< Ayuub 33 >
1 Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.
Kwahiyo sasa, nakuomba wewe, Ayubu, usikilize hotuba yangu; sikiliza maneno yangu yote.
2 Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.
Tazama sasa, nimeufumbua mdomo wangu; ulimi wangu umesema maneno ndani ya mdomo wangu.
3 Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.
Maneno yangu yatasema uadilifu wa moyo wangu; yatasema kwa unyofu yale ambayo mdomo wangu unayajua.
4 Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.
Roho ya Mungu imeniumba; pumzi ya Mwenye nguvu imenipatia uhai.
5 Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.
Kama unaweza, nijibu; weka maneno yako katika mpangilio mbele yangu na kisha usimame.
6 Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
Tazama, niko kama wewe ulivyo mbele za Mungu; nimeumbwa pia kutoka katika udongo.
7 Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
Ona, tishio langu halitakufanya wewe uogope; wala mzigo wangu hautakuwa mzito kwako.
8 Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,
Umesema kwa hakika katika masikio yangu; nimeisikia sauti ya maneno yakeo yakisema,
9 Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.
'Mimi ni safi na bila hila; sina hatia, na hakuna dhambi ndani yangu.
10 Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;
Tazama, Mungu huona nafasi za kunishambulia mimi; huniangalia mimi kama adui yake.
11 Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.
Huweka miguu yangu akiba; naye huangalia njia zangu zote.'
12 Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
Tazama, katika hili hauko sawa, nitakujibu, kwa kuwa Mungu ni mkuu kuliko mtu.
13 Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
Kwanini unashindana naye? Huwa hahesabu matendo yake yoyote.
14 Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.
Kwa kuwa Mungu huzungumza mara moja, naam, mara mbili, ingawa mwanadamu hawezi kutambua.
15 Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,
Katika ndoto, katika maono ya usiku, wakati usingizi mzito unapowapata watu, katika usingizi kitandani -
16 Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
basi Mungu hufungua masikio ya watu, na kuwatisha kwa vitisho,
17 Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
kwa kusudi la kumvuta mtu atoke katika makusudio yake maovu, na kuyaweka majivuno mbali naye.
18 Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.
Mungu huyaokoa maisha ya mwanadamu kutoka katika shimo, na uhai wake dhidi ya kifo.
19 Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.
Mtu huadhidibiwa pia na maumivu kitandani mwake, na maumivu makali yanayodumu katika mifupa yake,
20 Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.
ili kwamba maisha yake yachukie chakula, na roho yake ichukie vyakula vizuri.
21 Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.
Nyama yake imeharibiwa ili kwamba usionekane; mifupa yake, mara moja isionekane, sasa basi ng'ang'ania.
22 Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
Hakika, roho yake inasogea shimoni, na uhai wake unasogea kwa wale wanaotaka kuuharibu.
23 Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,
Lakini kama kuna malaika anayeweza kuwa mpatanishi kwa ajili yake, mpatanishi mmoja miongoni mwa maelfu ya malaika, kumwonesha kile kilicho cha haki ili atende haki,
24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.
na kama malaika ni mpole kwake na kumwambia Mungu, 'Mwokoe mtu huyu ili asishuke chini shimoni; nimepata fidia kwa ajili yake,'
25 Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
kisha mwili wake utakuwa mororo kuliko mwili wa mtoto, atazirudia siku za nguvu za ujana wake.
26 Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
Atamwomba Mungu, na Mungu atakuwa mwema kwake, ili kwamba auone uso wa Mungu akiwa mwenye furaha. Mungu atampa mtu ushindi wake.
27 Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaalgudin.
Ndipo mtu huyo ataimba mbele ya watu wengine na kusema, 'Nilitenda dhambi na kuasi kile kilichokuwa cha haki, lakini dhambi yangu haikuadhibiwa.
28 Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
Mungu ameiokoa roho yangu isiende chini shimoni; maisha yangu yataendelea kuuona mwanga.'
29 Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,
Tazama, Mungu hufanya mambo haya yote pamoja na mwanadamu, mara mbili, naam, hata mara tatu,
30 Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.
kuirudisha roho yake kutoka shimoni, ili kwamba aweze kumlikwa na mwanga wa maisha.
31 Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.
Ayubu, zingatia na unisikilize mimi; nyamaza nami nitasema.
32 Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.
Ikiwa una kitu cha kusema, na unijibu; sema, maana nataka kuhakikisha kwamba wewe uko katika haki.
33 Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.
Kama sivyo, basi nisikilize, ubaki kimya, nami nitakufundisha wewe hekima.”