< Ayuub 37 >

1 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
دل من می‌لرزد؛
2 Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
گوش دهید و غرش صدای خدا را بشنوید.
3 Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan, Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
او برق خود را به سراسر آسمان می‌فرستد.
4 Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha, Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda; Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
سپس غرش صدای او شنیده می‌شود، غرش مهیب رعد به گوش می‌رسد و باز برق، آسمان را روشن می‌کند.
5 Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa, Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
صدای او در رعد باشکوه است. ما نمی‌توانیم عظمت قدرت او را درک کنیم.
6 Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.
وقتی او برف و باران شدید بر زمین می‌فرستد،
7 Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa, In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
مردم از کار کردن باز می‌مانند و متوجه قدرت او می‌شوند،
8 Markaasaa bahalladu hogag galaan, Oo waxay iska joogaan boholahooda.
حیوانات وحشی به پناهگاه خود می‌شتابند و در لانه‌های خویش پنهان می‌مانند.
9 Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
از جنوب طوفان می‌آید و از شمال سرما.
10 Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa, Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
خدا بر آبها می‌دمد، به طوری که حتی وسیعترین دریاها نیز یخ می‌بندد.
11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
او ابرها را از رطوبت، سنگین می‌کند و برق خود را به‌وسیلۀ آنها پراکنده می‌سازد.
12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,
آنها به دستور او به حرکت در می‌آیند و احکام او را در سراسر زمین به جا می‌آورند.
13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis, Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
او ابرها را برای مجازات مردم و یا برای سیراب کردن زمین و نشان دادن رحمتش به ایشان، می‌فرستد.
14 Ayuubow, bal tan dhegayso, Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.
ای ایوب، گوش بده و دربارهٔ اعمال شگفت‌آور خدا تأمل و تفکر کن.
15 War miyaad taqaan siduu iyaga u amro, Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?
آیا تو می‌دانی که خدا چگونه تمام طبیعت را اداره نموده، برق را از ابرها ساطع می‌کند؟
16 Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha, Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?
آیا تو می‌دانی چگونه ابرها در هوا معلق می‌مانند؟ آیا تو عظمت این کار خدا را می‌توانی درک کنی؟
17 Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay, Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?
آیا وقتی زمین زیر وزش باد گرم جنوب قرار دارد و لباسهایت از گرما به تنت چسبیده است،
18 Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka U xoogga badan sidii muraayad la shubay?
تو می‌توانی به خدا کمک کنی تا وضع آسمان را که مانند فلز سخت است تغییر دهد؟
19 Na bar wixii aan isaga ku odhan lahayn, Waayo, annagu hadalkayagii waxaannu la odhan kari waynay gudcur aawadiis.
آیا تو می‌توانی به ما بگویی چگونه باید با خدا مواجه شد؟ ما با این فکر تاریکمان نمی‌دانیم چگونه با او سخن گوییم.
20 Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono? Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?
من با چه جرأتی با خدا صحبت کنم؟ چرا خود را به کشتن دهم؟
21 Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.
همان‌طور که در یک روز آفتابی بی‌ابر، نمی‌توانیم به تابش خورشید نگاه کنیم،
22 Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya, Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.
همچنان نیز نمی‌توانیم به جلال پرشکوه خدا که از آسمان با درخشندگی خیره‌کننده‌ای بر ما نمایان می‌شود خیره شویم.
23 Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay; Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.
ما نمی‌توانیم به قدرت خدای قادر مطلق پی ببریم. او نسبت به ما عادل و رحیم است و بر کسی ظلم نمی‌کند،
24 Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan; Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.
و تحت تأثیر داناترین مردم جهان نیز قرار نمی‌گیرد، از این جهت ترس و احترام او در دل همهٔ مردم جا دارد.

< Ayuub 37 >