< Ayuub 9 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Kisha Ayubu akajibu na kusema,
2 Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?
“kweli najua kwamba ndivyo hivyo. Lakini ni kwa namna gani mtu anakuwa na haki kwa Mungu?
3 Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.
Kama akitaka kujibishana na Mungu, hatamjibu yeye mara moja katika elfu zaidi.
4 Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?
Mungu ni mwenye hekima moyoni na ukuu katika nguvu; ni nani daima aliyejifanya mwenyewe kuwa mgumu dhidi yake na akafanikiwa? -
5 Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.
ambaye huiondoa milima bila kumtahadharisha yeyote wakati akiipindua katika hasira zake -
6 Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
ambaye huitikisa nchi itoke mahali pake na mihimili yake hutikisika.
7 Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa.
Ni Mungu yule yule ambaye huliamuru jua lisichomoze, nalo halichomozi, na ambaye huzihifadhi nyota,
8 Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.
ambaye peke yake ni mwenye kupanua mbingu na kuyatuliza mawimbi ya bahari,
9 Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada, Iyo xiddigaha koonfureed.
ambaye huumba Dubu, Orioni, kilima, na makundi ya nyota ya kusini.
10 Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.
Ni Mungu yule yule atendaye mambo makuu, mambo yasiyofahamika - hasa, mambo ya ajabu yasiyohesabika.
11 Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.
Tazama, huenda karibu nami, na siwezi kumuona yeye; pia hupita kwenda mbele, lakini ni simtambue.
12 Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
Kama akichukua kitu chochote, nani atamzuia? Nani awezaye kumuuliza, 'unafanya nini?'
13 Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.
Mungu hataondoa hasira yake; wamsaidiao Rahabu huinama chini yake.
14 Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?
Je ni upungufu kiasi gani mimi nitamjibu, je nichague maneno kuhojiana naye?
15 In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.
Hata kama ni mwenye haki, nisingelimjibu; ningeomba msamaha tu kwa hukumu yangu.
16 Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.
Hata kama ningelimwita na yeye akanitikia, nisingeamini kuwa ameisikia sauti yangu.
17 Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.
kwa kuwa yeye anidhoofishaye kwa dhoruba na kuyaongeza majeraha yangu pasipo sababu.
18 Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.
Yeye hataki hata kuniruhusu nipate kuvuta pumzi; badala yake, hunijaza uchungu.
19 Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?
Kama ni habari ya nguvu, tazama! yeye ni mwenye uwezo! Kama ni habari ya haki, ni nani atakaye mhukumu?
20 In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
Ingawa ni mwenye haki, kinywa changu mwenyewe kitanihukumu; na ingawa ni mtakatifu, maneno yangu yatashuhudia kuwa ni mwenye kosa.
21 Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa.
Mimi ni mtakatifu, lakini siijali zaidi nafsi yangu; Naudharau uhai wangu mwenyewe.
22 Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.
Haileti tofauti yoyote, kwa sababu hiyo nasema kwamba yeye huangamiza watu wasio na makosa na waovu pia.
23 Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.
Kama hilo pigo likiua ghafla, yeye atafurahi mateso yake mtu asiye na kosa.
24 Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?
Dunia imetiwa mkononi mwa watu waovu; Mungu hufunika nyuso za waamuzi wake. kama si yeye hufanya, ni nani basi?
25 Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.
Siku zangu zinapita haraka kuliko tarishi akimbiae; siku zangu zinakimbia mbali; wala hazioni mema mahali popote.
26 Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.
Zinapita kama mashua zilizoundwa kwa mafunjo ziendazo kwa kasi, na zinakasi kama tai ashukaye upesi katika mawindo yake.
27 Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,
Kama ni kisema kwamba mimi nitasahau kuhusu manung'uniko yangu, kwamba nitaacha kuonyesha sura ya huzuni na kuwa na furaha,
28 Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.
Mimi nitaziogopa huzuni zangu zote kwa sababu nafahamu kuwa hutanihesabu kuwa sina hatia.
29 Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?
Nitahukumiwa; kwa nini, basi, nitaabike bure?
30 Haddaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,
Kama najiosha mwenyewe kwa maji ya theluji na kuitakasa mikono yangu na kuwa safi zaidi,
31 Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.
Mungu atanitumbukiza shimoni, na nguo zangu mwenyewe zitanichukia.
32 Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.
Kwa kuwa Mungu si mtu, kama mimi, kwamba naweza kumjibu, hata tukaribiane katika hukumu.
33 Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.
Hakuna hakimu baina yetu awezaye kuweka mkono wake juu yetu sote.
34 Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.
Hakuna hakimu mwingine ambaye anaweza kuniondolea fimbo ya Mungu, awezaye kuzuia kitisho chake kisinitie hofu. kisha ningesema na nisimuogope.
35 Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.
Lakini kama mambo yalivyo sasa, sitaweza kufanya hivyo.

< Ayuub 9 >