< Yoo'Eel 3 >

1 Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
觀よ我ユダとヱルサレムの俘囚人を歸さん その日その時
2 ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.
萬國の民を集め之を携へてヨシヤパテの谷にくだりかしこにて我民我ゆづりの產なるイスラエルのために彼らをさばかん 彼らこれを國々に散してその地を分ち取りたればなり
3 Oo iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan.
彼らは籤をひきて我民を取り童子を娼妓に換へ童女を賣り酒に換て飮めり
4 Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa.
ツロ、シドンよベリシテのすべての國よ 汝ら我と何のかかはりあらんや 汝ら我がなししことに返をなさんとするや 若し我に返報をなさんとならば我忽ち迅速に汝らがなししことをもてその首に歸らしめん
5 Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,
是は汝らは我の金銀を取り我のしたふべき寶を汝らの宮にたづさへゆき
6 oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed.
またユダの人とヱルサレムの人をギリシヤ人に賣りてその本國より遠く離らせたればなり
7 Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna,
視よ我かられを起して汝らが賣りたる處より出し汝らがなししことをもてその首にかへらしめん
8 oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
我はなんぢらの男子女子をユダの人の手に賣り彼らは之を遠き民なるシバ人に賣らん ヱホバこれを言ふ
9 Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.
もろもろの國に宣つたへよ 戰爭の準備を爲し勇士をはげまし軍人をことごとくちかより來らしめよ
10 Haddaba birtii marashiyadiinna seefo ka tunta, oo manjooyinkiinnana warmo ka tunta, oo kii itaal yaru ha yidhaahdo, Xoog baan leeyahay.
汝等の鋤を劍に打かへ汝らの鎌を鎗に打かへよ 弱き者も我は強しと言へ
11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
四周の國々の民よ汝ら急ぎ上りて集れ ヱホバよ汝の勇士をかしこに降したまへ
12 Haddaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan.
國々の民よ起て上りヨシヤパテの谷に至れ 彼處に我座をしめて四周の國々の民をことごとく鞫かん
13 Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay.
鎌をいれよ 穀物は熟せり 來り踏めよ酒榨は盈ち甕は溢る 彼らの惡大なればなりと
14 Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.
かまびすしきかな無數の民審判の谷にありてかまびすし ヱホバの日審判の谷に近づくが故なり
15 Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.
日も月も暗くなり星その光明を失ふ
16 Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.
ヱホバ、シオンよりよびとどろかしヱルサレムより聲をはなち天地を震ひうごかしたまふ 然れどヱホバはその民の避所イスラエルの子孫の城となりたまはん
17 Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.
かくて汝ら我はヱホバ汝等の神にして我聖山シオンに住むことをしるべし ヱルサレムは聖き所となり他國の人は重ねてその中をかよふまじ
18 Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.
その日山にあたらしき酒滴り岡に乳流れユダのもろもろの河に水流れヱホバの家より泉水流れいでてシッテムの谷に灌がん
19 Dulmigii dadka Yahuudah lagu sameeyey aawadeed ayaa dalka Masar cidlo noqon doonaa, oo dalka reer Edomna wuxuu ahaan doonaa lamadegaan abaar ah, maxaa yeelay, iyagu dhiig aan xaq qabin ayay dalkooda ku dhex daadiyeen.
エジプトは荒すたれエドムは荒野とならん 是はかれらユダの子孫を虐げ辜なき者の血をその國に流したればなり
20 Laakiinse dadka Yahuudah weligiis wuu jiri doonaa, oo Yeruusaalemna way raagi doontaa ab ka ab.
されどユダは永久にすまひヱルサレムは世々に保たん
21 Oo waxaan u aari doonaa dhiiggoodii aanan hore ugu aarin, waayo, Rabbigu Buur Siyoon buu deggan yahay.
我さきにはかれらが流しし血の罪を報いざりしが今はこれをむくいん ヱホバ、シオンに住みたまはん

< Yoo'Eel 3 >