< Ayuub 21 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
ויען איוב ויאמר
2 Maqla oo warkayga aad u dhegaysta, Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
שמעו שמוע מלתי ותהי-זאת תנחומתיכם
3 Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
שאוני ואנכי אדבר ואחר דברי תלעיג
4 Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
האנכי לאדם שיחי ואם-מדוע לא-תקצר רוחי
5 Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara.
פנו-אלי והשמו ושימו יד על-פה
6 Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
ואם-זכרתי ונבהלתי ואחז בשרי פלצות
7 Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
מדוע רשעים יחיו עתקו גם-גברו חיל
8 Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
זרעם נכון לפניהם עמם וצאצאיהם לעיניהם
9 Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
בתיהם שלום מפחד ולא שבט אלוה עליהם
10 Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
שורו עבר ולא יגעל תפלט פרתו ולא תשכל
11 Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale, Oo carruurtooduna way cayaaraan.
ישלחו כצאן עויליהם וילדיהם ירקדון
12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
ישאו כתף וכנור וישמחו לקול עוגב
13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan. (Sheol h7585)
יבלו (יכלו) בטוב ימיהם וברגע שאול יחתו (Sheol h7585)
14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
ויאמרו לאל סור ממנו ודעת דרכיך לא חפצנו
15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
מה-שדי כי-נעבדנו ומה-נועיל כי נפגע-בו
16 Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto, Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
הן לא בידם טובם עצת רשעים רחקה מני
17 Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
כמה נר-רשעים ידעך-- ויבא עלימו אידם חבלים יחלק באפו
18 Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
יהיו כתבן לפני-רוח וכמץ גנבתו סופה
19 Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
אלוה יצפן-לבניו אונו ישלם אליו וידע
20 Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
יראו עינו כידו ומחמת שדי ישתה
21 Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
כי מה-חפצו בביתו אחריו ומספר חדשיו חצצו
22 Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
הלאל ילמד-דעת והוא רמים ישפוט
23 Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon,
זה--ימות בעצם תמו כלו שלאנן ושליו
24 Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
עטיניו מלאו חלב ומח עצמותיו ישקה
25 Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
וזה--ימות בנפש מרה ולא-אכל בטובה
26 Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola.
יחד על-עפר ישכבו ורמה תכסה עליהם
27 Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
הן ידעתי מחשבותיכם ומזמות עלי תחמסו
28 Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
כי תאמרו איה בית-נדיב ואיה אהל משכנות רשעים
29 Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
הלא שאלתם עוברי דרך ואתתם לא תנכרו
30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
כי ליום איד יחשך רע ליום עברות יובלו
31 Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?
מי-יגיד על-פניו דרכו והוא-עשה מי ישלם-לו
32 Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
והוא לקברות יובל ועל-גדיש ישקוד
33 Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.
מתקו-לו רגבי-נחל ואחריו כל-אדם ימשוך ולפניו אין מספר
34 Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?
ואיך תנחמוני הבל ותשובתיכם נשאר-מעל

< Ayuub 21 >