< Ayuub 36 >

1 Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
Un Elihus vēl runāja un sacīja:
2 Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
Pagaidi man vēl maķenīt, es tev mācīšu, jo no Dieva puses vēl kas jāsaka.
3 Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
Es meklēšu savu atzīšanu no tālienes un gādāšu savam radītājam taisnību.
4 Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
Jo tiešām, mana valoda nav meli; tavā priekšā ir, kam atzīšanas netrūkst.
5 Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
Redzi, Dievs ir varens un tomēr neatmet, Viņš ir varens gudrības spēkā.
6 Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
Viņš bezdievīgam neliek dzīvot, un bēdīgam nes tiesu.
7 Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
Viņš nenovērš savas acis no taisnā, bet pie ķēniņiem uz goda krēsla, tur Viņš tiem liek sēdēt mūžam, ka top paaugstināti.
8 Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
Un kur cietuma ļaudis ir ķēdēs un top turēti bēdu saitēs,
9 Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
Tur Viņš tiem dara zināmu viņu darbu un viņu pārkāpumus, ka cēlušies lepnībā.
10 Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
Viņš tiem atdara ausi mācībai, un saka, lai atgriežas no netaisnības.
11 Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
Ja tie nu klausa un Viņam kalpo, tad tie pavada savas dienas labumā un savus gadus laimē.
12 Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan, Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
Un ja tie neklausa, tad tie krīt caur zobenu un mirst bez atzīšanas.
13 Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
Bet kam neskaidra sirds, tie kurn, tie nepiesauc, kad Viņš tos saistījis.
14 Dhallinyaranimay ku dhintaan, Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
Tā tad viņu dvēsele mirst jaunībā, un viņu dzīvība paiet ar mauciniekiem.
15 Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
Bet bēdīgo Viņš izpestī viņa bēdās, un atver viņa ausis bēdu laikā.
16 Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
Tāpat Viņš tevi izraus no bēdu rīkles uz klaju vietu, kur bēdu nav, un tavs galds būs pilns ar treknumu.
17 Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
Bet ja tu esi pilns bezdievīgas tiesāšanās, tad tiesa un sodība tevi ķers.
18 Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
Lai sirds rūgtums tev jel neskubina zaimot, un tā lielā pārbaudīšana lai tevi nenovērš.
19 Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
Vai tu ar brēkšanu no bēdām tiksi vaļā, vai cīnīdamies ar visu spēku?
20 Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
Neilgojies pēc tās nakts, kas noceļ tautas no savas vietas.
21 Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
Sargies, negriezies pie netaisnības, jo tā tev vairāk patīk nekā pacietība.
22 Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
Redzi, Dievs ir augsts savā spēkā; kur ir tāds mācītājs, kā Viņš?
23 Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
Kas Viņam raudzīs uz Viņa ceļu, vai kas uz Viņu sacīs: Tu dari netaisnību?
24 Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.
Piemini, ka arī tu paaugstini Viņa darbu, par ko ļaudis dzied.
25 Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
Visi ļaudis to skatās ar prieku, cilvēks to ierauga no tālienes.
26 Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
Redzi, Dievs ir augsts un neizmanāms, Viņa gadu pulku nevar izdibināt.
27 Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
Viņš savelk ūdens lāsītes, un lietus līst no viņa miglas.
28 Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
Tas līst no padebešiem un pil uz daudz cilvēkiem.
29 Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?
Vai var izprast, kā padebeši izplešas, un kā Viņa dzīvoklis rīb?
30 Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
Redzi, Viņš ģērbjas zibeņu spīdumā un apklājās ar jūras dziļumiem.
31 Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.
Jo tā Viņš soda tautas un dod barības papilnam.
32 Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
Viņa abējās rokās spīdumi, un Viņš tiem rāda, kur lai sper.
33 Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.
Pērkona balss sludina Viņu nākam, un ganāmi pulki, ka Viņš tuvu.

< Ayuub 36 >