< Ayuub 6 >

1 Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
Əyyub belə cavab verdi:
2 Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa, Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
«Kaş bu dərdim çəkiləydi, Bütün ağrılarım tərəziyə qoyulaydı.
3 Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
Onda dənizlərin qumundan ağır gələrdi, Ona görə tez bu sözləri dedim.
4 Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira, Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa, Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
Həqiqətən, Külli-İxtiyarın oxları köksümdədir, Ruhum onların zəhərlərini içir. Allahın dəhşətləri mənə hücum çəkir.
5 Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
Ot olanda vəhşi eşşək anqırarmı? Yem tapanda öküz heç böyürərmi?
6 Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa? Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
Duzsuz, şit yeməyi yemək olarmı? Yumurta ağının dadı varmı?
7 Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
Belə yeməklərə əl vurmaq istəmirəm, Onlardan iyrənirəm.
8 Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
Kaş arzuma çataydım, Allah mənə həsrətində olduğumu verəydi,
9 Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
Lütf edib məni əzsə belə, Əldən cəld olub həyatımın bağını kəssə belə,
10 Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.
Mən yenə ovunardım, Bu amansız dərdimə baxmayaraq Müqəddəs Olanın sözlərini inkar etmədiyimə görə sevinərdim.
11 Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
Nə gücüm var ki, gözləyim? Sonum nə qədərdir ki, səbir edim?
12 War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
Daş qədər güclüyəmmi? Ətim tuncdandırmı?
13 War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?
Əlacsız qalanda Özümə kömək etməyə gücüm çatarmı?
14 Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.
İnsan Külli-İxtiyarın qorxusundan vaz keçsə belə, Çarəsiz qalanda ona dostun sədaqəti gərəkdir.
15 Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale, Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,
Qardaşlarım mənə bir vadi kimi xəyanət etdi, Çaylar kimi axıb getdi.
16 Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.
Bu vadilər buzlar əriyəndə daşar, Qar suları ilə dolar.
17 Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.
Bu vadilər quraq vaxtı quruyar, İstidə yataqlarından yox olar.
18 Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
Bu vadilərə görə karvanlar yolunu azar, Səhraya çıxanda həlak olar.
19 Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
Temanın karvanları su axtarar, Səbadan gələn səyyahlar ora ümid bağlar.
20 Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
Amma ora çatanda ümid bağladıqlarına peşman olar, Mat-məəttəl qalar.
21 Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
İndi siz də mənim üçün bir heç olmusunuz, Bu dəhşətə baxıb qorxursunuz.
22 Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
Mən demişəmmi “Mənə nəyisə verin, Var-dövlətinizdən mənə rüşvət göndərin?
23 Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
Yaxud da məni düşmən əlindən qurtarın, Zalımların əlindən azad edin?”
24 Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
Mən susum, siz mənə öyrədin, Nə səhv etmişəmsə, mənə göstərin.
25 Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
Doğru söz kəsərli olar, Sizin bu iradınız bəs nəyi sübut edir?
26 Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
Niyə sözlərimi qınamaq istəyirsiniz? Niyə mən biçarənin dediyini boşboğazlıq sanırsınız?
27 Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
Yetim üçün belə, püşk atırsınız, Dostunuzu satırsınız.
28 Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
İndi lütf edib mənə baxın, Bax mən üzünüzə ağ yalan demərəm.
29 Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
Atın haqsızlığı, haqsızlıq etməyin, Düşünün ki, bu davada mən haqlıyam.
30 War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?
Dilimdən haqsız söz çıxırmı? Pis şeyləri ağzıma alırammı?

< Ayuub 6 >