< Yoo'Eel 2 >

1 Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay.
Sonnez de la trompette en Sion! Faites-la retentir sur ma montagne sainte! Que tous les habitants du pays tremblent! Car le jour de l’Éternel vient, car il est proche,
2 Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan.
Jour de ténèbres et d’obscurité, Jour de nuées et de brouillards, Il vient comme l’aurore se répand sur les montagnes. Voici un peuple nombreux et puissant, Tel qu’il n’y en a jamais eu, Et qu’il n’y en aura jamais dans la suite des âges.
3 Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.
Devant lui est un feu dévorant, Et derrière lui une flamme brûlante; Le pays était auparavant comme un jardin d’Éden, Et depuis, c’est un désert affreux: Rien ne lui échappe.
4 Muuqashoodu waa sida muuq fardood oo kale, oo waxay u ordaan sida rag fardooley ah.
A les voir, on dirait des chevaux, Et ils courent comme des cavaliers.
5 Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.
A les entendre, on dirait un bruit de chars Sur le sommet des montagnes où ils bondissent, On dirait un pétillement de la flamme du feu, Quand elle consume le chaume. C’est comme une armée puissante Qui se prépare au combat.
6 Hortooda dadyowgu way wada gariirayaan, oo qof kastaba wejigiisa cabsi baa ka muuqanaysa.
Devant eux les peuples tremblent, Tous les visages pâlissent.
7 Iyagu waxay hore ugu ordayaan sida rag xoog badan, oo waxay derbiga u fuulayaan sida rag dagaalyahan ah, oo midkood waluba halkiisuu marayaa, oo kala leexan maayaan.
Ils s’élancent comme des guerriers, Ils escaladent les murs comme des gens de guerre; Chacun va son chemin, Sans s’écarter de sa route.
8 Oo midkoodna midka kale riixi maayo, oo midkood waluba wuxuu ku socdaa meeshiisa. Waxay ka dhex dusayaan hubka dagaalka oo innaba socodkooda kama joogsadaan.
Ils ne se pressent point les uns les autres, Chacun garde son rang; Ils se précipitent au travers des traits Sans arrêter leur marche.
9 Magaalada korkeeda ayay ku boodayaan, oo derbiga korkiisa ayay ku ordayaan, oo guryahay soo korayaan, oo sida tuug oo kale ayay daaqadaha ka soo galayaan.
Ils se répandent dans la ville, Courent sur les murailles, Montent sur les maisons, Entrent par les fenêtres comme un voleur.
10 Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.
Devant eux la terre tremble, Les cieux sont ébranlés, Le soleil et la lune s’obscurcissent, Et les étoiles retirent leur éclat.
11 Rabbiga ayaa codkiisa kaga hor hadlaya ciidankiisa, waayo, xeradiisu aad bay u weyn tahay, oo midka eraygiisa oofinayaa waa xoog badan yahay, waayo, Rabbiga maalintiisu waa weyn tahay, waana mid cabsi badan aad iyo aad, haddaba bal yaa u adkaysan kara?
L’Éternel fait entendre sa voix devant son armée; Car son camp est immense, Et l’exécuteur de sa parole est puissant; Car le jour de l’Éternel est grand, il est terrible: Qui pourra le soutenir?
12 Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.
Maintenant encore, dit l’Éternel, Revenez à moi de tout votre cœur, Avec des jeûnes, avec des pleurs et des lamentations!
13 Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa.
Déchirez vos cœurs et non vos vêtements, Et revenez à l’Éternel, votre Dieu; Car il est compatissant et miséricordieux, Lent à la colère et riche en bonté, Et il se repent des maux qu’il envoie.
14 Bal yaa garanaya inuu isagu soo jeesan doono oo soo noqon doono, iyo in kale, iyo inuu gadaashiisa kaga tegi doono barako, taasoo qurbaan hadhuudh ah iyo qurbaan cabniin ah oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixinaysaan?
Qui sait s’il ne reviendra pas et ne se repentira pas, Et s’il ne laissera pas après lui la bénédiction, Des offrandes et des libations pour l’Éternel, votre Dieu?
15 Siyoon buun ka dhex afuufa, oo soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa.
Sonnez de la trompette en Sion! Publiez un jeûne, une convocation solennelle!
16 Dadka soo ururiya, oo ururka quduus ka dhiga, oo odayaasha soo shiriya, oo carruurta soo ururiya, iyo xataa kuwa naasaha nuugaya. Aroosku qolkiisa ha ka soo baxo, oo aroosadduna ilxidhkeeda ha ka soo baxdo.
Assemblez le peuple, formez une sainte réunion! Assemblez les vieillards, Assemblez les enfants, Même les nourrissons à la mamelle! Que l’époux sorte de sa demeure, Et l’épouse de sa chambre!
17 Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?
Qu’entre le portique et l’autel Pleurent les sacrificateurs, Serviteurs de l’Éternel, Et qu’ils disent: Éternel, épargne ton peuple! Ne livre pas ton héritage à l’opprobre, Aux railleries des nations! Pourquoi dirait-on parmi les peuples: Où est leur Dieu?
18 Markaasaa Rabbigu u hinaasay dalkiisii, oo dadkiisuu u naxay.
L’Éternel est ému de jalousie pour son pays, Et il épargne son peuple.
19 Oo Rabbigu waa u jawaabay dadkiisii oo wuxuu ku yidhi, Bal ogaada, waxaan idiin soo dirayaa hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, oo idinkuna waxaasaad ka dhergi doontaan, oo anna mar dambe quruumaha dhexdooda wax la caayo idinkaga dhigi maayo.
L’Éternel répond, il dit à son peuple: Voici, je vous enverrai du blé, Du moût et de l’huile, Et vous en serez rassasiés; Et je ne vous livrerai plus à l’opprobre parmi les nations.
20 Laakiinse waan idinka fogayn doonaa ciidanka woqooyi, oo isaga waxaan ku eryi doonaa dal abaar iyo cidlo ah, oo qaybtiisa hore waxaan geeyn doonaa badda bari, oo qaybtiisa dambena waxaan geeyn doonaa badda galbeed, oo waxaa kor u soo bixi doona qudhunkiisa, oo uurkiisa xumuna wuu soo kici doonaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.
J’éloignerai de vous l’ennemi du nord, Je le chasserai vers une terre aride et déserte, Son avant-garde dans la mer orientale, Son arrière-garde dans la mer occidentale; Et son infection se répandra, Sa puanteur s’élèvera dans les airs, Parce qu’il a fait de grandes choses.
21 Haddaba dal yahow, ha baqin, laakiinse farax, oo reyree, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.
Terre, ne crains pas, Sois dans l’allégresse et réjouis-toi, Car l’Éternel fait de grandes choses!
22 Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.
Bêtes des champs, ne craignez pas, Car les plaines du désert reverdiront, Car les arbres porteront leurs fruits, Le figuier et la vigne donneront leurs richesses.
23 Haddaba reer Siyoonay, farxa oo Rabbiga Ilaahiinna ah ku reyreeya, waayo, roobkii hore buu si xaq ah idiin siiyey, oo wuxuu idiin di'iyey roob, intii hore iyo intii dambeba sidii markii hore.
Et vous, enfants de Sion, soyez dans l’allégresse et réjouissez-vous En l’Éternel, votre Dieu, Car il vous donnera la pluie en son temps, Il vous enverra la pluie de la première et de l’arrière-saison, Comme autrefois.
24 Oo goobaha wax lagu tumo waxaa ka buuxsami doona sarreen, oo macsarooyinkuna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri iyo saliid.
Les aires se rempliront de blé, Et les cuves regorgeront de moût et d’huile.
25 Oo waxaan idiin soo celin doonaa waxa ay sannadihii idinka cuneen ayaxa, iyo laddaaga, iyo diirta, iyo koronkorradu, kuwaas oo ahaa ciidankii weynaa oo aan idiin soo diray.
Je vous remplacerai les années Qu’ont dévorées la sauterelle, Le jélek, le hasil et le gazam, Ma grande armée que j’avais envoyée contre vous.
26 Oo idinku wax badan baad cuni doontaan oo waad dhergi doontaan, oo waxaad ammaani doontaan magaca Rabbiga Ilaahiinna ah oo waxa yaabka badan idiin sameeyey, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.
Vous mangerez et vous vous rassasierez, Et vous célébrerez le nom de l’Éternel, votre Dieu, Qui aura fait pour vous des prodiges; Et mon peuple ne sera plus jamais dans la confusion.
27 Oo markaas waxaad ogaan doontaan inaan dadka Israa'iil dhex joogo, iyo inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan ilaah kale jirin, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.
Et vous saurez que je suis au milieu d’Israël, Que je suis l’Éternel, votre Dieu, et qu’il n’y en a point d’autre, Et mon peuple ne sera plus jamais dans la confusion.
28 Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan,
Après cela, je répandrai mon esprit sur toute chair; Vos fils et vos filles prophétiseront, Vos vieillards auront des songes, Et vos jeunes gens des visions.
29 oo weliba maalmahaas addoommada rag iyo dumarba ruuxaygaan ku shubi doonaa.
Même sur les serviteurs et sur les servantes, Dans ces jours-là, je répandrai mon esprit.
30 Oo waxaan samooyinka iyo dhulkaba ka muujin doonaa yaabab, kuwaasoo ah dhiig, iyo dab, iyo tiirar qiiq ah.
Je ferai paraître des prodiges dans les cieux et sur la terre, Du sang, du feu, et des colonnes de fumée;
31 Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, intaanay iman maalinta Rabbiga oo weyn oo cabsida badanu.
Le soleil se changera en ténèbres, Et la lune en sang, Avant l’arrivée du jour de l’Éternel, De ce jour grand et terrible.
32 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku barya uu samatabbixi doono, waayo, Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, iyo kuwa hadhay oo Rabbigu u yeedhayba waxaa jiri doona kuwo u baxsada sidii Rabbigu yidhi.
Alors quiconque invoquera le nom de l’Éternel sera sauvé; Le salut sera sur la montagne de Sion et à Jérusalem, Comme a dit l’Éternel, Et parmi les réchappés que l’Éternel appellera.

< Yoo'Eel 2 >