< Ayuub 3 >
1 Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay.
Bayan wannan Ayuba ya buɗe baki ya la’anta ranar da aka haife shi.
2 Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:
Ayuba ya ce,
3 Dharaartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
“A hallaka ranar da aka haife ni, da kuma daren da aka ce, ‘An haifi jariri namiji!’
4 Maalintaasu gudcur ha ahaato; Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan, Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
Bari ranan nan ta zama duhu; kada Allah yă kula da ita; kada rana tă yi haske a wannan rana.
5 Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
Bari duhu da inuwa mai duhu ta sāke rufe ta; gizagizai kuma su rufe ta; duhu kuma ya rufe haskenta.
6 Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
Bari duhu mai yawa yă rufe daren nan; kada a haɗa ta cikin kwanakin shekara, ko kuma cikin kwanakin watanni.
7 Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
Bari daren yă zama marar amfani; kada a ji wata sowa ta farin ciki.
8 Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
Bari waɗanda suke la’anta ranaku su la’anta wannan rana su waɗanda suke umartar dodon ruwa.
9 Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
Bari taurarinta na safe su zama duhu; bari ranar tă yi ta jiran ganin haske amma kada tă gani,
10 Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday, Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
gama ba tă hana uwata ɗaukar cikina, don ta hana ni shan wahalan nan ba.
11 Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay? Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
“Me ya sa ban mutu ba da za a haife ni, ko kuma in mutu sa’ad da ana haihuwata ba?
12 Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen? Amase naasuhu inaan nuugo?
Me ya sa aka haife ni, aka tanada nono na sha na rayu?
13 Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
Da yanzu ina kwance cikin salama; da ina barcina cikin salama
14 Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
tare da sarakuna da mashawarta a cikin ƙasa, waɗanda suka gina wa kansu wuraren da yanzu duk sun rushe,
15 Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
da shugabanni waɗanda suke da zinariya, waɗanda suka cika gidajensu da azurfa.
16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
Ko kuma don me ba a ɓoye ni a cikin ƙasa kamar jaririn da aka haifa ba rai ba, kamar jaririn da bai taɓa ganin hasken rana ba.
17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
A wurin mugaye za su daina yin mugunta, gajiyayyu kuma za su huta.
18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
Waɗanda aka daure za su sami jin daɗin; an sake su ba za su sāke jin ana tsawata masu ba.
19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
Manyan da ƙanana suna a can, bawa kuma ya sami’yanci daga wurin maigidansa.
20 Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
“Don me ake ba da haske ga waɗanda suke cikin ƙunci, rai kuma ga masu ɗacin rai
21 Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
ga waɗanda suke neman mutuwa amma ba su samu ba, waɗanda suke nemanta kamar wani abu mai daraja a ɓoye,
22 Kuwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
waɗanda suke farin ciki sa’ad da suka kai kabari?
23 Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
Don me aka ba mutum rai, mutumin da bai san wani abu game da kansa ba, mutumin da Allah ya kange shi.
24 Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
Baƙin ciki ya ishe ni maimakon abinci; ina ta yin nishi ba fasawa;
25 Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.
Abin da nake tsoro ya faru da ni; abin da ba na so ya same ni.
26 Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto; Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.
Ba ni da salama, ba natsuwa; ba ni da hutu, sai wahala kawai.”