< Ayuub 30 >

1 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
“Amma yanzu suna yi mini ba’a waɗanda na girme su, waɗanda iyayensu maza ba su isa su zama karnukan kiwon garken tumakina ba.
2 Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
Ina amfani ƙarfin hannuwansu gare ni, tun da ba su da sauran kuzari?
3 Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
Duk sun rame don rashi da yunwa, suna yawo a gaigayar ƙasa a kufai da dare.
4 Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal, Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
A cikin jeji suna tsinkar ganyaye marasa daɗi, jijiyoyin itacen kwakwa ne abincinsu.
5 Iyaga dadka waa laga dhex eryaa, Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
An kore su daga cikin mutanensu, aka yi musu ihu kamar ɓarayi.
6 Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
An sa dole su zauna a kwazazzabai da kuma cikin kogunan duwatsu da kuma cikin ramummuka cikin ƙasa.
7 Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda, Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
Suka yi ta kuka kamar dabbobi a jeji, suka taru a ƙarƙashin sarƙaƙƙiya.
8 Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood, Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
Mutane marasa hankali marasa suna, an kore su daga ƙasar.
9 Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay.
“Yanzu kuma’ya’yansu maza su suke yi mini ba’a cikin waƙa na zama abin banza a gare su.
10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
Suna ƙyamata suna guduna; suna tofa mini miyau a fuska.
11 Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
Yanzu da Allah ya kunce bakana ya ba ni wahala sun raba ni da mutuncina.
12 Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
A hannun damana’yan tā-da-na-zaune-tsaye sun tayar; sun sa tarko a ƙafafuna, sun yi shirin hallaka ni.
13 Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.
Sun ɓata mini hanyata; sun yi nasara cikin hallaka ni, ba tare da wani ya taimake su ba.
14 Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
Suka nufo ni daga kowane gefe; suka auko mini da dukan ƙarfinsu.
15 Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
Tsoro ya rufe ni; an kawar mini mutuncina kamar da iska, dukiyata ta watse kamar girgije.
16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
“Yanzu raina yana ƙarewa; kwanakin wahala sun kama ni.
17 Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
Dare ya huda ƙasusuwana; ina ta shan azaba ba hutawa.
18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
A cikin girman ikonsa Allah ya zama kamar riga a jikina; ya shaƙe ni kamar wuyan rigata.
19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
Ya jefa ni cikin laka, na zama ba kome ba sai ƙura da toka.
20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
“Na yi kuka gare ka ya Allah, amma ba ka amsa mini ba. Na tashi tsaye, amma sai ka dube ni kawai.
21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
Ka dube ni ba tausayi; Ka kai mini hari da ƙarfin hannunka.
22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
Ka ɗaga ni sama ka ɗora ni a kan iska; ka jujjuya ni cikin hadari.
23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
Na san za ka sauko da ni ga mutuwa zuwa wurin da kowane mai rai zai je.
24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?
“Ba shakka ba mai ɗora hannu a kan mutumin da yake cikin wahala. Lokacin da ya yi kukan neman taimako a cikin wahalarsa.
25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
Ashe ban yi kuka domin waɗanda suke cikin damuwa ba? Ko zuciyata ba tă yi baƙin ciki domin matalauta ba?
26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta, Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
Duk da haka sa’ad da nake begen abu mai kyau, mugun abu ne ya zo; Sa’ad da nake neman haske, sai duhu ya zo.
27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
Zuciyata ba tă daina ƙuna ba; ina fuskantar kwanakin wahala.
28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
Na yi baƙi ƙirin, amma ba rana ce ta ƙona ni ba. Na tsaya a cikin mutane, na kuma yi kuka don taimako.
29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
Na zama ɗan’uwan diloli, na zama abokan mujiyoyi.
30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
Fatar jikina ta yi baƙi tana ɓarewa; jikina yana ƙuna da zazzaɓi.
31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.
Garayata ta zama ta makoki, sarewata kuma ta zama ta kuka.

< Ayuub 30 >