< Yooxanaa 1 >

1 Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.
In the beginning was the Word, and the Word was with God, and the Word was God.
2 Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.
He was in the beginning with God.
3 Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.
All things came into being through Him, and apart from Him nothing that exists came into being.
4 Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.
In Him was Life, and that Life was the Light of men.
5 Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.
The Light shines in the darkness, and the darkness has not overpowered it.
6 Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.
There was a man sent from God, whose name was John.
7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
He came as a witness, in order that he might give testimony concerning the Light--so that all might believe through him.
8 Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.
He was not the Light, but he existed that he might give testimony concerning the Light.
9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
The true Light was that which illumines every man by its coming into the world.
10 Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.
He was in the world, and the world came into existence through Him, and the world did not recognize Him.
11 Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.
He came to the things that were His own, and His own people gave Him no welcome.
12 Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay,
But all who have received Him, to them--that is, to those who trust in His name--He has given the privilege of becoming children of God;
13 oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah.
who were begotten as such not by human descent, nor through an impulse of their own nature, nor through the will of a human father, but from God.
14 Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
And the Word came in the flesh, and lived for a time in our midst, so that we saw His glory--the glory as of the Father's only Son, sent from His presence. He was full of grace and truth.
15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
John gave testimony concerning Him and cried aloud, saying, "This is He of whom I said, 'He who is coming after me has been put before me,' for He was before me."
16 Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
For He it is from whose fulness we have all received, and grace upon grace.
17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
For the Law was given through Moses; grace and truth came through Jesus Christ.
18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
No human eye has ever seen God: the only Son, who is in the Father's bosom--He has made Him known.
19 Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?
This also is John's testimony, when the Jews sent to him a deputation of Priests and Levites from Jerusalem to ask him who he was.
20 Isagu waa qirtay, mana uu inkirin, oo wuxuu qirtay oo yidhi, Anigu ma ihi Masiixa.
He avowed--he did not conceal the truth, but avowed, "I am not the Christ."
21 Markaasay weyddiiyeen, Haddaba yaad tahay? Ma Eliyaas baad tahay? Wuxuuna yidhi, Ma ihi. Ma nebigii baad tahay? Wuxuuna ku jawaabay, Maya.
"What then?" they inquired; "are you Elijah?" "I am not," he said. "Are you the Prophet?" "No," he answered.
22 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?
So they pressed the question. "Who are you?" they said--"that we may take an answer to those who sent us. What account do you give of yourself?"
23 Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi.
"I am the voice," he replied, "of one crying aloud, 'Make straight the Lord's way in the Desert,' fulfilling the words of the Prophet Isaiah."
24 Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta.
They were Pharisees who had been sent.
25 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?
Again they questioned him. "Why then do you baptize," they said, "if you are neither the Christ nor Elijah nor the Prophet?"
26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin
"I baptize in water only," John answered, "but in your midst stands One whom you do not know--
27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo.
He who is to come after me, and whose sandal-strap I am not worthy to unfasten."
28 Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.
This conversation took place at Bethany beyond the Jordan, where John was baptizing.
29 Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.
The next day John saw Jesus coming towards him and exclaimed, "Look, that is the Lamb of God who is to take away the sin of the world!
30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
This is He about whom I said, 'After me is to come One who has been put before me, because He was before me.'
31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.
I did not yet know Him; but that He may be openly shown to Israel is the reason why I have come baptizing in water."
32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.
John also gave testimony by stating: "I have seen the Spirit coming down like a dove out of Heaven; and it remained upon Him.
33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.
I did not yet know Him, but He who sent me to baptize in water said to me, "'The One on whom you see the Spirit coming down, and remaining, He it is who baptizes in the Holy Spirit.'
34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
"This I have seen, and I have become a witness that He is the Son of God."
35 Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.
Again the next day John was standing with two of his disciples,
36 Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.
when he saw Jesus passing by, and said, "Look! that is the Lamb of God!"
37 Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.
The two disciples heard his exclamation, and they followed Jesus.
38 Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?
Then Jesus turned round, and seeing them following He asked them, "What is your wish?" "Rabbi," they replied--'Rabbi' means 'Teacher' --"where are you staying?"
39 Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.
"Come and you shall see," He said. So they went and saw where He was staying, and they remained and spent that day with Him. It was then about ten o'clock in the morning.
40 Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis.
Andrew, Simon Peter's brother, was one of the two who heard John's exclamation and followed Jesus.
41 Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kiristooska).
He first found his own brother Simon, and said to him, "We have found the Messiah!" --that is to say, the Anointed One.
42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros).
He brought him to Jesus. Jesus looked at him and said, "You are Simon, son of John: you shall be called Cephas" --that is to say, Peter (or 'Rock').
43 Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.
The next day, having decided to leave Bethany and go into Galilee, Jesus found Philip, and invited him to follow Him.
44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros.
(Now Philip came from Bethsaida, the same town as Andrew and Peter.)
45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf.
Then Philip found Nathanael, and said to him, "We have found him about whom Moses in the Law wrote, as well as the Prophets--Jesus, the son of Joseph, a man of Nazareth."
46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.
"Can anything good come out of Nazareth?" replied Nathanael. "Come and see," said Philip.
47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
Jesus saw Nathanael approaching, and said of him, "Look! here is a true Israelite, in whom there is no deceitfulness!"
48 Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.
"How do you know me?" Nathanael asked. "Before Philip called you," said Jesus, "when you were under the fig-tree I saw you."
49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil.
"Rabbi," cried Nathanael, "you are the Son of God, you are Israel's King!"
50 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn.
"Because I said to you, 'I saw you under the fig-tree,'" replied Jesus, "do you believe? You shall see greater things than that."
51 Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.
"I tell you all in most solemn truth," He added, "that you shall see Heaven opened wide, and God's angels going up, and coming down to the Son of Man."

< Yooxanaa 1 >