< Ayuub 9 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Then Job answered and said,
2 Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?
Of a truth I know that it is so. But how can man be just with God?
3 Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.
If he is pleased to contend with him, he cannot answer him one of a thousand.
4 Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?
He is wise in heart, and mighty in strength. Who has hardened himself against him, and prospered?
5 Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.
He who removes the mountains, and they do not know it when he overturns them in his anger,
6 Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
who shakes the earth out of its place, and the pillars of it tremble,
7 Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa.
who commands the sun, and it does not rise, and seals up the stars,
8 Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.
who alone stretches out the heavens, and treads upon the waves of the sea,
9 Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada, Iyo xiddigaha koonfureed.
who makes the Bear, Orion, and the Pleiades, and the chambers of the south,
10 Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.
who does great things past finding out, yea, marvelous things without number.
11 Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.
Lo, he goes by me, and I do not see him. He also passes on, but I do not perceive him.
12 Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
Behold, he seizes; who can hinder him? Who will say to him, What are thou doing?
13 Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.
God will not withdraw his anger. The helpers of Rahab stoop under him.
14 Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?
How much less shall I answer him, and choose out my words to reason with him?
15 In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.
Whom, though I were righteous, yet I would not answer. I would make supplication to my judge.
16 Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.
If I had called, and he had answered me, yet I would not believe that he hearkened to my voice.
17 Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.
For he breaks me with a tempest, and multiplies my wounds without cause.
18 Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.
He will not allow me to take my breath, but fills me with bitterness.
19 Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?
If of strength, lo, he is mighty! And if of justice, who will summon me?
20 In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
Though I be righteous, my own mouth shall condemn me. Though I be perfect, it shall prove me perverse.
21 Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa.
Though I were perfect, I do not regard myself. I despise my life.
22 Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.
It is all one thing. Therefore I say, He destroys the perfect and the wicked.
23 Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.
If the scourge kills suddenly, he will laugh at the trial of the innocent.
24 Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?
The earth is given into the hand of the wicked. He covers the faces of the judges of it. If not he, who then is it?
25 Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.
Now my days are swifter than a runner. They flee away. They see no good,
26 Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.
They are passed away as the swift ships, as the eagle that swoops on the prey.
27 Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,
If I say, I will forget my complaint. I will put off my sad countenance, and be of good cheer,
28 Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.
I am afraid of all my sorrows. I know that thou will not hold me innocent.
29 Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?
I shall be condemned. Why then do I labor in vain?
30 Haddaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,
If I wash myself with snow water, and make my hands ever so clean,
31 Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.
yet thou will plunge me in the ditch, and my own clothes shall abhor me.
32 Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.
For he is not a man, as I am, that I should answer him, that we should come together in judgment.
33 Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.
There is no umpire between us who might lay his hand upon us both.
34 Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.
Let him take his rod away from me, and let not his terror make me afraid.
35 Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.
Then I would speak, and not be afraid of him, for I am not so in myself.

< Ayuub 9 >