< Ayuub 29 >

1 Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,
ヨブはまた言葉をついで言った、
2 Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore, Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
「ああ過ぎた年月のようであったらよいのだが、神がわたしを守ってくださった日のようであったらよいのだが。
3 Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
あの時には、彼のともしびがわたしの頭の上に輝き、彼の光によってわたしは暗やみを歩んだ。
4 Markii aan xoog lahaan jiray, Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
わたしの盛んな時のようであったならよいのだが。あの時には、神の親しみがわたしの天幕の上にあった。
5 Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray, Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
あの時には、全能者がなおわたしと共にいまし、わたしの子供たちもわたしの周囲にいた。
6 Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen, Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
あの時、わたしの足跡は乳で洗われ、岩もわたしのために油の流れを注ぎだした。
7 Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray, Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
あの時には、わたしは町の門に出て行き、わたしの座を広場に設けた。
8 Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen, Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
若い者はわたしを見てしりぞき、老いた者は身をおこして立ち、
9 Amiirraduna intay hadalka joojiyaan, Ayay afka gacanta saari jireen.
君たる者も物言うことをやめて、その口に手を当て、
10 Ragga gobta ahuna way aamusi jireen, Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.
尊い者も声をおさめて、その舌を上あごにつけた。
11 Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay, Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.
耳に聞いた者はわたしを祝福された者となし、目に見た者はこれをあかしした。
12 Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
これは助けを求める貧しい者を救い、また、みなしごおよび助ける人のない者を救ったからである。
13 Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay, Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.
今にも滅びようとした者の祝福がわたしに来た。わたしはまたやもめの心をして喜び歌わせた。
14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
わたしは正義を着、正義はわたしをおおった。わたしの公義は上着のごとく、また冠のようであった。
15 Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray, Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
わたしは目しいの目となり、足なえの足となり、
16 Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan, Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
貧しい者の父となり、知らない人の訴えの理由を調べてやった。
17 Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
わたしはまた悪しき者のきばを折り、その歯の間から獲物を引き出した。
18 Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa, Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.
その時、わたしは言った、『わたしは自分の巣の中で死に、わたしの日は砂のように多くなるであろう。
19 Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa, Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.
わたしの根は水のほとりにはびこり、露は夜もすがらわたしの枝におくであろう。
20 Sharaftaydu way igu cusub tahay, Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.
わたしの栄えはわたしと共に新しく、わたしの弓はわたしの手にいつも強い』と。
21 Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray, Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.
人々はわたしに聞いて待ち、黙して、わたしの教に従った。
22 Weligood igama ay daba hadlin, Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.
わたしが言った後は彼らは再び言わなかった。わたしの言葉は彼らの上に雨のように降りそそいだ。
23 Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
彼らは雨を待つように、わたしを待ち望み、春の雨を仰ぐように口を開いて仰いだ。
24 Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan, Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.
彼らが希望を失った時にも、わたしは彼らにむかってほほえんだ。彼らはわたしの顔の光を除くことができなかった。
25 Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray, Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya, Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.
わたしは彼らのために道を選び、そのかしらとして座し、軍中の王のようにしており、嘆く者を慰める人のようであった。

< Ayuub 29 >