< Ayuub 22 >
1 Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
提幔人以利法回答說:
2 Ma nin baa Ilaah wax u tari kara? Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
人豈能使上帝有益呢? 智慧人但能有益於己。
3 Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa? Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?
你為人公義,豈叫全能者喜悅呢? 你行為完全,豈能使他得利呢?
4 War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?
豈是因你敬畏他 就責備你、審判你嗎?
5 Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.
你的罪惡豈不是大嗎? 你的罪孽也沒有窮盡;
6 Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.
因你無故強取弟兄的物為當頭, 剝去貧寒人的衣服。
7 Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
困乏的人,你沒有給他水喝; 飢餓的人,你沒有給他食物。
8 Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.
有能力的人就得地土; 尊貴的人也住在其中。
9 Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.
你打發寡婦空手回去, 折斷孤兒的膀臂。
10 Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,
因此,有網羅環繞你, 有恐懼忽然使你驚惶;
11 Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.
或有黑暗蒙蔽你, 並有洪水淹沒你。
12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
上帝豈不是在高天嗎? 你看星宿何其高呢!
13 Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
你說:上帝知道甚麼? 他豈能看透幽暗施行審判呢?
14 Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.
密雲將他遮蓋,使他不能看見; 他周遊穹蒼。
15 War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?
你要依從上古的道嗎? 這道是惡人所行的。
16 Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
他們未到死期,忽然除滅; 根基毀壞,好像被江河沖去。
17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
他們向上帝說:離開我們吧! 又說:全能者能把我們怎麼樣呢?
18 Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan; Talada sharrowguse way iga fog tahay.
哪知上帝以美物充滿他們的房屋; 但惡人所謀定的離我好遠。
19 Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan, Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,
義人看見他們的結局就歡喜; 無辜的人嗤笑他們,
20 Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
說:那起來攻擊我們的果然被剪除, 其餘的都被火燒滅。
21 Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow, Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.
你要認識上帝,就得平安; 福氣也必臨到你。
22 Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.
你當領受他口中的教訓, 將他的言語存在心裏。
23 Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.
你若歸向全能者,從你帳棚中遠除不義, 就必得建立。
24 Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,
要將你的珍寶丟在塵土裏, 將俄斐的黃金丟在溪河石頭之間;
25 Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.
全能者就必為你的珍寶, 作你的寶銀。
26 Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.
你就要以全能者為喜樂, 向上帝仰起臉來。
27 Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.
你要禱告他,他就聽你; 你也要還你的願。
28 Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa; Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.
你定意要做何事,必然給你成就; 亮光也必照耀你的路。
29 Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.
人使你降卑,你仍可說:必得高升; 謙卑的人,上帝必然拯救。
30 Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.
人非無辜,上帝且要搭救他; 他因你手中清潔,必蒙拯救。