< Ayuub 41 >

1 War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
네가 능히 낚시로 악어를 낚을 수 있겠느냐 노끈으로 그 혀를 맬수 있겠느냐
2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
줄로 그 코를 꿸 수 있겠느냐 갈고리로 그 아가미를 꿸 수 있겠느냐
3 Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa? Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
그것이 어찌 네게 연속 간구하겠느냐 유순한 말로 네게 이야기하겠느냐
4 Ma axdi buu kula dhigan doonaa, Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
어찌 너와 계약하고 영영히 네 종이 되겠느냐
5 Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
네가 어찌 새를 놀리는것 같이 그것을 놀리겠으며 네 소녀들을 위하여 그것을 매어 두겠느냐
6 Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan? Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
어찌 어부의 떼가 그것으로 상품을 삼아 상고들 가운데 나눌 수 있겠느냐
7 Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
네가 능히 창으로 그 가죽을 찌르거나 작살로 그 머리를 찌를 수 있겠느냐
8 Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
손을 그것에게 좀 대어 보라 싸울 일이 생각나서 다시는 아니하리라
9 Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
잡으려는 소망은 헛것이라 그것을 보기만 하여도 낙담하지 않겠느냐
10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
아무도 그것을 격동시킬 용맹이 없거든 능히 나를 당할 자가 누구냐
11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa? Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
누가 먼저 내게 주고 나로 갚게 하였느냐 온 천하에 있는 것이 다 내 것이니라
12 Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa, Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.
내가 악어의 지체와 큰 힘과 훌륭한 구조에 대하여 잠잠치 아니하리라
13 Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
누가 그 가죽을 벗기겠으며 그 아가미 사이로 들어가겠는고
14 Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara? Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
누가 그 얼굴의 문을 열 수 있을까 그 두루 있는 이가 두렵구나
15 Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro, Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.
견고한 비늘은 그의 자랑이라 서로 연함이 봉한 것 같구나
16 Midba midda kale way ku dhow dahay, Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.
이것 저것이 한데 붙었으니 바람도 그 사이로 들어가지 못하겠고
17 Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.
서로 연하여 붙었으니 능히 나눌 수도 없구나
18 Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin, Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.
그것이 재채기를 한즉 광채가 발하고 그 눈은 새벽 눈꺼풀이 열림같으며
19 Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya, Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.
그 입에서는 횃불이 나오고 불똥이 뛰어나며
20 Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.
그 콧구멍에서는 연기가 나오니 마치 솥이 끓는 것과 갈대의 타는 것 같구나
21 Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
그 숨이 능히 숯불을 피우니 불꽃이 그 입에서 나오며
22 Luquntiisu xoog bay leedahay, Oo cabsina hortiisay ku booddaa.
힘이 그 목에 뭉키었고 두려움이 그 앞에서 뛰는구나
23 Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin, Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.
그 살의 조각들이 서로 연하고 그 몸에 견고하여 움직이지 아니하며
24 Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale, Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.
그 마음이 돌 같이 단단하니 그 단단함이 맷돌 아랫짝 같구나
25 Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.
그것이 일어나면 용사라도 두려워하며 경겁하여 창황하며
26 In kastoo lagula kaco seef, Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
칼로 칠지라도 쓸데없고 창이나 살이나 작살도 소용이 없구나
27 Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale, Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
그것이 철을 초개 같이, 놋을 썩은 나무 같이 여기니
28 Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
살이라도 그것으로 도망하게 못하겠고 물매돌도 그것에게는 겨같이 여기우는구나
29 Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale, Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.
몽둥이도 검불 같이 보고 창을 던짐을 우습게 여기며
30 Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan, Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.
그 배 아래는 날카로운 와륵 같으니 진흙 위에 타작 기계 같이 자취를 내는구나
31 Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale, Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
깊은 물로 솥의 물이 끓음 같게 하며 바다로 젖는 향기름 같게 하고
32 Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
자기 뒤에 광채나는 길을 내니 사람의 보기에 바닷물이 백발 같구나
33 Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale, Oo cabsila'aan la abuuray.
땅 위에는 그것 같은 것이 없나니 두려움 없게 지음을 받았음이라
34 Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.
모든 높은 것을 낮게 보고 모든 교만한 것의 왕이 되느니라

< Ayuub 41 >