< Ayuub 28 >

1 Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.
白銀掘いだす坑あり 煉るところの黄金は出處あり
2 Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.
鐡は土より取り 銅は石より鎔して獲るなり
3 Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.
人すなはち黒暗を破り極より極まで尋ね窮めて黒暗および死蔭の石を求む
4 Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.
その穴を穿つこと深くして上に住む人と遠く相離れ その上を歩む者まつたく之を覺えず 是のごとく身を縋下げ 遙に人と隔たりて空に懸る
5 Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.
地その上は食物を出し 其下は火に覆へさるるがごとく覆へる
6 Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.
その石の中には碧の玉のある處あり 黄金の沙またその内にあり
7 Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,
その逕は鷙鳥もこれを知ず 鷹の目もこれを看ず
8 Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.
鷙き獸も未だこれを踐ず 猛き獅子も未だこれを通らず
9 Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.
人堅き磐に手を加へまた山を根より倒し
10 Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.
岩に河を掘り各種の貴き物を目に見とめ
11 Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.
水路を塞ぎて漏ざらしめ隱れたる寳物を光明に取いだすなり
12 Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
然ながら智慧は何處よりか覓め得ん 明哲の在る所は何處ぞや
13 Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.
人その價を知ず人のすめる地に獲べからず
14 Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.
淵は言ふ我の内に在ずと 海は言ふ我と偕ならずと
15 Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.
精金も之に換るに足ず銀も秤りてその價となすを得ず
16 Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.
オフルの金にてもその價を量るべからず 貴き青玉も碧玉もまた然り
17 Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.
黄金も玻璃もこれに並ぶ能はず 精金の器皿も之に換るに足ず
18 Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.
珊瑚も水晶も論にたらず 智慧を得るは眞珠を得るに勝る
19 Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.
エテオビアより出る黄玉もこれに並ぶあたはず 純金をもてするともその價を量るべからず
20 Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
然ば智慧は何處より來るや 明哲の在る所は何處ぞや
21 Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.
是は一切の生物の目に隱れ 天空の鳥にも見えず
22 Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.
滅亡も死も言ふ我等はその風聲を耳に聞し而已
23 Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.
神その道を曉り給ふ 彼その所を知りたまふ
24 Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
そは彼は地の極までも觀そなはし天が下を看きはめたまへばなり
25 Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.
風にその重量を與へ 水を度りてその量を定めたまひし時
26 Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,
雨のために法を立て 雷霆の光のために途を設けたまひし時
27 Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.
智慧を見て之を顯はし之を立て試みたまへり
28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
また人に言たまはく視よ主を畏るるは是智慧なり 惡を離るるは明哲なり

< Ayuub 28 >