< Ayuub 39 >

1 War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
הידעת--עת לדת יעלי-סלע חלל אילות תשמר
2 Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
תספר ירחים תמלאנה וידעת עת לדתנה
3 Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan.
תכרענה ילדיהן תפלחנה חבליהם תשלחנה
4 Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
יחלמו בניהם ירבו בבר יצאו ולא-שבו למו
5 Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
מי-שלח פרא חפשי ומסרות ערוד מי פתח
6 Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
אשר-שמתי ערבה ביתו ומשכנותיו מלחה
7 Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
ישחק להמון קריה תשאות נגש לא ישמע
8 Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
יתור הרים מרעהו ואחר כל-ירוק ידרוש
9 Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
היאבה רים עבדך אם-ילין על-אבוסך
10 Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
התקשר-רים בתלם עבתו אם-ישדד עמקים אחריך
11 Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
התבטח-בו כי-רב כחו ותעזב אליו יגיעך
12 Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno, Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?
התאמין בו כי-ישוב (ישיב) זרעך וגרנך יאסף
13 Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?
כנף-רננים נעלסה אם-אברה חסידה ונצה
14 Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa,
כי-תעזב לארץ בציה ועל-עפר תחמם
15 Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.
ותשכח כי-רגל תזורה וחית השדה תדושה
16 Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,
הקשיח בניה ללא-לה לריק יגיעה בלי-פחד
17 Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin.
כי-השה אלוה חכמה ולא-חלק לה בבינה
18 Oo markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.
כעת במרום תמריא תשחק לסוס ולרכבו
19 War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
התתן לסוס גבורה התלביש צוארו רעמה
20 War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
התרעישנו כארבה הוד נחרו אימה
21 Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
יחפרו בעמק וישיש בכח יצא לקראת-נשק
22 Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.
ישחק לפחד ולא יחת ולא-ישוב מפני-חרב
23 Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
עליו תרנה אשפה להב חנית וכידון
24 Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.
ברעש ורגז יגמא-ארץ ולא-יאמין כי-קול שופר
25 Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu "Haw" yidhaahdaa, Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa, Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.
בדי שפר יאמר האח-- ומרחוק יריח מלחמה רעם שרים ותרועה
26 Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?
המבינתך יאבר-נץ יפרש כנפו לתימן
27 Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?
אם-על-פיך יגביה נשר וכי ירים קנו
28 Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
סלע ישכן ויתלנן-- על שן-סלע ומצודה
29 Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa, Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.
משם חפר-אכל למרחוק עיניו יביטו
30 Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan, Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.
ואפרחו יעלעו-דם ובאשר חללים שם הוא

< Ayuub 39 >