< Ayuub 35 >

1 Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,
ויען אליהו ויאמר
2 Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?
הזאת חשבת למשפט אמרת צדקי מאל
3 Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa? Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay?
כי-תאמר מה-יסכן-לך מה-אעיל מחטאתי
4 Haddaba waxaan u jawaabayaa Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.
אני אשיבך מלין-- ואת-רעיך עמך
5 Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.
הבט שמים וראה ושור שחקים גבהו ממך
6 Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa? Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?
אם-חטאת מה-תפעל-בו ורבו פשעיך מה-תעשה-לו
7 Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?
אם-צדקת מה-תתן-לו או מה-מידך יקח
8 Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah, Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.
לאיש-כמוך רשעך ולבן-אדם צדקתך
9 Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.
מרב עשוקים יזעיקו ישועו מזרוע רבים
10 Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,
ולא-אמר--איה אלוה עשי נתן זמרות בלילה
11 Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?
מלפנו מבהמות ארץ ומעוף השמים יחכמנו
12 Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.
שם יצעקו ולא יענה-- מפני גאון רעים
13 Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.
אך-שוא לא-ישמע אל ושדי לא ישורנה
14 In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko, Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.
אף כי-תאמר לא תשורנו דין לפניו ותחולל לו
15 Laakiinse haatan, isagu cadhadiisii kuma uu soo booqan, Oo xumaantana si weyn ugama uu fikiro;
ועתה--כי-אין פקד אפו ולא-ידע בפש מאד
16 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa, Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.
ואיוב הבל יפצה-פיהו בבלי-דעת מלין יכבר

< Ayuub 35 >