< Ayuub 3 >

1 Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay.
此後約伯開口詛咒自己的生日。
2 Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:
約伯開始說:
3 Dharaartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
願我誕生的那日消逝,願報告「懷了男胎」的那夜滅亡。
4 Maalintaasu gudcur ha ahaato; Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan, Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
願那日成為黑暗,願天主從上面不再尋覓它,再沒有光燭照它。
5 Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
願黑暗和陰影玷污它,濃雲遮蓋它,白晝失光的晦暗驚嚇它。
6 Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
願那夜常為黑暗所制,不讓它列入年歲中,不讓它算在月分裏。
7 Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
願那夜孤寂煢獨,毫無歡呼之聲。
8 Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
願那詛咒白日者,有術召喚海怪者,前來詛咒那夜。
9 Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
願晨星昏暗,期待光明而光明不至,也不見晨光熹微,
10 Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday, Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
因為它沒有關閉我母胎之門,遮住我眼前的愁苦。
11 Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay? Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
我為何一出母胎沒有立即死去﹖為何我一離母腹沒有斷氣﹖
12 Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen? Amase naasuhu inaan nuugo?
為何兩膝接住我﹖為何兩乳哺養我﹖
13 Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
不然現今我早已臥下安睡了,早已永眠獲得安息了,
14 Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
與那些為自己建陵墓的國王和百官,
15 Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
與那些金銀滿堂的王侯同眠;
16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
或者像隱沒的流產兒,像未見光明的嬰孩;
17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
在那裏惡人停止作亂,在那裏勞悴者得享安寧;
18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
囚徒相安無事,再不聞督工的呼叱聲,
19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
在那裏大小平等,奴隸脫離主人。
20 Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
為何賜不幸者以光明,賜心中憂苦者以生命﹖
21 Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
這些人渴望死,而死不至;尋求死亡勝於寶藏,
22 Kuwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
見到墳墓,感覺歡樂,且喜樂達於極點!
23 Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
人的道路,既如此渺茫,天主為何賜給他生命,又把他包圍﹖
24 Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
歎習成了我的食物,不停哀嘆有如流水。
25 Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.
我所畏懼的,偏偏臨於我身;我所害怕的,卻迎面而來。
26 Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto; Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.
我沒有安寧,也沒有平靜,得不到休息,而只有煩惱。

< Ayuub 3 >