< Ayuub 42 >

1 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Entonces respondió Job a Yahvé, y dijo:
2 Waan ogahay inaad wax walba kartid, Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin.
“Sé que todo lo puedes; para Ti ningún plan es irrealizable.
3 Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.
¿Quién es este que imprudentemente oscurece el plan (divino)? (Soy yo); he hablado temerariamente de las maravillas superiores a mí y que yo ignoraba.
4 Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.
«Escucha, pues, y Yo hablaré; Yo preguntaré, y tú me instruirás.»
5 Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
Solo de oídas te conocía; mas ahora te ven mis ojos.
6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
Por eso me retracto y me arrepiento, envuelto en polvo y ceniza.”
7 Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
Después que Yahvé hubo dicho estas palabras a Job, dijo a Elifaz temanita: “Estoy irritado contra ti y contra tus dos amigos, porque no habéis hablado de Mí rectamente, como mi siervo Job.
8 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
Ahora tomad siete becerros y siete carneros, e id a mi siervo Job, y ofreced por vosotros un holocausto. Mi siervo Job orará por vosotros, y Yo aceptaré su intercesión, de modo que no os haré mal por no haber hablado de Mí rectamente como mi siervo Job.
9 Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.
Fueron, pues, Elifaz temanita, Bildad suhita y Sofar naamatita, e hicieron como Yahvé les había mandado. Y Yahvé aceptó los ruegos de Job.
10 Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood.
Después Yahvé restableció a Job en su primer estado, mientras este oraba por sus amigos; y Yahvé dio a Job el doble de todo cuanto había poseído.
11 Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.
Le visitaron también todos sus hermanos y todas sus hermanas, y sus antiguos amigos, y comieron con él en su casa. Se condolieron con él, y le consolaron por todos los males que Yahvé le había enviado, dándole cada uno una kesita y un anillo de oro.
12 Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.
Yahvé bendijo los postreros tiempos de Job más que los primeros, y llegó a tener catorce mil ovejas, seis mil camellos, mil yuntas de bueyes y mil asnas.
13 Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.
Tuvo también siete hijos y tres hijas.
14 Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug.
A la primera le puso por nombre Jemimá, y a la segunda Kesiá, y a la tercera Keren Happuk.
15 Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey.
No se hallaron en toda aquella tierra mujeres tan hermosas como las hijas de Job; y les dio su padre herencia entre sus hermanos.
16 Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah.
Job vivió después de esto ciento cuarenta años; y vio a sus hijos y a los hijos de sus hijos hasta la cuarta generación.
17 Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.
Y murió Job anciano y colmado de días.

< Ayuub 42 >