲁϥ ⲁⲣⲓϥ ϩⲛ ⲟⲩϭⲉⲡⲏ
28 Kuwa la fadhiyey midkoodna ma garanaynin sababta uu sidaas ugula hadlay isaga.
ⲕ̅ⲏ̅ⲙⲡⲉⲗⲁⲁⲩ ⲇⲉ ⲛⲛⲉⲧⲛⲏϫ ⲉⲓⲙⲉ ϫⲉ ⲉⲧⲃⲉ ⲟⲩ ⲁϥϫⲉ ⲡⲁⲓ ⲛⲁϥ
29 Yuudas baa kiishaddii lacagta hayay, taas aawadeed qaar waxay u maleeyeen in Ciise ku yidhi, Soo iibi waxaynu iidda u baahan nahay, ama, Masaakiinta wax sii.
ⲕ̅ⲑ̅ⲛⲉⲣⲉϩⲟⲓⲛⲉ ⲅⲁⲣ ⲙⲉⲩⲉ ϫⲉ ⲉⲡⲓⲇⲏ ⲡⲉⲅⲗⲱⲥⲥⲟⲕⲟⲙⲟⲛ ⲛⲧⲟⲟⲧϥ ⲛⲓⲟⲩⲇⲁⲥ ϫⲉ ⲛⲧⲁⲓⲥ ϫⲟⲟⲥ ⲛⲁϥ ϫⲉ ϣⲉⲡ ⲡⲉⲧⲉⲧⲛⲣ ⲭⲣⲓⲁ ⲙⲙⲟϥ ⲉⲡϣⲁ ⲏ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉⲉⲓⲉϯ ⲛⲛϩⲏⲕⲉ
30 Isagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo.
ⲗ̅ⲛⲧⲉⲣⲉϥϫⲓ ϭⲉ ⲙⲡⲟⲉⲓⲕ ⲛϭⲓ ⲡⲏ ⲛⲧⲉⲩⲛⲟⲩ ⲁϥⲉⲓ ⲉⲃⲟⲗ ⲛⲉⲧⲉⲩϣⲏ ⲇⲉ ⲧⲉ
31 Haddaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga.
ⲗ̅ⲁ̅ⲛⲧⲉⲣⲉϥⲉⲓ ϭⲉ ⲉⲃⲟⲗ ⲡⲉϫⲉ ⲓⲥ ϫⲉ ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲁϥϫⲓ ⲉⲟⲟⲩ ⲛϭⲓ ⲡϣⲏⲣⲉ ⲙⲡⲣⲱⲙⲉ ⲁⲩⲱ ⲁⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ϫⲓ ⲉⲟⲟⲩ ϩⲣⲁⲓ ⲛϩⲏⲧϥ
32 Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa.
ⲗ̅ⲃ̅ⲉϣϫⲉ ⲁⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ϫⲓ ⲉⲟⲟⲩ ϩⲣⲁⲓ ⲛϩⲏⲧϥ ⲁⲩⲱ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲛⲁϯ ⲉⲟⲟⲩ ⲛⲁϥ ϩⲣⲁⲓ ⲛϩⲏⲧϥ ⲁⲩⲱ ⲛⲧⲉⲩⲛⲟⲩ ϥⲛⲁϯ ⲉⲟⲟⲩ ⲛⲁϥ
33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.
ⲗ̅ⲅ̅ⲛⲁϣⲏⲣⲉ ⲉⲧⲓ ⲕⲉⲕⲟⲩⲓ ⲡⲉϯ ⲛⲙⲙⲏⲧⲛ ⲧⲉⲧⲛⲁϣⲓⲛⲉ ⲛⲥⲱⲉⲓ ⲁⲩⲱ ⲕⲁⲧⲁ ⲑⲉ ⲉⲛⲧⲁⲓϫⲟⲟⲥ ⲛⲛⲓⲟⲩⲇⲁⲓ ϫⲉ ⲡⲙⲁ ⲁⲛⲟⲕ ⲉϯⲛⲁⲃⲱⲕ ⲉⲣⲟϥ ⲛⲧⲱⲧⲛ ⲛⲧⲉⲧⲛⲁϣ ⲉⲓ ⲁⲛ ⲉⲣⲟϥ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲏⲧⲛ ϩⲱⲧⲧⲏⲩⲧⲛ ⲧⲉⲛⲟⲩ
34 Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.
ⲗ̅ⲇ̅ⲡⲗⲏⲛ ϯϯ ⲛⲟⲩⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲃⲃⲣⲣⲉ ⲛⲏⲧⲛ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉⲧⲉⲧⲛⲉⲙⲉⲣⲉ ⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ ⲕⲁⲧⲁ ⲑⲉ ⲉⲛⲧⲁⲓⲙⲉⲣⲉ ⲧⲏⲩⲧⲛ ϫⲉⲕⲁⲥ ϩⲱⲱⲧⲛ ⲉⲧⲉⲧⲛⲉⲙⲉⲣⲉ ⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ
35 Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.
ⲗ̅ⲉ̅ϩⲙ ⲡⲁⲓ ⲟⲩⲟⲛ ⲛⲓⲙ ⲛⲁⲉⲓⲙⲉ ϫⲉ ⲛⲧⲉⲧⲛ ⲛⲁⲙⲁⲑⲏⲧⲏⲥ ⲉⲧⲉⲧⲛϣⲁⲙⲉⲣⲉ ⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ
36 Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.
ⲗ̅ⲋ̅ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁϥ ⲛϭⲓ ⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ϫⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲉⲕⲛⲁ ⲉⲧⲱⲛ ⲁϥⲟⲩⲱϣⲃ ⲛⲁϥ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ϫⲉ ⲡⲙⲁ ⲁⲛⲟⲕ ⲉϯⲛⲁⲃⲱⲕ ⲉⲣⲟϥ ⲕⲛⲁϣ ⲟⲩⲁϩⲕ ⲛⲥⲱⲓ ⲁⲛ ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲙⲛⲛⲥⲱⲥ ⲇⲉ ⲉⲕⲉⲟⲩⲁϩⲕ ⲛⲥⲱⲉⲓ
37 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.
ⲗ̅ⲍ̅ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁϥ ⲛϭⲓ ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ϫⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲉⲧⲃⲉ ⲟⲩ ⲛϯⲛⲁⲟⲩⲁϩ ⲛⲥⲱⲕ ⲁⲛ ⲧⲉⲛⲟⲩ ϯⲛⲁⲕⲱ ⲛⲧⲁⲯⲩⲭⲏ ⲉϩⲣⲁⲓ ϩⲁⲣⲟⲕ
38 Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.
ⲗ̅ⲏ̅ⲁϥⲟⲩⲱϣⲃ ⲛⲁϥ ⲛϭⲓ ⲓⲥ ϫⲉ ⲕⲛⲁⲕⲁ ⲧⲉⲕⲯⲩⲭⲏ ϩⲁⲣⲟⲓ ϩⲁⲙⲏⲛ ϩⲁⲙⲏⲛ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲁⲕ ϫⲉ ⲛⲛⲉⲩⲁⲗⲉⲕⲧⲱⲣ ⲙⲟⲩⲧⲉ ⲉⲙⲡⲕⲁⲡⲁⲣⲛⲁ ⲙⲙⲟⲓ ⲛϣⲟⲙⲛⲧ ⲛⲥⲟⲡ