< Ayuub 38 >
1 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
Тада одговори Господ Јову из вихора и рече:
2 Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?
Ко је то што замрачује савет речима неразумно?
3 Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
Опаши се сада као човек; ја ћу те питати, а ти ми казуј.
4 Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
Где си ти био кад ја оснивах земљу? Кажи, ако си разуман.
5 Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
Ко јој је одредио мере? Знаш ли? Или ко је растегао уже преко ње?
6 Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
На чем су подножја њена углављена? Или ко јој је метнуо камен угаони?
7 Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
Кад певаху заједно звезде јутарње и сви синови Божји кликоваху.
8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,
Или ко је затворио море вратима кад као из утробе изиђе?
9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
Кад га одех облаком и пових тамом;
10 Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
Кад поставих за њ уредбу своју и метнух му преворнице и врата;
11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
И рекох: Довде ћеш долазити, а даље нећеш, и ту ће се устављати поносити валови твоји.
12 Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
Јеси ли свог века заповедио јутру, показао зори место њено,
13 Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
Да се ухвати земљи за крајеве, и да се растерају с ње безбожници,
14 Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
Да се она промени као блато печатно, а они да стоје као хаљина,
15 Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
Да се одузме безбожницима светлост њихова и рука подигнута да се сломи?
16 Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
Јеси ли долазио до дубина морских? И по дну пропасти јеси ли ходио?
17 Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
Јесу ли ти се отворила врата смртна, и врата сена смртног јеси ли видео?
18 Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
Јеси ли сагледао ширину земаљску? Кажи, ако знаш све то.
19 Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
Који је пут к стану светлости? И где је место тами,
20 Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
Да би је узео и одвео до међе њене, и знао стазе к дому њеном?
21 Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
Знаш ти; јер си се онда родио, и број је дана твојих велик.
22 Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
Јеси ли улазио у ризнице снежне? Или ризнице градне јеси ли видео,
23 Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
Које чувам за време невоље, за дан боја и рата?
24 Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
Којим се путем дели светлост и устока се разилази по земљи?
25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
Ко је разделио јазове поводњу и пут светлици громовној?
26 Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
Да би ишао дажд на земљу где нема никога, и на пустињу где нема човека,
27 Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
Да напоји пуста и неродна места, и учини да расте трава зелена.
28 Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
Има ли дажд оца? Или ко је родио капље росне?
29 Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
Из чије је утробе изашао лед, и ко је родио слану небеску,
30 Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
Да се воде скривају и постају као камен и крајеви пропасти срастају?
31 Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
Можеш ли свезати милине влашићима? Или свезу штапима разрешити?
32 Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
Можеш ли извести јужне звезде на време? Или кола са звездама њиховим хоћеш ли водити?
33 Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
Знаш ли ред небески? Можеш ли ти уређивати владу његову на земљи?
34 Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
Можеш ли дигнути глас свој до облака да би те мноштво воде покрило?
35 Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
Можеш ли пустити муње да иду, и да ти кажу: Ево нас?
36 Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
Ко је метнуо човеку у срце мудрост? Или ко је дао души разум?
37 Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
Ко ће избројати облаке мудрошћу, и мехове небеске ко ће излити,
38 Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
Да се расквашен прах згусне и груде се слепе?
39 Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
Ловиш ли ти лаву лов? И лавићима трбух пуниш,
40 Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
Кад леже у пећинама и вребају у заклону свом?
41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?
Ко готови гаврану храну његову кад птићи његови вичу к Богу и лутају немајући шта јести?