< Ayuub 20 >

1 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
ויען צפר הנעמתי ויאמר׃
2 Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda, Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
לכן שעפי ישיבוני ובעבור חושי בי׃
3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
מוסר כלמתי אשמע ורוח מבינתי יענני׃
4 Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
הזאת ידעת מני עד מני שים אדם עלי ארץ׃
5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
כי רננת רשעים מקרוב ושמחת חנף עדי רגע׃
6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
אם יעלה לשמים שיאו וראשו לעב יגיע׃
7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?
כגללו לנצח יאבד ראיו יאמרו איו׃
8 Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono, Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
כחלום יעוף ולא ימצאוהו וידד כחזיון לילה׃
9 Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
עין שזפתו ולא תוסיף ולא עוד תשורנו מקומו׃
10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
בניו ירצו דלים וידיו תשבנה אונו׃
11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
עצמותיו מלאו עלומו ועמו על עפר תשכב׃
12 In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay, In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
אם תמתיק בפיו רעה יכחידנה תחת לשונו׃
13 In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn, Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
יחמל עליה ולא יעזבנה וימנענה בתוך חכו׃
14 Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa, Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
לחמו במעיו נהפך מרורת פתנים בקרבו׃
15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa, Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
חיל בלע ויקאנו מבטנו יורשנו אל׃
16 Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
ראש פתנים יינק תהרגהו לשון אפעה׃
17 Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
אל ירא בפלגות נהרי נחלי דבש וחמאה׃
18 Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
משיב יגע ולא יבלע כחיל תמורתו ולא יעלס׃
19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
כי רצץ עזב דלים בית גזל ולא יבנהו׃
20 Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn, Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
כי לא ידע שלו בבטנו בחמודו לא ימלט׃
21 Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
אין שריד לאכלו על כן לא יחיל טובו׃
22 Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.
במלאות שפקו יצר לו כל יד עמל תבואנו׃
23 Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado, Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis, Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
יהי למלא בטנו ישלח בו חרון אפו וימטר עלימו בלחומו׃
24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah, Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
יברח מנשק ברזל תחלפהו קשת נחושה׃
25 Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa, Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda, Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
שלף ויצא מגוה וברק ממררתו יהלך עליו אמים׃
26 Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
כל חשך טמון לצפוניו תאכלהו אש לא נפח ירע שריד באהלו׃
27 Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
יגלו שמים עונו וארץ מתקוממה לו׃
28 Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa, Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.
יגל יבול ביתו נגרות ביום אפו׃
29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
זה חלק אדם רשע מאלהים ונחלת אמרו מאל׃

< Ayuub 20 >