< Ayuub 8 >
1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
书亚人比勒达回答说:
2 Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
这些话你要说到几时? 口中的言语如狂风要到几时呢?
3 War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
神岂能偏离公平? 全能者岂能偏离公义?
4 Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.
或者你的儿女得罪了他; 他使他们受报应。
5 Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
你若殷勤地寻求 神, 向全能者恳求;
6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
你若清洁正直, 他必定为你起来, 使你公义的居所兴旺。
7 Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
你起初虽然微小, 终久必甚发达。
8 Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
请你考问前代, 追念他们的列祖所查究的。
9 (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
我们不过从昨日才有,一无所知; 我们在世的日子好像影儿。
10 War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
他们岂不指教你,告诉你, 从心里发出言语来呢?
11 War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
蒲草没有泥岂能发长? 芦荻没有水岂能生发?
12 Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
尚青的时候,还没有割下, 比百样的草先枯槁。
13 Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
凡忘记 神的人,景况也是这样; 不虔敬人的指望要灭没。
14 Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
他所仰赖的必折断; 他所倚靠的是蜘蛛网。
15 Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
他要倚靠房屋,房屋却站立不住; 他要抓住房屋,房屋却不能存留。
16 Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
他在日光之下发青, 蔓子爬满了园子;
17 Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
他的根盘绕石堆, 扎入石地。
18 Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
他若从本地被拔出, 那地就不认识他,说: 我没有见过你。
19 Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.
看哪,这就是他道中之乐; 以后必另有人从地而生。
20 Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo.
神必不丢弃完全人, 也不扶助邪恶人。
21 Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,
他还要以喜笑充满你的口, 以欢呼充满你的嘴。
22 Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.
恨恶你的要披戴惭愧; 恶人的帐棚必归于无有。