< Ayuub 26 >
1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Y RESPONDIÓ Job, y dijo:
2 Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
¿En qué ayudaste al que no tiene fuerza? ¿has amparado al brazo sin fortaleza?
3 Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
¿En qué aconsejaste al que no tiene ciencia, y mostraste bien sabiduría?
4 Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
¿A quién has anunciado palabras, y cúyo es el espíritu que de ti sale?
5 Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
Cosas inanimadas son formadas debajo de las aguas, y los habitantes de ellas.
6 She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh. (Sheol )
El sepulcro es descubierto delante de él, y el infierno no tiene cobertura. (Sheol )
7 Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
Extiende el aquilón sobre vacío, cuelga la tierra sobre nada.
8 Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
Ata las aguas en sus nubes, y las nubes no se rompen debajo de ellas.
9 Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
El restriñe la faz de su trono, y sobre él extiende su nube.
10 Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
El cercó con término la superficie de las aguas, hasta el fin de la luz y las tinieblas.
11 Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
Las columnas del cielo tiemblan, y se espantan de su reprensión.
12 Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
El rompe la mar con su poder, y con su entendimiento hiere la hinchazón [suya].
13 Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
Su espíritu adornó los cielos; su mano crió la serpiente tortuosa.
14 Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?
He aquí, estas son partes de sus caminos: ¡mas cuán poco hemos oído de él! Porque el estruendo de sus fortalezas, ¿quién lo detendrá?