< Ayuub 5 >

1 Hadda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa? Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?
請ふなんぢ龥びて看よ 誰か汝に應ふる者ありや 聖者の中にて誰に汝むかはんとするや
2 Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.
夫愚なる者は憤恨のために身を殺し 癡き者は嫉媢のために己を死しむ
3 Anba waxaan arkay nacas xidid yeeshay. Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii.
我みづから愚なる者のその根を張るを見たりしがすみやかにその家を詛へり
4 Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa.
その子等は助援を獲ることなく 門にて惱まさる 之を救ふ者なし
5 Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.
その穡とれる物は饑たる人これを食ひ 荊棘の籬の中にありてもなほ之を奪ひいだし 羂をその所有物にむかひて口を張る
6 Waayo, belaayo kama soo baxdo ciidda, Dhibaatona kama soo dhex booddo dhulka,
災禍は塵より起らず 艱難は土より出ず
7 Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
人の生れて艱難をうくるは火の子の上に飛がごとし
8 Aniguse Ilaah baan baryi lahaa, Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,
もし我ならんには我は必らず神に告求め 我事を神に任せん
9 Kaasoo sameeya waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Iyo waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin,
神は大にして測りがたき事を行ひたまふ 其不思議なる事を爲たまふこと數しれず
10 Oo dhulka roob ku di'iya, Beerahana biyo u soo dira.
雨を地の上に降し 水を野に遣り
11 Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.
卑き者を高く擧げ 憂ふる者を引興して幸福ならしめたまふ
12 Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.
神は狡しき者の謀計を敗り 之をして何事をもその手に成就ること能はざらしめ
13 Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.
慧き者をその自分の詭計によりて執へ 邪なる者の謀計をして敗れしむ
14 Oo maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.
彼らは晝も暗黑に遇ひ 卓午にも夜の如くに摸り惑はん
15 Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda, Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.
神は惱める者を救ひてかれらが口の劍を免かれしめ 強き者の手を免かれしめたまふ
16 Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay, Xumaantuse afkeeday xidhaa.
是をもて弱き者望あり 惡き者口を閉づ
17 Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
神の懲したまふ人は幸福なり 然ば汝全能者の儆責を輕んずる勿れ
18 Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
神は傷け又裹み 撃ていため又その手をもて善醫したまふ
19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.
彼はなんぢを六の艱難の中にて救ひたまふ 七の中にても災禍なんぢにのぞまじ
20 Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.
饑饉の時にはなんぢを救ひて死を免れしめ 戰爭の時には劍の手を免れしめたまふ
21 Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.
汝は舌にて鞭たるる時にも隱るることを得 壞滅の來る時にも懼るること有じ
22 Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.
汝は壞滅と饑饉を笑ひ地の獸をも懼るること無るべし
23 Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.
田野の石なんぢと相結び野の獸なんぢと和がん
24 Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.
汝はおのが幕屋の安然なるを知ん 汝の住處を見まはるに缺たる者なからん
25 Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.
汝また汝の子等の多くなり 汝の裔の地の草の如くになるを知ん
26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
汝は遐齡におよびて墓にいらん 宛然麥束を時にいたりて運びあぐるごとくなるべし
27 Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.
視よ我らが尋ね明めし所かくのごとし 汝これを聽て自ら知れよ

< Ayuub 5 >