< Ayuub 38 >

1 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
Kisha Bwana akamjibu Ayubu kutoka upepo wa kisulisuli. Akasema:
2 Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?
“Nani huyu atiaye mashauri yangu giza kwa maneno yasiyo na maarifa?
3 Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
Jikaze kama mwanaume; nitakuuliza swali, nawe unijibu.
4 Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
“Ulikuwa wapi nilipoweka misingi ya dunia? Niambie, kama unafahamu.
5 Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
Ni nani aliyeweka alama vipimo vyake? Hakika wewe unajua! Ni nani aliyenyoosha kamba ya kupimia juu yake?
6 Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
Je, misingi yake iliwekwa juu ya nini, au ni nani aliyeweka jiwe la pembeni,
7 Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
wakati nyota za asubuhi zilipoimba pamoja, na malaika wote walipokuwa wakipiga kelele kwa furaha?
8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,
“Ni nani aliyeifungia bahari milango ilipopasuka kutoka tumbo,
9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
nilipoyafanya mawingu kuwa vazi lake, na kuyafungia katika giza nene,
10 Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
nilipoamuru mipaka yake, na kuiweka milango yake na makomeo mahali pake,
11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
niliposema, ‘Unaweza kufika mpaka hapa wala si zaidi; hapa ndipo mawimbi yako yenye kiburi yatakapokomea’?
12 Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
“Umepata kuiamrisha asubuhi ipambazuke, au kuyaonyesha mapambazuko mahali pake,
13 Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
yapate kushika miisho ya dunia, na kuwakungʼuta waovu waliomo?
14 Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
Dunia hubadilika kama udongo wa mfinyanzi chini ya lakiri; sura yake hukaa kama ile ya vazi.
15 Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
Waovu huzuiliwa nuru yao, nao mkono wao ulioinuliwa huvunjwa.
16 Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
“Je, umepata kufika kwenye chemchemi za bahari? Au kutembea mahali pa ndani pa vilindi?
17 Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
Umewahi kuonyeshwa malango ya mauti? Umewahi kuiona milango ya uvuli wa mauti?
18 Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
Je, wewe unafahamu ukubwa wa dunia? Niambie kama unajua haya yote.
19 Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
“Njia ya kufika kwenye makao ya nuru ni ipi? Nako maskani mwa giza ni wapi?
20 Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
Je, unaweza kuvirudisha kwenye makao yake? Unajua njia za kufika maskani mwake?
21 Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
Hakika unajua, kwa kuwa ulikuwa umeshazaliwa! Kwani umeishi miaka mingi!
22 Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
“Je, umeshawahi kuingia katika ghala za theluji, au kuona ghala za mvua ya mawe,
23 Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
ambazo nimeziweka akiba kwa ajili ya wakati wa taabu, na kwa ajili ya wakati wa vita na mapigano?
24 Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
Ni ipi njia iendayo mahali umeme wa radi unapotawanyiwa, au mahali upepo wa mashariki unaposambaziwa juu ya dunia?
25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
Ni nani aliyepasua mifereji kwa ajili ya maji mengi ya mvua yaendayo kasi na njia ya umeme wa radi,
26 Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
ili kusababisha mvua kunyeshea mahali pasipokaliwa na mtu, jangwa lisilo na yeyote ndani yake,
27 Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
ili kuitosheleza nchi ya ukiwa na jangwa, na majani yaanze kumea ndani yake?
28 Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
Je, mvua ina baba? Ni nani baba azaaye matone ya umande?
29 Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
Barafu inatoka tumbo la nani? Ni nani azaaye ukungu kutoka mbinguni,
30 Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
wakati maji yawapo magumu kama jiwe, wakati uso wa vilindi vya maji unapoganda?
31 Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
“Je, waweza kuufunga mnyororo wa Kilimia? Waweza kulegeza kamba za Orioni?
32 Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
Waweza kuyaongoza makundi ya nyota kwa majira yake, au kuongoza Dubu na watoto wake?
33 Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
Je, unajua sheria zinazotawala mbingu? Waweza kuweka utawala wa Mungu duniani?
34 Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
“Waweza kuiinua sauti yako mpaka mawinguni, na kujifunika mwenyewe na gharika ya maji?
35 Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
Je, wewe hutuma umeme wa radi kwenye njia zake? Je, hutoa taarifa kwako kukuambia, ‘Sisi tuko hapa’?
36 Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
Ni nani aliyeujalia moyo hekima au kuzipa akili ufahamu?
37 Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
Nani mwenye hekima ya kuyahesabu mawingu? Ni nani awezaye kuinamisha magudulia ya mbinguni
38 Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
wakati mavumbi yawapo magumu, na mabonge ya udongo kushikamana pamoja?
39 Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
“Je, utamwindia simba jike mawindo, na kuwashibisha simba wenye njaa
40 Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
wakati wao wamejikunyata mapangoni mwao, au wakivizia kichakani?
41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?
Ni nani ampaye kunguru chakula wakati makinda yake yanamlilia Mungu, yakizungukazunguka kwa ajili ya kukosa chakula?

< Ayuub 38 >