< Ayuub 34 >

1 Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,
Sa’an nan Elihu ya ce,
2 Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.
“Ku ji maganata, ku masu hikima; ku saurare ni, ku masu ilimi.
3 Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.
Gama kunne yana rarrabe magana kamar yadda harshe yake ɗanɗana abinci.
4 Aynu dooranno waxa qumman, Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan.
Bari mu zaɓi abin da yake daidai, bari mu koyi abin da yake mai kyau tare.
5 Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.
“Ayuba ya ce, ‘Ba ni da laifi, amma Allah ya hana mini hakkina.
6 Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay; Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin.
Ko da yake ina da gaskiya, an ɗauke ni maƙaryaci; ko da yake ba ni da laifi, kibiyoyinsa sun ji mini ciwo wanda ba ya warkewa.’
7 Ninkee baa Ayuub la mid ah, Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,
Wane mutum ne kamar Ayuba, wanda yake shan ba’a kamar ruwa?
8 kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya, Oo dadka sharka ah la socda?
Yana abokantaka da masu aikata mugunta; yana cuɗanya da mugaye.
9 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.
Gama ya ce, ‘Ba ribar da mutum zai samu lokacin da yake ƙoƙari yă faranta wa Allah zuciya.’
10 Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.
“Saboda haka ku saurare ni, ku masu ganewa. Ko kaɗan Allah ba ya mugunta, Maɗaukaki ba ya kuskure.
11 Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.
Yana biyan mutum bisa ga abin da ya yi; yana kawo masa abin da ayyukansa suka jawo.
12 Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.
Ba zai yiwu Allah yă yi ba daidai ba, Maɗaukaki ba zai yi shari’a marar gaskiya ba.
13 Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?
Wane ne ya ba shi iko yă lura da duniya? Wane ne ya ba shi iko kan dukan duniya?
14 Hadduu keligiis iska fikiri lahaa, Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,
In nufinsa ne ya kuma janye ruhunsa da numfashinsa,
15 Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.
’yan adam duka za su hallaka tare, mutum kuma zai koma ƙasa.
16 Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.
“In kana da ganewa sai ka saurari wannan; ka saurari abin da zan ce.
17 War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?
Maƙiyin gaskiya zai iya yin mulki? Za ka iya ba mai gaskiya, Maɗaukaki laifi?
18 Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay? Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?
Ba shi ne ya ce wa sarakuna, ‘Ba ku da amfani ba,’ ya ce wa manya ‘Ku mugaye ne,’
19 Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.
wanda ba ya nuna sonkai ga’ya’yan sarki kuma ba ya goyon bayan masu arziki a kan matalauta, gama dukansu shi ya yi su da hannuwansa.
20 Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan, Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda, Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.
Suna mutuwa nan take, a cikin tsakiyar dare; an girgiza mutanen amma sun wuce; an taɓa manya amma ba da hannun mutum ba.
21 Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.
“Idanunsa suna kan al’amuran mutane; yana ganin tafiyarsu duka.
22 Ma jiro gudcur ama hoosdhimasho toona Oo ay kuwa xumaanta sameeyaa ku dhuuntaan.
Babu wuri mai duhu, babu inuwa mai duhu, inda masu aikata mugunta za su ɓoye.
23 Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.
Allah ba ya bukata yă ci gaba da bincike mutane, har da za su zo gabansa don yă shari’anta su.
24 Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin, Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.
Ba tare da tambaya ba yana ragargaza masu iko, yă kuma sa waɗansu a wurinsu.
25 Maxaa yeelay, isagu shuqulladooda wuu yaqaan; Oo habeennimuu afgembiyaa si ay u burburaan.
Gama yana sane da abubuwan da suke yi, yana hamɓarar da su da dare a kuma ragargaza su.
26 Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa, Iyagoo dadka kale u jeedo,
Yana ba su horo, don muguntarsu, inda kowa zai gan su,
27 Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen, Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.
domin sun juya daga binsa, kuma ba su kula da hanyoyinsa ba.
28 Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.
Sun sa kukan matalauta ya kai wurinsa yadda ya kai ga jin kukan masu bukata.
29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?
Amma in ya yi shiru, wa zai ba shi laifi? In ya ɓoye fuskarsa, wa zai gan shi? Duk da haka shi yake da iko kan mutum da al’umma duka,
30 Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan, Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.
yana hana wanda bai san Allah ba yă yi mulki, ya hana shi sa wa mutane tarko.
31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,
“A ce mutum ya ce wa Allah, ‘Na yi laifi, amma ba zan sāke saɓa wa wani ba.
32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
Ka koya mini abin da ba zan iya gani ba; in na yi ba daidai ba, ba zan sāke yi ba.’
33 Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed? Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga; Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.
Ya kamata Allah yă yi maka bisa ga abin da ka ce ne, sa’ad da ka ƙi ka tuba? Dole kai ka zaɓa, ba ni ba; yanzu ka gaya mini abin da ka sani.
34 Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,
“Mutane masu ganewa za su ce, masu hikima waɗanda suka ji ni za su ce mini,
35 Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa, Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.
‘Ayuba ya yi magana cikin rashin sani; maganganunsa na marar hikima ne.’
36 Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.
Kash, da za a gwada Ayuba har ƙarshe, domin yana ba da amsa kamar mugun mutum.
37 Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo, Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa, Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.
Ya ƙara tawaye a kan zunubansa; ya tafa hannuwansa na reni a cikinmu ya kuma ƙara yawan maganganunsa ga Allah.”

< Ayuub 34 >