< Ayuub 33 >

1 Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.
ואולם--שמע-נא איוב מלי וכל-דברי האזינה
2 Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.
הנה-נא פתחתי פי דברה לשוני בחכי
3 Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.
ישר-לבי אמרי ודעת שפתי ברור מללו
4 Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.
רוח-אל עשתני ונשמת שדי תחיני
5 Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.
אם-תוכל השיבני ערכה לפני התיצבה
6 Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
הן-אני כפיך לאל מחמר קרצתי גם-אני
7 Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
הנה אמתי לא תבעתך ואכפי עליך לא-יכבד
8 Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,
אך אמרת באזני וקול מלין אשמע
9 Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.
זך אני בלי-פשע חף אנכי ולא עון לי
10 Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;
הן תנואות עלי ימצא יחשבני לאויב לו
11 Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.
ישם בסד רגלי ישמר כל-ארחתי
12 Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
הן-זאת לא-צדקת אענך כי-ירבה אלוה מאנוש
13 Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
מדוע אליו ריבות כי כל-דבריו לא יענה
14 Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.
כי-באחת ידבר-אל ובשתים לא ישורנה
15 Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,
בחלום חזיון לילה--בנפל תרדמה על-אנשים בתנומות עלי משכב
16 Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
אז יגלה אזן אנשים ובמסרם יחתם
17 Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
להסיר אדם מעשה וגוה מגבר יכסה
18 Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.
יחשך נפשו מני-שחת וחיתו מעבר בשלח
19 Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.
והוכח במכאוב על-משכבו וריב (ורוב) עצמיו אתן
20 Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.
וזהמתו חיתו לחם ונפשו מאכל תאוה
21 Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.
יכל בשרו מראי ושפי (ושפו) עצמתיו לא ראו
22 Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
ותקרב לשחת נפשו וחיתו לממתים
23 Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,
אם-יש עליו מלאך--מליץ אחד מני-אלף להגיד לאדם ישרו
24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.
ויחננו--ויאמר פדעהו מרדת שחת מצאתי כפר
25 Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
רטפש בשרו מנער ישוב לימי עלומיו
26 Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
יעתר אל-אלוה וירצהו וירא פניו בתרועה וישב לאנוש צדקתו
27 Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaalgudin.
ישר על-אנשים ויאמר חטאתי וישר העויתי ולא-שוה לי
28 Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
פדה נפשי (נפשו) מעבר בשחת וחיתי (וחיתו) באור תראה
29 Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,
הן-כל-אלה יפעל-אל-- פעמים שלוש עם-גבר
30 Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.
להשיב נפשו מני-שחת-- לאור באור החיים
31 Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.
הקשב איוב שמע-לי החרש ואנכי אדבר
32 Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.
אם-יש-מלין השיבני דבר כי-חפצתי צדקך
33 Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.
אם-אין אתה שמע-לי החרש ואאלפך חכמה

< Ayuub 33 >