< Ayuub 34 >
1 Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,
以利户又说:
2 Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.
你们智慧人要听我的话; 有知识的人要留心听我说。
3 Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.
因为耳朵试验话语, 好像上膛尝食物。
4 Aynu dooranno waxa qumman, Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan.
我们当选择何为是, 彼此知道何为善。
5 Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.
约伯曾说:我是公义, 神夺去我的理;
6 Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay; Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin.
我虽有理,还算为说谎言的; 我虽无过,受的伤还不能医治。
7 Ninkee baa Ayuub la mid ah, Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,
谁像约伯, 喝讥诮如同喝水呢?
8 kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya, Oo dadka sharka ah la socda?
他与作孽的结伴, 和恶人同行。
9 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.
他说:人以 神为乐, 总是无益。
10 Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.
所以,你们明理的人要听我的话。 神断不致行恶; 全能者断不致作孽。
11 Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.
他必按人所做的报应人, 使各人照所行的得报。
12 Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.
神必不作恶; 全能者也不偏离公平。
13 Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?
谁派他治理地, 安定全世界呢?
14 Hadduu keligiis iska fikiri lahaa, Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,
他若专心为己, 将灵和气收归自己,
15 Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.
凡有血气的就必一同死亡; 世人必仍归尘土。
16 Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.
你若明理,就当听我的话, 留心听我言语的声音。
17 War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?
难道恨恶公平的可以掌权吗? 那有公义的、有大能的,岂可定他有罪吗?
18 Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay? Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?
他对君王说:你是鄙陋的; 对贵臣说:你是邪恶的。
19 Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.
他待王子不徇情面, 也不看重富足的过于贫穷的, 因为都是他手所造。
20 Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan, Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda, Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.
在转眼之间,半夜之中, 他们就死亡。 百姓被震动而去世; 有权力的被夺去非借人手。
21 Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.
神注目观看人的道路, 看明人的脚步。
22 Ma jiro gudcur ama hoosdhimasho toona Oo ay kuwa xumaanta sameeyaa ku dhuuntaan.
没有黑暗、阴翳能给作孽的藏身。
23 Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.
神审判人,不必使人到他面前再三鉴察。
24 Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin, Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.
他用难测之法打破有能力的人, 设立别人代替他们。
25 Maxaa yeelay, isagu shuqulladooda wuu yaqaan; Oo habeennimuu afgembiyaa si ay u burburaan.
他原知道他们的行为, 使他们在夜间倾倒灭亡。
26 Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa, Iyagoo dadka kale u jeedo,
他在众人眼前击打他们, 如同击打恶人一样。
27 Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen, Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.
因为他们偏行不跟从他, 也不留心他的道,
28 Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.
甚至使贫穷人的哀声达到他那里; 他也听了困苦人的哀声。
29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?
他使人安静,谁能扰乱呢? 他掩面,谁能见他呢? 无论待一国或一人都是如此—
30 Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan, Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.
使不虔敬的人不得作王, 免得有人牢笼百姓。
31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,
有谁对 神说: 我受了责罚,不再犯罪;
32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
我所看不明的,求你指教我; 我若作了孽,必不再作?
33 Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed? Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga; Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.
他施行报应, 岂要随你的心愿、叫你推辞不受吗? 选定的是你,不是我。 你所知道的只管说吧!
34 Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,
明理的人和听我话的智慧人必对我说:
35 Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa, Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.
约伯说话没有知识, 言语中毫无智慧。
36 Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.
愿约伯被试验到底, 因他回答像恶人一样。
37 Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo, Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa, Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.
他在罪上又加悖逆; 在我们中间拍手, 用许多言语轻慢 神。