< Yoo'Eel 3 >

1 Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
Tazama, katika siku hizo na wakati huo, nitakaporudi mateka wa Yuda na Yerusalemu,
2 ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.
Nami nitakusanya mataifa yote, na kuwaleta mpaka bonde la Yehoshafati. Nitawahukumu huko, kwa sababu ya watu wangu na warithi wangu Israeli, ambao waliwatawanya kati ya mataifa, na kwa sababu waligawanya nchi yangu.
3 Oo iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan.
Wamepiga kura kwa ajili ya watu wangu, walinunua kijana kwa ajili ya kahaba, kuuza msichana kwa divai ili waweze kunywa.
4 Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa.
Sasa, kwa nini unanikasirikia, Tiro, Sidoni na mikoa yote ya Wafilisti? Je! mutanirudishia malipo? Hata kama mutanilipa, mara moja nitawarudishia malipo yenu juu ya vichwa vyenu wenyewe.
5 Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,
Kwa maana mumechukua fedha zangu na dhahabu zangu, nanyi mukachukua hazina zangu za thamani na kuzileta katika hekalu zenu.
6 oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed.
Mumewauza watu wa Yuda na Yerusalemu kwa Wayunani, ili kuwaondoa mbali na maeneo yao.
7 Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna,
Tazama, nitawaamsha, watoke mahali ambako muliwauza, na nitawarudishia malipo juu ya vichwa vyenu wenyewe.
8 oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
Nitawauza wana wako na binti zako, kwa mkono wa watu wa Yuda. Wao watawauza Sheba, kwa taifa mbali. Kwa maana Bwana amesema.
9 Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.
Tangaza hii kati ya mataifa, 'Jitayarisheni wenyewe kwa ajili ya vita, waamsheni mashujaa, waacheni wakaribie, mashujaa wote wa vita wapande juu.
10 Haddaba birtii marashiyadiinna seefo ka tunta, oo manjooyinkiinnana warmo ka tunta, oo kii itaal yaru ha yidhaahdo, Xoog baan leeyahay.
Yafueni majembe yenu kuwa panga na visu vyenu vya kuchongea kuwa mikuki. Basi wadhaifu waseme, 'Nina nguvu.'
11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
Haraka na mje, mataifa yote ya karibu, jikusanyeni pamoja huko. Ee Bwana, washushe mashujaa wako.
12 Haddaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan.
Naam, mataifa yajihimize yenyewe kuja hadi bonde la Yehoshafati. Kwa maana nitakaa huko kuhukumu mataifa yote ya jirani.
13 Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay.
Wekeni katiki mundu, kwa maana mavuno yameiva. Njoo, muponde zabibu, kwa ajiri pipa la divai limejaa. Vipuri vilivyofurika, kwa sababu uovu wao ni mkubwa sana.
14 Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.
Kuna mshtuko, mshtuko katika bonde la Hukumu. Kwa maana siku ya Bwana i karibu katika bonde la hukumu.
15 Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.
Jua na mwezi vinakuwa giza, nyota zimeacha kuangaza.
16 Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.
Bwana ataunguruma kutoka Sayuni, na kuinua sauti yake kutoka Yerusalemu. Mbingu na nchi zitatikisika, lakini Bwana atakuwa makao kwa ajili ya watu wake, na ngome kwa wana wa Israeli.
17 Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.
Kwa hiyo mtajua ya kuwa mimi ndimi Bwana, Mungu wenu, anayeishi Sayuni, mlima wangu mtakatifu. Kisha Yerusalemu itakuwa takatifu, na hakuna jeshi litaklozunguka tena.
18 Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.
Katika siku hiyo, milima itatayarisha divai nzuri, milima itatiririsha maziwa, miito yote ya Yuda itapita katikati ya maji, na chemchemi zitakuja kutoka nyumba ya Bwana na maji ya bonde la Shitimu.
19 Dulmigii dadka Yahuudah lagu sameeyey aawadeed ayaa dalka Masar cidlo noqon doonaa, oo dalka reer Edomna wuxuu ahaan doonaa lamadegaan abaar ah, maxaa yeelay, iyagu dhiig aan xaq qabin ayay dalkooda ku dhex daadiyeen.
Misri itakuwa ukiwa, na Edomu itakuwa jangwa tupu, kwa sababu ya vurugu iliyofanyika kwa watu wa Yuda, kwa sababu walimwaga damu isiyo na hatia katika nchi yao.
20 Laakiinse dadka Yahuudah weligiis wuu jiri doonaa, oo Yeruusaalemna way raagi doontaa ab ka ab.
Lakini Yuda utakua mwenyeji milele, na Yerusalemu itakuwa kizazi hata kizazi.
21 Oo waxaan u aari doonaa dhiiggoodii aanan hore ugu aarin, waayo, Rabbigu Buur Siyoon buu deggan yahay.
Nitawalipizia damu yao, ambayo sijajilipizia kisasi, kwa maana Bwana anaishi Sayuni.

< Yoo'Eel 3 >