< Ayuub 28 >

1 Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.
Hakika kuna machimbo ya fedha, wanaposafisha dhahabu.
2 Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.
Chuma uchimbwa; shaba uyeyushwa kutoka katika jiwe.
3 Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.
Mtu anaondoa giza na kutafuta, katika mpaka wa mbali, mawe hayaonekani na giza totoro.
4 Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.
Huchimba shimo mbali na makazi ya watu, mahali pasipopitwa na mtu. Huning'inia mbali na watu; uharakisha kwenda na kurudi.
5 Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.
Kwa nchi, kizalishwapo chakula, inapinduliwa kama kwa moto.
6 Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.
Mawe yake yana johari, na vumbi lake lina dhahabu.
7 Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,
Hata ndege mwindaji hapajui, wala jicho la kipanga halijapaona.
8 Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.
Ndege mwenye majivuna hajawai kuiona njia hiyo, wala simba mkali kupita pale.
9 Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.
Mtu huchimba mwamba mgumu; hupindua milima katika vyanzo vyake.
10 Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.
Huweka njia katika miamba; macho yake pale kila kilicho cha thamani.
11 Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.
Hufunga vyanzo hata wasiondoke; kilichofichika pale hukifunua.
12 Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
Hekima itakuwa wapi? Mahali pa ufahamu ni wapi?
13 Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.
Mtu hafahamu thamani yake; wala haipatikani katika nchi ya walio hai.
14 Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.
Vilindi vya maji chini ya nchi husema, 'Haiko kwangu'; bahari husema, 'Haipo pamoja nami.'
15 Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.
Hainunuliwi kwa dhahabu; wala hailinganishwi na fedha.
16 Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.
Haiwezi kuthamanishwa na dhahabu ya Ofiri, kwa jiwe jeusi la thamani au johari.
17 Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.
Dhahabu na fuwele hailingani nayo kwa thamani; wala haiwezi kubadilishwa kwa vito vya dhahabu safi.
18 Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.
Hailinganishwi na marijani wala yaspi; hakika, thamani ya hekima inapita madini ya rubi.
19 Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.
Topazi ya Ethiopia hailinganishwi nayo; wala kuthamanishwa kwa dhahabu safi.
20 Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
Je hekima inatoka wapi? Mahali pa ufahamu ni wapi?
21 Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.
Hekima imejificha mbali na macho ya viumbe wote na ndege wa angani.
22 Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.
Mauti na uharibifu husema, 'Tumesikia tu tetesi kwa masikio yetu.'
23 Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.
Mungu hufahamu njia ya kuipata; anapafahamu ilipo.
24 Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
Kwani uona miisho yote ya dunia na huona chini ya mbingu zote.
25 Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.
Hapo kale, alifanya nguvu za upepo na kuyagawanya maji kwa kipimo.
26 Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,
Aliiwekea mvua tamko na njia ya radi na munguromo.
27 Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.
Kisha akaiona hekima na kuitangaza; aliianzisha, bila shaka, na kuipima.
28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
Aliwambia watu, 'Tazameni, kumcha Bwana - ni hekima; kuacha uovu ni ufahamu.”

< Ayuub 28 >