< Ayuub 36 >
1 Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
Elihu akaendelea kusema:
2 Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
“Nivumilie kidogo zaidi nami nitakuonyesha kwamba yako mengi zaidi ya kusemwa kwa ajili ya Mungu.
3 Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
Ninayapata maarifa yangu kutoka mbali, nami nitamhesabia haki Muumba wangu.
4 Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
Uwe na hakika kwamba maneno yangu si ya uongo; mmoja aliye mkamilifu katika maarifa yuko pamoja na wewe.
5 Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
“Mungu ni mwenye nguvu, lakini hamdharau mwanadamu; ni mwenye nguvu, naye ni thabiti katika shauri lake.
6 Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
Hawaachi waovu waendelee kuishi, bali huwapa walioteswa haki yao.
7 Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
Yeye haondoi macho yake kwa wenye haki; huwaketisha penye viti vya enzi pamoja na wafalme na kuwatukuza milele.
8 Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
Lakini ikiwa watu wamefungwa kwenye minyororo, wakiwa wameshikiliwa na kamba za mateso,
9 Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
huwaonyesha yale waliyoyatenda, kwamba wametenda dhambi kwa majivuno.
10 Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
Huwafanya wao kusikia maonyo, na huwaagiza kutubu uovu wao.
11 Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
Kama wakitii na kumtumikia, wataishi siku zao zilizobaki katika mafanikio, na miaka yao katika utoshelevu.
12 Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan, Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
Lakini wasiposikiliza, wataangamia kwa upanga, nao watakufa pasipo maarifa.
13 Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
“Wasiomcha Mungu moyoni mwao huficha chuki; hata anapowafunga, hawamwombi msaada.
14 Dhallinyaranimay ku dhintaan, Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
Wanakufa wangali vijana, miongoni mwa wanaume hanithi wa mahali pa kuabudia miungu.
15 Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
Bali wao wanaoteseka huwaokoa katika mateso yao, na kuzungumza nao katika dhiki zao.
16 Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
“Yeye anakubembeleza utoke katika mataya ya dhiki, ili kukuweka mahali palipo na nafasi mbali na kizuizi, hadi kwenye meza yako ya faraja iliyojaa vyakula vizuri.
17 Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
Lakini sasa umelemewa na hukumu kwa ajili ya uovu; hukumu na haki vimekukamata.
18 Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
Uwe mwangalifu ili yeyote asikushawishi kwa utajiri; usipotoshwe kwa fungu kubwa la rushwa.
19 Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
Je, utajiri wako hata nguvu zako nyingi vinaweza kukusaidia usiingie kwenye dhiki?
20 Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
Usiutamani usiku uje, ili uwaburute watu mbali na nyumba zao.
21 Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
Jihadhari usigeukie uovu, ambao unaupenda zaidi kuliko mateso.
22 Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
“Mungu ametukuzwa katika nguvu zake. Ni nani aliye mwalimu kama yeye?
23 Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
Ni nani aliyemwelekeza katika njia zake, au kumwambia, ‘Wewe umetenda yasiyo sawa’?
24 Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.
Kumbuka kuzitukuza kazi zake, ambazo watu wamezisifu katika wimbo.
25 Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
Wanadamu wote wameiona; watu wanaikazia macho kwa mbali.
26 Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
Tazama jinsi Mungu alivyo mkuu, kupita ufahamu wetu! Hesabu ya miaka yake haitafutiki.
27 Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
“Yeye huvuta juu matone ya maji, ayachujayo kama mvua kutoka kwenye vijito;
28 Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
mawingu huangusha chini maji yake, nayo mvua nyingi huwanyeshea wanadamu.
29 Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?
Ni nani ajuaye jinsi ayatandazavyo mawingu, jinsi angurumavyo kutoka hemani mwake.
30 Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
Tazama jinsi anavyotandaza umeme wa radi kumzunguka, naye huvifunika vilindi vya bahari.
31 Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.
Hivi ndivyo atawalavyo mataifa, na kuwapa chakula kwa wingi.
32 Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
Huujaza mkono wake kwa umeme wa radi, na kuuagiza kulenga shabaha yake.
33 Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.
Ngurumo zake hutangaza dhoruba inayokuja; hata mifugo hujulisha kukaribia kwake.