< Ayuub 35 >
1 Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,
Aidha, Elihu aliendelea kusema,
2 Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?
“Je unadhani hii ni sawa unaposema, 'Haki yangu mbele ya Mungu?
3 Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa? Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay?
Kwa kuwa unauliza, 'Inafaa nini kwangu' na 'Ingekuwa nzuri kwangu kama ningekuwa nimetenda dhambi?'
4 Haddaba waxaan u jawaabayaa Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.
Nitakujibu, wewe pamoja na marafiki zako.
5 Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.
Tazama juu angani, na ulione; angalia anga, ambalo liko juu sana kuliko wewe.
6 Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa? Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?
Kama umetenda dhambi, ni madhara gani huwa unayafanya kwa Mungu? Ikiwa makosa yako yameongezeka zaidi, je huwa unafanya nini kwake?
7 Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?
Kama wewe ni mwenye haki, unaweza kumpa nini? Je atapokea nini mkononi mwako?
8 Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah, Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.
Uovu wako waweza kuwaumiza mtu, kama ulivyo wewe ni mtu, na haki yako yaweza kumnufaisha mwana mwingine wa mtu.
9 Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.
Watu wanalia kwasababu ya matendo mengi ya unyanyasaji; wanaomba msaada katika mikono ya watu wenye nguvu.
10 Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,
Lakini hakuna hata mmoja asemaye, ' Mungu Muumba wangu yuko wapi, ambaye hutoa nyimbo wakati wa usiku,
11 Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?
ambaye hutufundisha sisi zaidi anavyowafundisha wanyama wa dunia, na ambaye hutufanya sisi kuwa wenye hekima kuliko ndege wa angani?
12 Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.
Huko wanalia, lakini Mungu hawajibu kwasababu ya kibriu ya watu waovu.
13 Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.
Kwa hakika Mungu hatasikia kilio cha kipumbavu; Mwenye nguvu wala hatajali.
14 In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko, Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.
Ni kwa namna gani atakujibu ikiwa unasema haumwoni, na ya kwamba hoja yako iko mbele yake, na ya kuwa unamngojea yeye!
15 Laakiinse haatan, isagu cadhadiisii kuma uu soo booqan, Oo xumaantana si weyn ugama uu fikiro;
Ni kwa jinsi gani atakujibu kama unasema kwamba hamwadhibu yeyote kwa hasira, na ya kwamba hajishughulishi na kiburi cha watu.
16 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa, Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.
Basi Ayubu hufumbua kinywa chake tu ili kusema upumbavu; huongeza maneno bila maarifa.”