< Ayuub 40 >

1 Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
上主又接著問約伯說:
2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
好辯之士,豈能同全能者辯論﹖非難天主的,請答覆這一切!
3 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
約伯回答上主說:「
4 Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.
看,我這麼卑賤,我能回答什麼﹖只好用手掩口。
5 Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
我說過一次,再不敢重複;我再說一次:我不敢再說什麼! 」
6 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
上主由旋風中回答約伯說:
7 Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
你要像勇士束好腰,我要問你,請指教我。
8 War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
你豈能推翻我的評斷,歸罪於我,而自以為有理﹖
9 Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
你的手臂豈能同天主的相比﹖你的聲音,那能像雷鳴﹖
10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
請你以尊貴和高雅作你的點綴,以光華美麗作你的衣裳;
11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
發洩你的烈怒,貶抑一切高傲的人;
12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
視察一切傲慢的人,且加以制服,推翻惡人所處的地位;
13 Dhammaantood ciidda ku qari, Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
將他們一同埋在土中,把他們都關在黑暗中!
14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
如果你能這樣作,我也要稱讚你,因為你的右手救護了你。
15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
且看河馬,牠同你都是我造成的,牠像牛一樣吃草。
16 Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda, Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
牠的精力全在腰部,牠的力量是在腹部的肌肉;
17 Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale, Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
牠挺起尾巴好像香柏,大腿上的筋聯結在一起;
18 Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah; Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
牠的脊骨好似銅管,牠的骨骸有如鐵杠。
19 Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
牠是天主的傑作,造牠者賜給了牠利刃。
20 Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
群山供給牠食物,百獸在那裏同牠遊戲。
21 Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan, Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
牠臥在蓮葉之下,躺在蘆葦和沼澤深處;
22 Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya, Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
蓮葉的蔭影遮蔽著牠,溪邊的楊柳掩護著牠。
23 Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto, In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.
河水漲溢之時,牠毫不戰慄;約但河漲到牠口邊,牠仍安寧。
24 Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda? Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?
誰能在牠目前捕捉牠,或以木橛穿透牠的鼻孔﹖

< Ayuub 40 >