< Yooxanaa 12 >
1 Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
逾越节前六天,耶稣去了伯大尼,也就是拉撒路起死回生的那个地方。
2 Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.
为了感谢耶稣,那里安排了一场宴席。马大帮着准备食物,拉撒路在桌旁与耶稣和其他人共同用餐。
3 Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka.
玛利亚拿了一品脱纯正的哪哒香膏,抹在耶稣的脚上,然后用自己的头发擦拭,房间里散发出香膏的气息。
4 Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,
但耶稣的一名门徒,也就是将要出卖他的加略人犹大说:
5 Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?
“为什么不把这香膏卖了接济穷人,它值三百银币呢。”
6 Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido.
他这样说并不是因为他关心穷人,只是因为他是个贼,负责管理门徒们的金钱,经常从里面拿走一些占为己有。
7 Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda.
耶稣就说:“别批评她。她这样做是为我的葬礼做准备。
8 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.
你们总是和穷人们在一起,却不总是与我在一起。”
9 Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.
一大群犹太人发现耶稣来到那里,于是也过来了,但他们不只是想看到耶稣,也是要看看耶稣让其死而复生的拉撒路。
10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan.
于是牧师长想把拉撒路也杀掉,
11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.
因为有许多犹太人因为拉撒路的缘故而不再追随犹太首领,而是相信了耶稣。
12 Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,
第二天,来到这里过逾越节的民众听说耶稣要来耶路撒冷,
13 waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.
于是他们折下棕榈树枝去迎接他,欢呼说:“和散那,祝福奉主之名来此的以色列王!”
14 Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,
耶稣找到一头小驴,骑在上面,正如经书所记:
15 Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.
“锡安的女儿啊,不要害怕。看,你们的王骑着小驴到来。”
16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.
这时候门徒并不理解这一切意味着什么,直到耶稣获得荣耀之后,他们才意识到先知曾预言了这一切,而且说的正是耶稣。
17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
人群中有很多人见过耶稣如何将拉撒路从坟墓中唤醒,让他复活。他们纷纷讲述着这个故事。
18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.
所以才有这么多人到这里见耶稣,因为他们听说了这个奇迹。
19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
法利赛人彼此议论:“看,你们什么都做不了,大家都去跟随他了。”
20 Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah.
有些希腊人也来到逾越节做礼拜。
21 Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weyddiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno.
他们来到加利利的伯赛大人腓力那里,说:“先生,我们想见耶稣。”
22 Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen.
腓力去告诉安得烈,然后两人一起去告诉耶稣。
23 Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa.
耶稣对他们说:“人子获得荣耀的时刻已经来到。
24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa.
告诉你们实话吧,麦子种到泥土中才会死去,否则始终都只是一粒麦子而已。但如果它死了, 就会结出很多麦粒。
25 Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah. (aiōnios )
如果你们爱惜自己的生命,就会失去生命。但如果你们不爱这世上的生命,就会获得永生。 (aiōnios )
26 Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.
如果你们愿意服侍我,就要跟从我,我在哪里,服务我的人也会在哪里,我父必会让服侍我的人获得荣耀。
27 Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow, saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay.
我现在心里难过,该说些什么呢?说‘父啊,拯救我不要遭受那即将到来的苦难’?但我正是为此而来,我必须经历这样的痛苦。
28 Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.
父啊,请显化你的荣耀吧。” 天堂传来一个声音,说:“我显化这荣耀,还将再次显化。”
29 Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga.
站在那里的民众听到这一切,有人说这是雷声,有人说这是天使对他说话。
30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.
耶稣告诉他们:“这声音不是为我而发,而是为了你们。
31 Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa, imminka kan madaxda dunida ah dibaddaa lagu tuuri doonaa.
现在就是这世界接受审判之刻,这世界的王将被赶走。
32 Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa.
但当我被高举,从这大地上升起,就会吸引所有生灵跟从我。”
33 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.
(他这番话表明了他将以何种方式死去。)
34 Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay, Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu? (aiōn )
于是群众对他说:“律法告诉我们,基督将永存,你怎么说‘人子将被从十字架上高举’呢?人子是谁?” (aiōn )
35 Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.
耶稣回答:“光还会在这里停留一段时间。你们应当趁着有光的时候行走,免得黑暗追上你们。行走在黑暗中,你就无法知道自己去向哪里。
36 Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka. Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu ka tegey oo ka dhuuntay iyaga.
趁着还有光,你们应该相信他,这样你们就会成为光明的儿女。”说罢,耶稣就离开并躲开了他们。
37 Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;
虽然耶稣在他们面前显化了许多神迹,但是他们仍然不信他。
38 inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
这也应验了以赛亚先知所说:“主啊,我们所说的有谁会信呢?主的力量要向谁显露呢?”
39 Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,
他们无法相信他,所以也验证了以赛亚的另一番预言:
40 Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
“他蒙蔽了他们的眼,让他们的心变得迟钝,这会让他们看不到也不会思考,他们也不会跟随我。但如果他们这样做,我就会治愈他们。”
41 Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.
以赛亚见过耶稣的荣耀,所以这番话就是在说耶稣。
42 Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin,
尽管很多首领其实已经相信了耶稣,但他们不敢公开承认这一点,怕被法利赛人赶出会堂。
43 waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.
他们喜欢人的崇拜,甚至超过来自上帝的肯定。
44 Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.
耶稣大声说:“如果你相信我,那你所相信的不只是我,还有派我来此的上帝。
45 Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray.
看到我,就是看见那派我来的上帝。
46 Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin.
我如光来此照亮这世界,所以信我者就不会生活在黑暗之中。
47 Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo.
即使你听到我的言语但不遵守,我也不会评判你,因为我来此并非评判世人,而是要拯救世人。
48 Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa.
但如果你抛弃我又不接受我所言,最终必将像我所说的那样在末世受到审判。
49 Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba.
因为我所说并非为我自己,而是派我来此的天父下的命令,是他指引我说什么,如何说。
50 Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa. (aiōnios )
我知道他告诉我通过道带给这世界永生。所以我所说的,正是天父吩咐要我说的。” (aiōnios )